Skip to main content

Posts

Riyada gorgor oo bisad dafayo kadib mas isu rogayso

Riyada: Asc walaal waan idin salaamay, waxaan idin weydiinayaa riyo aan dhawaan arkay , taas oo aheyd Shimbirka Gor-gorka ayaa isagoo duulayo wuxuu ku dul dagayaa bisad yar markaas ayuu la duulayaa oo hawada uu la galayaa markii uu damco inuu cuno isagoo hawada ku jiro ayaa Bisaddii waxay noqotay Mas weyn oo xoog leh kadib gor-gorkii waa cuni kari weynayaa maskii maadaama uu la dagaalamayo , sidaas ayuuna dhulka ugu soo celinayaa , maxay noqon kartaa riyadaaas illaahey ayaa xaqiiqada oge, waana mahadsantihiin. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa qof daalim ah oo awood leh oo masuul ama madax ah oo dulminayo dad masaakiin ah oo taag daran marka ugu dambayso isaga ayaa laga guulaysanayaa, waxay noqon kartaa riyo guud ah oo khuseysa umad, waxaa kaloo ay noqon kartaa riyo adiga kuu gaar ah hadduu jiro qof ku dulminayo oo awood leh in marka ugu dambayso laga adkaan doono. Waayo gorgorka wuxuu matalayaa qof awood leh oo madax ah bisadda uu qaadayna waxay matalaysaa qof daciif ah la dulminay...

Qofkii ku riyoodo asoo malab guranaya

Riyada: Asalamu caleykum Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aan guursan [doob ah ] Waxaan ku riyooday anoo Malab guranaaya isla markiiba waxan arkay odey waayel ah oo mesha tagan. Malabkii ayaan rabay odeyga inaa siiyo meel aan ku rido ayaan waayay. Odeygu ilama hadlin. Malabka waxaad moodaa wax dhaldha laalaya oo ay ku jiraan bacqafiif ah Bacdii ayaa dilaacday isla markiiba waxaa noo imaaday odey kale oo gar weyn leh wuxuu lasoo cararay [loor/ jawaan/ ]. Asagoo leh meeshan kus hubo oo ka gaarsii . Malabkii ayaan ku riday anigoo kacabsi qawa inuu daato . Markaas kadib waxaan bilaabay inaa usheekeeyo odayaasha oo aan uga sheekeeyo goobta malabka anigoo dhahaya. Meeshaan waa dugsigii quraan ka kuso baranjiray wagii aan yaraa geedkan na waa kii aan hoostiisa quraanka ku aqrisan jirnay dugsiileyda shinidaan xiligaas ayey soo degtay meshan anigoo dhahaya. Riyadiina meesha ayey ku dhamatay. FG. Waana sax goobta aan ku riyoday dugsiga Sido kale waxaan xasuustaa in shini ay soo Fuushay geedka ...

Riyada anoo dad lacag doolar u qeybinayo

Riyada: Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo u qaybinaya dad masaakiina lacag badan oo dollar ah Ayaan waxaan qaar siiyay lacag dollar oo fara badan oon aanan tiradeeda garanayn oo aan soo cantoobay Walalkayga oo dhintay ayaa igu lahaa dadkani aad lacagta intaa le'eg siinaysaa waa dad cadaw kugu ah oo xumaantada ka shaqeeya Waxaan ku idhi waan ogahay lkn ilaahay dartii ban usiiyee waxba kama rabo iyaga Waxuu igu yidhi waxba kaa qaadi mayaan ilaahay dartii hadaad u siisay Allah mahadleh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in Alle deeq badan ku siin doono heer aad gaarto inaad dadka wax ka siiso xataa dadka cadow kugu ah, teeda kale riyada waxaa laga fahmayaa in aad daacad tahay oo Alle ku waafajin doono iklaas dar Alle inaad wax u qabato waa riyo guud ahaan tilmaamayso camal suuban iyo wanaag iyo samafal.

