Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Geela

Riyada anoo geel fuulaya oo eey i qaniinaya

Riyada: Sh waxn ku riyooday aniigo. Neef Geela dusha ka fuulay oo uu ila cararayo man xanuusani reer mallihi yacni ma guursan munfaqan isgam shakiin waxn ahy qof naftiisa kantarool oo KA adag mar hadad qofka aragto sida an kugu sheeg igu fasiir plz    markan ta ka gudboon anigoo riyada an kor ku sheeg ku jira ayaan toosay cabaar ka bacdi markan gamay hadan waxaan ku riyooday eey caas oo ii qaniinaya. Fasirka: Riyada hore ee aad fuushay geela waxay tilmaamaysaa safar dheer aad gali doonto, midda eeyga ku qaniinayo waxay tilmaamaysaa halis kugu soo socoto waliba waa dad cadow ah oo raba inay dhib kuu geeystaan.

Riyada qof geel dhalay la joogo meel barwaaqo ah

Riyada: Habeen kalene waxaan ku riyooday anigoo meel barwaaqa ah geel dhalay lajooga meeshune meel qurux badan ayaay ahayd. Fasirka: Riyada dhalmada geela qofkii arko waxaa lagu fasiraa inuu heli doono miraha daalka shaqadiisa, dadaalka uu ku jiro natiijo fiican ayuu ka helayaa, hadduu shaqo hayo shaqadaas meel weyn ayuu ka gaarayaa hadduu waxbarasho ku jiro guul weyn ayuu ka keenayaa waxbarashada.  Waliba meesha barwaaqada ayaa sii xoojinaysa fasirka riyada aan kuu fasiray.

Riyada lo' oo qofka kusoo ordayso

Riyada: Asc walal waxa raba Ina ifasirto riyadan lo' ku eeryaneso ama kugu soo ordeso maxey tahy micanheda. Fasirka: Riyada lo'da waxaa lagu fasiraa sanadka, haddii lo'daas oo kugu soo ordeyso ay tahay lo' cayilan oo barwaaqo ka muuqato waxaad helaysaa nolol barwaaqo leh haddii ay tahay lo'daas lo' xayeesi ah oo caato ah waxaad la kulmaysaa sanad xoogaa shiid ah marka riyada lo'da inta badan sidaas ayaa lagu fasiraa.

Geel libaax eryanayo maxaa lagu fasiraa

Last 5 days to get Platinum & Diamond at 40% OFF  ‌ ‌ ‌  Riyada: Geel libaax eryanayo ayaa naga horyimid aniga iyo saxiibkay murkuu geelii na waydaartay waxaa na soo jiidhay libaaxii eryanay geela kadib waxaan ku dhuftay dhagax wuuna naga leexday. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay kula soo gudboonaan doonaan dhibaatooyin adag laakin waad u adkaysan doontaa waana ka badbaadi doontaa marka ugu dambayso. Libaaxa wuxuu astaan u yahay hadda dhibka iyo rafaadka iyo cabsida kula soo gudboonaan doonto neefka geelana wuxuu astaan u yahay sabarka iyo adkaysiga sidoo kale leexashada libaaxa waa badbaadada.