Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Dumarka

Riyada gabar walaalkay qabo oo aan la jiifo

  Riyada: Walaal waxaad ii fasirtaa oo aan ku riyooday  gabadh aan aqaano oo walaalkay uu qabo  oo aanu hada isku magaalo jogono  ayaan arkay iyadoo ihoos jiifta oo gudub ujiifta  anigane aan ka koreeyo bale aan dheraar ugu jiifo iyada dharkane waan xidhan nahay labayaduba  kagane jiifo dhinaca oo naasaheeda ayaan taab Tay oo hadane waxaan laacay meelkale inshaallaah haday khayr tahay ii Soo fasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isu dhowaansho iyo kalsooni idin dhexmari doonto, waxaa kaloo ay noqon kartaa inaad ka ogaato arrin hoose iyada ku saabsan. The dream indicates the closeness and trust between you, and you may also know something subtle about it.

Faras cad oo igu soo ordaya aniga iyo dumar

Riyada:  Asc Shiq Waxaan ku riyooday aniga oo meel kasobaxayo kadib faras cad lakiin afkiisa aanan quruxsaneyn oo igu soo ordaaya kadib inta istagay ayan madaxa ka salaaxay oo naxriis u muujiyay kadib wan ka tagay dadkii wada marayay lamiga  qasatan dumar u badan yihiin ayuu marba mid bursanana faraska dadka weyka ordayan kuligod, markas uu hadana aniga inta i arko ayuu igu soo orday anigana waan ka cararay oo meel ayaan kaga dhuuntay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa nin damac badan oo dumarka aad u jecel waxaa dhici karto in lagaaga digayo qof aan fiicnayn oo raba xiriir xumaan The dream describes a lustful man who loves women so much that you may be warned of a bad person who wants a bad relationship

Riyada ninkayga ii sheegayo inuu naag kale jecel yahay

Riyada: Shiikho riyo kale kuweydina waxa igu so lalabatay gabar walalkeyga kadhintay oo ninkeyga markasta rabo hawen riyada dhexdeda wuxuba igu dhahay wan jeclahay xitaa malinkii kuriyonaa asoo rabo gawadha abtigiis dhalay maxay noqon karta fasirkeda Fasirka: Riyada waxay u eg tahay riyadii hadda aan kuu fasiray, naago inay jiraan ninkaaga damac ka leh. Riyadan waxaa laga fahmayaa ninkaaga inuusan kaa helin daryeel xagga sariirta, marka baahidiisa waa inaad dabooshaa si uusan naago kale uga fikirin, The dream is like the dream that I have now interpreted for you, women that there is your man who has a desire. From this dream it is understood that your husband has not received care of you in bed, when you must cover his needs, so that he does not think about other women,

Riyada labo gabar gurigeyga jooga oo ninkayga wadayo

Riyada: Asc shakh waxan kuriyoday iyado haben tahay waxa gurigena jogay 2gabdho abtigey dhalay kadib ninkeyga wuxu dhaha wan wada gurigoda geyna wuwada mid ey katagayan midi kale Ana wadayo San uso daba soconay ninkeyga gadal igawacayo soobax uidhaha kadib hadan sojesto iyaga dhan wan wena Mel ayka baxen wadadii kuso labana gurigii wan weyna gurikale gala wax arka nin ciidan ah waxan weydina gurigeyga inu igeyo Ana kalumay wuxu igu yera will walalo nahay oo catobay willkii dhaha gurigeyga kalumay igey beri kugeyna idhaha hada hawen dhexe waye kaga sii daran wuxuba idhaha ayanta aanso baxay mahe ayankale waye markasan dhaha halmalin io hal hawen jidma socday mana daremin seku dhacday wan yaba hawenki mesha seexo idhaha berikuwada wuxu isexina guri wasaq badan qashin kabuuxa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa naago inay noloshiina ku jiraan, waxaa laga yaabaa inay ninkaaga damac ka leeyihiin. Marka gurigaaga ilaalso yaan lagugu dirin ninkaaga. Dreaming describes women being in your life,...

