Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Meydka

Riyada mas madow oo candhuuf igu soo tufayo

Riyada: Asc waxan ahay qof dumar eh oo xaas eh waxan ku riyoodey iyado nala joogo adeer qaraabada eh oo dhintey wu jiifey caruurteyda aya warqad uqoraayo oo amaan eh kadib qolka uu jiifey albabkisa ayan ku dhajinay kadib adeerki wu so kacay marki an qolkale ugu galaayey waxa ku jirey odeygeyga oo idhahay sharobo an cabay wan ku hurdey sifican. Markan Kaso tagey waxan so aadey jikada albaabka markan maraayo aya kor waxan ka arkey mas madow oo madaxa so taagayo kadib candhuf ayu igu tufey waxey iga gaartey madaxa ilaa garabkab ilaa gacanta jikada ayan ku cararey waxa ku jirey laba qof oo dumar eh mid aya biyo igu shubtey oo iga dhahdey waxeyna idhahdey hadu madaxa kaga shubi lahaay wu ka go,i lahaay kadib wiilkeyga aya intu kor korey igu dhahay Hooyo maski waan dilay aniga naxsan hurdada Kaso boodey.  Aad aya umahadsantihin riyadaan hada awoodid iso fasira  Fasirka: Riyadan waa riyo sir weyn xambaarsan, waxay tilmaamaysaa inuu idin ku dhexjiro qof cadow daran ah, oo familka ama ...

Riyada meydka nabiga SCW fasirkeeda

 Riyada: Waxay tidhi sidatan Ano jiifa ayaaa lay dhaafiyay  maydka nabiga scw waan ka daba tegay jidka waxaan ku sii maray dumar allabari karinaya waan waydiiyay halkaa la mariyay maydkii nabiga scw  waxay igu dhaheen halkaa ragu ka yimi   markaa gacan cadbaan ku siday gacanna qori xaaba   cadkii gabadh ayaan siiyay waan dhaafay waxaan sii maray geenyo 4ta adin cirka u taagaysa inta kalena aasantahay   markaa waan dhaafay  rag meel geeda jooga ayaan siiyay qorigii xaabada ahaaa    sasay ahayd. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa musiibo aad u weyn  Ilaahay haka badbaadiyo gabdhaas.

Riyada la kala celinayo laba caruur iyo hadalka qofka meydka

Riyada: Asc walaal waxan ku riyooday anoo laba caruura kala celinaya kadibna mid xabaal kujira hadana waaninaya qofkii xabaasha kujiray oo uu ila hadlay  fadlan iiso jawabaab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad inay noloshaada soo faragalin doonaan iyo inaad xallin doonto mashaakil la xiriira qoyskaaga ama noloshaada sidoo kale inaad go'aan fiican qaadan doonto