Riyada: Asalamu calaykum walal waxan rajaynayaa inaad caafimaad qabtaan Waxaan ku riyooday anoo laba bac madow ah oo ay kujiraan laws/ama malmalaado qarinaya oo waalid ka qarinaya gabdho ila dhashayna siinaya Waad mahadsantihiiin Asalamu calaykum Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arsaaq iyo hanti inaad heli doonto, laakin dadka qaar oo ciddaada ka mid ah aadan wax ka siin doonin, waxaa laga yaabaa in waalidkaaga ay noqdaan dadka aadan wax ka siinaynin, waliba waad ka qarinaysaa wixii aad hesho oo lacag ah. Walaalaahaaga oo gabdhaha ah ayaad wax ka siin doontaa ama aad u sheegan doontaa wixii aad hesho.
Interpretation of dreams This website that provides free dream interpretation services