Riyada anoo koronto laygu dili rabo oo aan ka badbaadayo

Riyada: ifasira hablo waxaan kuriyode anakoo dad bdn ah oo mel kuafduuban kadib dadki na afdoobten baa waxeyy rabeen ineyy nawada dilaan iyakoo koranta isticmaalaayo marka korantada qof calaacalasha lagasaaraaya istaaga kadhecee wanad dhimanee kadib korantadi baa lakeene dadki iga horeeye dhan waloo wada saare weyna dhindhin teen inteyy istaaga kadheceen anaa udanbeeye marka bahashi gacanta leyy saare oo korantada lehed wan taaganahy waxba igama tareeyso  markle leygu celiye hadanih waxba igama tarin naagti meesha usareeyse yaabte markaseyy tiri korantada dabkeeda zaid halooga dhigo waalaga dhige waanaleysaare dhulkaan kudhece sankeyga eey taabate wan neefsanaaye kadib tiii maba ihi waanba soo fariiste naagti shaqaaledehee kutiri salaada duhur ban aadiyee tanoo med ah aa uimaado naag shaqaalo uehed baa korantadi gacanta lesku saraaye soo qaade  markasaan kuiri alle dule unbaa dhinto ilaheyy ba iima qorin inaa dhintee mxaa iga rabtaa maa iskakeyydaasid naagti baa igutiri wlhi w...

Riyada maamo aad taqaano lugta ka jabtay

Riyada: Asc wllky waxaad fasirtaa  Ruux aad taqaano oo lug ka jabay Ruxaasina waa maamo da, ah Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimahaaga inay dib u dhacayaan, haddii aad rabtay arrin inaan fuliso dib ayay u dhacaysaa. Dreaming indicates your issues are delayed, if you wanted something you had to accomplish it will be delayed.

Riyada dumar badan iyo aroos ah

Riyada: Dumarka badan waan ku riyoday xalyna oo waliba falmiya ayagoo wada labisan oon jogno gob aroos oo sodhawada nalaleyay gavadha arosada sawirkedi ayaa mel lagu dhajiyay iyado xidhan dharka arooska waxan kuriyoday ano sawir is ka qadaya Fasirka: Waa faraxda iyo munaasabad qaali ah aad ka qeybgali doonto, waxay noqon kartaa aroos ama munaasabd kale aad ka heli doonto. It is the joy and precious occasion you will attend, it can be a wedding or other occasion you will find.

Riyada gabar aan guur ka dalbaday oo ii diidday

Riyada: waxaad isoo fasirtaa riyadan  habeen ayaan waxaa ku riyooday  anigoo waddo socda ayaan arkay gabdh xafad hor fadhiga gabdhii ayaan ku iri ka waran hadaan ku guursanado  waxaynu iigu jawaabtay dhulmaleedahay ama booto  aniguna maya ayaan ku dhahay  waxay igu tiri haddii aadan lahayn is guursan maynee iska soco   anigiina waan iskaga tagay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimahaaga inay adkaan doonaan oo aad dhib yar gali doonto, naagtaas waa adduunyo marka duruuftaada ayaa adkaan doonto Dreaming indicates that your issues will prevail and you will have a little trouble, that woman is a world when your circumstances will prevail

Riyada gabar caan ah maxay noqon kartaa

Riyada: Waxan kuriyooday gabadh cana oon la jogo waxan ku idhi wll miyaad kujirtaa gurubka qisasu dikir waxy tidhi Haa wan ku jira waxan ku idhi Ana wan ku jiraa cadi ahaan gurubku wa mid jira anigu wan ku jira oo dacwadu kashaqeyaa lkn iyada moyi inay ku jirto ma aqan ee midhiyahan ka arkaa gabadhu cadi ahaan wa aroosad hada wll dadka canka adban ugu riyoodaa waxa kalon kuriyody gabadh macalimad diniya ano la joga bal ifasir oo gurigeda joga waxan ahy garob Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa adiga inaad caan noqon doonto, oo dadka ay si fiican kuu baran doonbaan maalin maalmaha ka mid ah, ama nin caan inaad guursan doonto, markaas ay dadka si fiican kuu baran doonaan. Dreaming indicates that you will be famous, and people will learn about you well one day, or a famous man that you will marry, and then people will teach you well.

