Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Dooga

Riyada qof madaxiisa meel doox ku dhaqanayo asoo timaha soo jartay

Riyada: ASC wll waxad ii fasirtaa anigoo meel biyo ku jiraan oo dooxada oo kale ah  cagaar ne leh ku maydhayo madaxayga oo aan Soo jartay oo cilaan si fiican timahayga u qabtay oo gududka xinaha aan iska maydhayo intaaan shaadhka iska saaray madax iska maydhay Fasirka: Riyada waa riyo fiican, waxay tilmaamaysaa farxad iyo towbad iyo dahaarada qalbiga iyo qalbi qaboobnaan iyo toosnaan lagu toosnaado diinta. Waa riyo aad u fiican runtii calaamooyinka ay wadato oo dhan waa wax fiican. The dream is a good dream, it describes joy and repentance and the veil of the heart and comfort and uprightness of religion. It's a very good dream and all the signs it has are nice.

Riyada gabar meel doog biyo leh joogto

 Riyada: Asc wll  Riyadaan ii fasir waaxaan gabar aan wali la guursan waxaan ku riyoodey aniga iyo gabadh saaxiibo ahaan jirnay xiliga iskuulka intaaan soconay sidaan usoconaynay baan waxaan aragnay dhul qurux badan oo kor ah marka waxuu lahaa geedo cagaar ah biyana hoos kamarayaan marka gabadh kale oo aan aqaan Anigu baa mesha udhow marka waxaan dhahnay apayoh meshan quruxda badan vidio nooga duub aniga iyo saaxibtay maxay noqonysaa walaal hada ka horna waaku riyoodey dhowr Sano dhul cagaar ah ooo quruxbadan anoo dhex jooga Fasirka: Waa nolol aad u fiican iyo barwaaqo aan lasoo koobi karin waxaa ku sugaya mustaqbal farxad iyo barwaaqo wato inshaa Allaah. It is a very good life and countless prosperity awaits you in the future with happiness and prosperity, God willing.

Waxaan ku riyooday anoo dhoofayo oo Maraykanka aaday

Riyada: Aniga riyada dhoofka waiguso noq noqota ano dhoofayo maraykan joogo dhul cagaara kuqanacsan mana ihi dadka dhoofka kufakara ama rajo kaleh ilahow qayr nogadhig bal iiso fasir shiiqow qayr alaha kusiiye Fasirka: Riyadan waxay u badan tahay in si dhab ay usoo baxayso inaad aadi doonto meesh aad riyada ku aragtay, maxaayeelay riyada soo noqnoqoto inta badan si toos ayay u soo baxaysaa.

Riyada gabar wiil xiriir ay la leedahay la joogto

Riyada: 1.wxn ku riyoody aniga iyo will aan xidhiidh lenahay oo dalxiis aadnay meel dooga uu qurux badn iyo guryo quruxbadn leh wanan farxsanyn laba hablood oo wallahy ahna way Ila joogen goobta dalxiiska. 2. Mar Kalen wxn ku riyooday aniga iyo wiilkaas oo masajid wada joogna Fasirka: Riyada koowaad waxay tilmaamaysaa farxad iyo barwaaqo waliba waxaa dhici karto ninkaas inaad is guursataan. Midda labaadna kama foga midda hore waxay tilmaamaysaa in khayrka aad ku kulmi doontaan waa labo riyo fiican

Riyada qof ilmo agoon ah weydiinayo xaalkooda

Riyada: Asc wll aqiro iyo aduunba alahaa kuubarakeeyo  Waxaad ii fasirtaa riyadn  Waxaan kuriyooday nin ganacsada ah oo aan aqaano ayaa ii yimid anigoo meel barwaaqa ah jooga kadibne waan Soo dhaweeyay waxaane idin meeshan duuga aha ee quruxda badan    udhiga darin ama Sali kulba sidaas utaqano , waxaan waydiiyay agoontii uu katagay walaakaa maqaan gaadheen wuxuu iigu jawabay haa , Hadii alle idmo ii Soo fasir. Fasirka: Riyada waa khayr waxay tilmaamaysaa in Ilaahay murugada kaa qaadi doono oo uu farxad kugu badali doono sidoo kale inuu ku siin doono wax aad dadka ugu kaaftoonto sida qofka agoonka ah marka uu qaangaaro uu uga baxayo agoonnimada.