Riyada gabar muus i siinayso maxaa lagu fasiraa

Riyada: Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin guud ahaan webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo gabadh aan ilmader nahay oo Kala wadan joognaa isiisay xabad muusoo aad u wayn oo aad u dheer oo rootiga kawayn Waan qaatay oon cunayo anoo waynideeda la dhacsan waanan faraxsanaa Allah mahadleh. Fasirka: Sidoo kale riyada muuska waxaa laga qaadanayaa nolol iyo barwaaqo badan muuska wuxuu ka mid yahay miraha janada, waana cunto aad nadiif u ah oo Alle ka ilaaliyay in cayayaanka taabto, marka Ilaahay wuxuu kuu sahli doonaa nolol ilaalsan oo raaxo leh.

Riyada gabar qurux badan oo aabaheeda i siiyay

Riyada: Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin guud ahaan webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo gabadh yaroo aad u qurux badan oo hindiyad ah uu aabaheed isiiyay oo uu isoo raacay iina keenay Ana aan israacnay oon dhexda qabsaday anoo caloosha iyo naasaha tatabanaya aadban u qurux badnayd una faraxsanayn Waxan soo galnay oo ay ikeentay guri aad u qasri ah dadbaa jaagay wax cunaya oo isoo eegayay oo ilayaaban way iga hinasaysnayeen ragaasi Ana waan iska qarinayay qolbanu wada galnay anagoo aad u faraxsan Allah mahadleh. Fasirka: Waa aduudnyo iyo nolol raaxo leh, guud ahaan raaxada dumarka marka lagu riyoodo waa nolol fiican riyada waxay tilmaamaysaa in aad heli doonto nolol farxad leh oo raaxo iyo xasilooni wadata.

Gabar ku riyootay iyadoo dagaal kula jirto nin dheer

Riyada: Asc bahda waxaan ku riyooday ani oo jiifa waxaan arkay nin dheer oo duqa oo igu soosacda markaa bisinkaan ka qabasaday madaxay guu fadhiisatay waxaa lugtiisa bidix saaray qardhaas ninka waxaa agtaagnaa nin gaaban oo madow ò jareera markaa waxaan aqriayay suuratu falaq markaa jareerkii waxuu dhahay ani haday suuratu falaq aqridayday bas way iga adkaatay wuuna tagay kiikale waxaana garanayn igu aqriyay gacmahaygay suxulada iga daalee markaa wan la diriray kii soo haray dibaan uxiray gacmahiisa suuratu baqara aqriyay kiikalana waxuu dhahy haday suuratu baqara aqriday way iga adkaatay aadbuuna iila diriray markaan ladgo wuu igusoo kici ugu danbaydibaan u xiray wuuna so fakaday wana ladiriray Xiliga aan ku tiyooday adinka horee salaada habeen jimce ah Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa sixir iyo il inay jiraan, waxaad dagaal kula jirtaa shayaadiinta, waxaad kaga adkaan kartaa quraanka kaliya, waxaa lagu tusay inay quraanka ka baqayaan. Marka ku dadaal inaad akhriso quraan siiba aa...

Riyada ayeeyo waa hore dhimatay oo i dhibayso

Riyada: Asc wr wb walaal, waxaan ahay gabar wali ma guursan. Waxaa isoo korisay Ayeyo hooyo dhashey, aniga kaligey ima soo korin ee waxeey soo korisay ilmo badan oo wiilasheeda iyo gabdheheeda dhaleen. Waxaa kaloo ku jirey ilmo ay iyada dhashay kuli Agoon aan eheen. Walaal aniga waxaan ahaay cunuga ugu baarisan gurigaas. Ayeeyo waan caawin jirey waan cadeeci jirey waana jeclaa maadama aan waalid kale heysan, lakiin aniga waalii dhibi jirey oo ayeeyo aa liigu diri jirey habaryar yaasheey ana igu diri jiren. Walaahi dhibweyn ayey igu heen jireen oo waan iska sabri jirey wax kasta liigu sameeyo, sidaan dhibkas ugu jirey aniga oo yar ayaan jaanis heley oo dibada ah wadankii waan kasoo tagay oo yurub aan imaaday aniga oo 1 dollar liiga qaadin Alxamdulilaah. Waana yaraay waxa iga horeeyo majirin.  markan yurub tagay gaalo ayaan gacanta ugalay oo ilaahey ayaa i asturay oo ilaaliyey ilahay wuxuu ii ilaaliyey sidii ukunta oo kale oo wadada fiican igu hanuuniyay aniga oo gaalo ku dhax jirey ...