Riyada naag oo ka tirayso taleefanka ninkeeda nabar dumar

 Riyada: Asalamaleykum. Waxan kuriyodey telephonka hajiga nambar an nabcahay kuarkey oo qof dumar leh kalinka kowad lagu savegareyey markan arkey wan blockgerey. Ifasir please Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaaga in naag kale ay damac ka leedahay oo ay rabto xiriir inay la samayso, waana xiriir guur ku salaysan. Marka adiga ayaa sabab u noqonaya inaad ka celiso, taasna waa qancinta aad qancin doonto, waa inuu kaa helaa baahida raga ay u baahan yihiin waana gogosha. Raga badankooda dumar kale waxay u raadiyaan marka xaasaskooda ay caruurta ku mashquulaan. The dream indicates to your husband that another woman has a desire for him and wants to have a relationship with him, and it is a relationship based on marriage. So you are the reason to hold back, and that is the satisfaction that you will satisfy, he must find the needs of men that they need and that is the bed. Most men look for other women when their wives are busy with children.

Riyada aan dabaq saaranahay oo naag wax iga sheegayso

Riyada: Asc wlalaha daruurowaxaan  kuriyooday anoo dabaq dheer cusub  dagay oo nag aan garanayo oo dhulka joogto wax iga sheevaysoo oon ku qabtay waxaana dhihi ay leedahay way i dhahday wAAN KU QABSTay anoo lahadlaya toosay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in naag cadow kugu ah aad ka badbaadayso sharteeda oo aad ogaan doonto xaqiiqadeeda iyo beenta ay kaa faafinayso. The dream indicates that a woman who is an enemy to you will save you from her evil and you will know her truth and the lies she is spreading about you.

Riyada sixirka iyo naagta dhar cad wadato

Riyada: Asc bahda daruuro  wll xalay waxaan ku riyooday anigoo guri ku jira ani iyo gabar an inmo Bti nahay waxaa noosoo gashay islaan dhar cadcad qabta way iisoo gashay waxay igu tiri waa lagu sixray waxaana ku sixray nin aad taqaano makaa saaaa haa baan dhay   waxay barkin meesha taalay oon lahaa anaa leh waxay kasoo saartay warqad waxan aana garanay ku qorantahay iyo wax madow markay soo saartay wanab dhacay waana soo miyirsaday wayar kadib markaa waxan dhahy hooyaday madaxaa laga ayaa ee iyadana maxa haya waxay itiri hooyadaa naag qumaya ah isheedaa mada uga jirta waxana dhay kasaar barkin kalay soo qaaday waxàan si fiican loo arg abay kasoo bixisay oytiri w ISHII HOOYADA AHAYSAY WAXANA ILA JOOGATAYATKAN ZANUUNSADO LA HADHADLAYSAY GABAR AAN INMO ABTI NAHAY  WXAAN ÀD U AQRISATAY SUURATU FAATAXA Fasirka: Riyada waxay kaaga diigaysaa arrimo yaab badan oo la xiriiro sixir iska daawey oo quraanka akhriso

Riyada anoo sheekh Xuseen Cali Jabuuti la joogo iyo xaaskayga maseyrsan

Riyada: A S C, wll waxaan habeen ku riyooday anigo sheekh xusen cali Jibouti meel aan meshay ahayd aan garaneyn kur'si kula fadhiya sheekha marka anigo sheekha la fadhiya waxaa mesha igu timid gabadha xaaskayga kadib intay timid aye hadalo masayir/hinaaso/ oo kale igu tidhi aniguna waxba umaan jawaabin lkn sheekha igu dhahay aamus oo iska dul'qaado bal riyadana i fasira mahad sanid  Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto nin caan ah oo dadka ay qiimaynayaan markaas dumar badan ayaa ku damci doono taas oo keenaysa xaaskaaga inay maseyrto