Riyada gabar tagtay meel uu nabiga (SCW) joogi jiray oo doog ah

 Riyada: Asc bahda daruuro  gabar reerleh waxay ku riyootay iyadoo meel uu nabigeena muxamad (scw) joogi jiray daxiis ku tagtay meel barwaaqo ah aad u qurux badan wado ayaan qaadnay geed labi iila ekaa tagnay ani dad kele waxan lahayn halkan nabigeena muxamad (scw) baa fadhiisan jiray meeshan asxabtiisaa fa dhiisan jiray meeshu waa barqaaqo doog ah geedkuna wado kuyaalaa wadadu dhina qibladay u socptay meel barqaaqo ah bayna ahayd aadna wan u farxzana 2 jeerbana tagay isla riyaa dhexdeeda Fasirka: Riyada waxay tilmamaysaa gabadhaas inay booqan doonto masjidka rasuulka (SCW) xajkana way tagi doontaa riyadana way iska caddahay, Ilaahay wanaagga hana waafajiyo.

Waxan kur iyooday hooyday oo meel barwaaqo ah dagan oo baadiyo ah

Riyada: Asc bahda daruuro waxan ku riyooday xalay hooyday oo meel barwaaqo ah dagan oo baadiyo ah oo kayma ah oona waligay arkiin dhirta iyo doogu isku baxeer Adhina haysata markaa ani iyo gabar aan aqaano ayaa guriga kasoo baxnay markaan xoogaa soconay oo shaqadha xoolaha maqlaybo bàn soo labanay anaa xoogaa ka harmaray iyaduna way ida asocotay markaa dhul kayna oo dhirbadnbuu ahaa waxa arkay geedaha ay gobaladu guryaha ku dhistaan tiirar badan oo laguray markaa waxaan dhahay dowladu maxay dhirta u ilain wayday hadana waxaan dhahay geedkaan waa qarari oo xoolahu waxba kama cunaan iskadaa ban niyada ka dhahahay wan dhàfay gabadhii way ii yeertay ku awy bay dhahday ana waykee soo socan dhahay waxan arkay meel gabadha xageeda ah nin dhar cad cd qaba oo khamiis iyo cumaamaf xad qaba oo sposocda wàn ka cabsaday waxaan aad isdhahay gurigii waan garab marayarkaa meel barwaaqo ahoo xoolo radkod marmareen baan dhexsocday markaan xoogaa socdaba ninkii oo i daba socdaan arki waana kasii socday. ...

Riyada xabxabka iyo doogga guriga hortiisa

Riyada: Hadii qofku kuriyodo guriga hortisa oo xabxab ka buuxo oo u kaso baxay oon ku farxsantahy  hadana barwaaqo ah oo dogu ka buuxo oo  ale mansheyay  kuriyodo qofku Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in aad gaari doonto waxtarka dadaalka aad ku jirtay, waa natiijada daalkaaga,  ugu dambeyntii waad guulaysanaysaa dhib iyo rafaad kaddib, waa khayr inshaa Allaah, marka xabxabka ama qaraha iyo dooggaas sidaas ayaa lagu fasiraa.

Riyada qof geel dhalay la joogo meel barwaaqo ah

Riyada: Habeen kalene waxaan ku riyooday anigoo meel barwaaqa ah geel dhalay lajooga meeshune meel qurux badan ayaay ahayd. Fasirka: Riyada dhalmada geela qofkii arko waxaa lagu fasiraa inuu heli doono miraha daalka shaqadiisa, dadaalka uu ku jiro natiijo fiican ayuu ka helayaa, hadduu shaqo hayo shaqadaas meel weyn ayuu ka gaarayaa hadduu waxbarasho ku jiro guul weyn ayuu ka keenayaa waxbarashada.  Waliba meesha barwaaqada ayaa sii xoojinaysa fasirka riyada aan kuu fasiray.

Riyada qof god hoose ku dhacayo

  Riyada : Ado mahadsan wll   riyo kale aan ku waydiiyo    Anoo marayaa meel rooban aadna u qurux badan ayaa waxa ila dumaya dhulka waxaan ku dhacayaa meel  hoose   lkn waasaca iska qurux badan   aan wax cabsiya lahayn keliya waxaan rabay   inay iigu timaado meesha aan joogo islaan eedadaya  oo aan dadka ugu jeclahay    waxaan isleeyahay   may raadkaagi soo raacdo hakasoo dhacdo halkaa hana kugula noolaato meeshane Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad la kulmi doonto dhibaatooyin kala duwan oo aan dhib weyn kuu geeysanaynin