Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Weysada

Riyada ninka oo ku weysaysanayo biyo mustacmal ah

Riyada:  waxan u shaqeeyaa company dadka owners ka company ga ah waxa ka mid ah nin aanu saaxiib nahay  waxan markaa ku riyooday aniga iyo ninkaa aan u shaqeeyo oo meel kawada weyso qaadanayna  markaa anigu waxan gacanta u dhiganayaa biyaha dadku ku weyso qaateen oo jidhkooda  ku maydheen oo kasoo dareeraya meesha lagu weyso qaadanayo biyalaa oo mustacmal ah  markaa waxa gacanta iga qabanaya ninkaa aan u shaqeeyo oo igu odhanaya  ALLAAH BAA MAHADLE biyahaas nadiif maaha ee iska daa oo kuwan nadiifta ah ku weyso qaado. Fasirka: Riyada waa cajiib waxay tilmaamaysaa ninkaas biyaha kaa reebayo inuu sabab u noqonayo shaqada aad hayso shaqo ka fiican inaad heli doonto. The dream is amazing it points to that man who keeps you out of the water as a reason for the job you have a better job you will get.

Waxaan ku riyooday anoo waysaysanayo oo wajiga maraya

  Riyada : Asc riyadan isi fasir wlaal  Waxaan ku riyooday anoo waysaysanayo oo wajiga maraya Ayaan soo kacay gaacntiina wajiga ku haya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa khayr iyo bishaaro sidoo kale towbad iyo towfiiq, sidoo kale in Ilaahay kaa badbaadin doono arrimo dhib wata, weysada waa wax aad u fiican marka lagu riyoodo. Dreaming describes goodness and good news as well as repentance and repentance, as well as that Allah will save you from difficult things, it is very good when you dream.