Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Roobka

Riyada oonka iyo riyada guriga roob iyo boor soo galayaan

 Riyada: Asc Ugu horeyn Aniga waxaan ahay xaasle. Shaqo la'aana waan ahay. Guri Kira ahna waan daganahay. Waxaa wax isiiya walaalahey, sida kirada iyo cun. Waxaan arkay 3 riyo oo aan u baahanahay in la ii fasiro. 1: Ryada 1 aad; waxaan riyo ku arkey Anigoo oon I haayo biyana cabaaya, biyahana aan ka dhargeynin, oonkiina uu I haayo. 2: Riyada 2 aad; waxaan riyo ku arkay Anigoo guri abtigey uu leeyahay qol kamid ah jiifa, kadibna roobka dhibcihiisa uu jiingada kasoo dhex baxaayo oo igu da'aayo yar dariskeena ah ayaa wuxuu I leeyahay roobka ka kac Anigana aan la yaabanahay roobka jiingada kasoo dhex baxay. 3: Riyada 3 aad; ugu horeyn inta aanan riyadaan u guda galin Aniga iyo xaaskeyga waxaan daganahay guri kiro ah oo dad kale ay nala dagan yihiin, hooyadey iyo walaalahey ilama dagna. Waxaan riyo ku arkay guriga aan kirada kudaganay oo boor iyo caro meel walba kasoo galay hooyana guriga ay ila dagan tahay, boorka iyo carada ayey nadiifin u galeen xaaskeyga iyo walaalaheyga, hooyo ...

Riyada diyaarad soo dhacayso maxaa lagu fasiraa

Riyada: Xn ku riyoody xn maqlay guux diyaradeed waan soo baby waxan arkay diyard wareegaysa lkn Naga fog dadkii waxy leyhiin way soo dhacysaa waxyna sii daynysaa Qiiq cad oo arligiba qariyay kadib way soo dhacday angoo arkayna  qiiqii wxu isku badaly roob xoogan oo dhibco waawayn leh kadibna uu istaagy xn u carary meel hoydy joogty kadib wn toosay. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa dhacdo weyn lala yaabi doono oo ay meesha aad joogto ka dhacayso waana wax musiibo ah oo dhib badan lagala kulmayo sharta Ilaahay hanaga hayo.

Qof ku riyooday malaku Jibriil oo la hadlayo

Riyada: Wiil aan aabo u ahay oo arday  Quraanka xifdiya ah oo dadiisu tahay  11 jir ayaa ku riyooday  Sidan  Wuxudhahay waxan ku riyooday anigoo ka imi goobta quraanka ee malcaamadda oo kitaabkii quraanka ahaa Sita ayaa roob soo da ay waxan ka galay meel  Markii roobkii qaaday waan soo baxay iyadoo dhulka biyo badani marayaan  Waxa markaa iga hor yimi  Nin aad u dheer oo guryaa dabaqyada ah madixiisu aad uga dheeryahay oo aad u qurux badan  Ninkuu wuxu leeyahay baalal  Wuu I salaamay waan ka qaaday salaantii  Wuxu igu dhahay waxan ahay jibriil  Markaa wuu duulay xaga sare ayuuna ku libdhay  Fasirka: Riyadan waa riyo aad u qiima badan waana bishaaro cad waxay tilmaamaysaa wiilka aad sheegtay inuu gaari doono darajo aad u sarraysa xagga diinta wuxuuna noqon doonaa qof diinta islaamka faafinaya dadka oo dhanna ay ka dambeeyaan wuxuu noqonayaa wiil barakaysan  roobkaas soo da'ay waa barako ka imaanayso cirka aragtida malaku Ji...