Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Xiiridda Timaha

Riyada saaxiibkayga oo timaha iga xiiraya

Riyada: Asc waan idin salaamay waxan raba fasirka riyadan Waxay u dhacysaaa sidan waxaan kuriyooday saaxibkay oo timaha iga xiiraya. Fasirka: Riyadan waxay tusinaysaa in walwalka iyo fikirka ku hayo ay kaa tagayaan, waxaana sabab u noqonaya qof adiga kuu dhow waxaad helaysaa wax aad ku farxdo oo ku hilmaansiiyo fikirka iyo murugta. Guud ahaan riyada waa riyo fiican. Sidoo kale riyada xiiridda timaha waxaa laga fahmaa qofka inuu ka bixi doono hadduu dhib haysto oo uu noqon doono qof dareemaya xasillooni iyo farxad.