Riyada naag cangaleel kuu dhiibayso iyo dugsiga quraanka

Riyada: Shekh waxaan riyo ku arkay anigoo guri ruux dumar ah gooto  jooga  marka aniga iyo haweeneyda waxaan amaaneynaa 2ba nin ka midah odayaasha dhaqanka ee qabiilada waliba aniga ayaa aad u amaanaayo  marka islaantii meel ayey gacanta galisay markaas waxey soobixisay angaleesha badda  weyna iidhiibtay waxeyna itiri sootix  sida tusbax oo kale  angaleeshu aad ayey u qirux badantahay  duudka angaleesha wuu cagaaranyahay si fiican geesaha  angaleesh iyo hoosta weyka cadahay  marka islaantii agteyda ayey soofadhiisatay  markaa riyada dhexdeeda aniyoo dhibsanaayo naagtaan ajinabaga ah ee isoo agfadhiisatay  ayaan ku dhahay gurigeyga ayaan ku sootixaa  waana istaagay  marka ma jirin guri aantagay iyo wax aantixay  riyo kale waxaan arlay dugsigii aan quraanka ka bartay anigoo jooga waxaana iigu danbeysay 32 sano kahor iyo maclinki oo meeshi saliga loodhigi jiray ku dukanaayo barqadii  macalinku ilama hadlin macalinku...

Riyada nin aan kala tagnay iyo naago buuqayo

 Riyada: Shiq wxn Ku riyoday wilka Ka la tagnay o aamusan xaga IGA marayo naago bdn buqayan maxe tahay nagaha ano dhahaayo Wa la yaa Bana ilmaha aabahod o Kala tagnay xaga o kale IGA maraye asago aamusan dumar Ka kuwa dhan kiisa Ka hdlayo u arkaaye Fasirka: Riyada waxaa laga fahmayaa ninkaas inuusan kuusoo jeedin oo naago kale uu niyadda ku hayo oo uu hadalkooda maqalaayo buuqaas waa sidaas, codkooda ayaa kaa dheer oo ninka aad kala tagteen saameynayo.

Riyada naag kaahin ah oo naag kale daaweynaysa

Riyada: Asc bahda daruuro waxaa ku riyooday ani iyo walaashey isla socona oo aragnay meel dad sisiya ka buuxaan markaa waxan aragnay islaan islaankale sanka ka qaniinsan islanta laqaniinsanyahay sanku wuu madoobaa markaa waxan dhahay maxà ay u qanintay islanta walashay baa igu tiri way daawanaysàa intay ka fuqday bay igu tiri ani lacagbaan dadka ku dabiibaa waxana ahay islàn kaahino ah ee adi nasiibkaaga lacag la aanbaan kugu dawayne danbina kumalahide anaaba kulasoo doontee ee waad sixrantabay dhexdaada 2 xarig oo sixiraku xiran ee isdàwee markaa waxay dhahday 13 doolar baan dadka ka qaataa lkn adi waxaba kaamarabo anina waanba ka wis wisayay meesha dhan waana ka tagay moobeelkayga ayaan isdhahay lacag katuur wàna ka tuuri wayya markastana waaxaaivu soo noq noqota anoo mobeelkayga furi la ama uu jaab isku xirayo  Talo bixin anigu islaan kaa hino umatago waxana ma waydiiyo quranka ani iska aqristo markaan aqriyo wan gubtaa waxaana mantagaa wax aad u kharaar marna sanka waxa iga sob...

Riyada qof waa hore kugu dambeysay

Riyada: Asc xd iso fasirtaa wll riyda qof oo Bari hore is taqneen sando ka hor kugu danbysy aad argto ama kula hadlya ama lgaga sheekaynaayo . Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay kusoo gaari doonaan warar aad ku faraxdo oo la xiriira wax qadiin ah oo waqti hore aad soo martay.

Gabar ku riyootay ninkeeda oo naago kale la hadlayaan

Riyada: Waxan mar kasta ku riyoodaa ninkayga oo dumar la sheekaysanaya taleefanka mararka qaar la ballamaya oo leh wan soo socdaa wan kuu imanayaa marar kale isagoo dumar badan iyo qof nin ah oo sxbkii ah lkn aanan hebel u garanayn meel wada joogaan.  Isku soo duuboo riyadaydu waa ninkaas oo dumar uun ku maran ama hala hadlo ama hala joogee. Maxay noqon kartaa wll adoo raali ah Fasirka: Riyada noocaan ah fasiraad badan ayay yeelan kartaa, waxaa laga yaabaa adiga in aad niyadda mar walbo ku hayso ninkaaga oo aad ka baqayso haween kale inuu shukaansado ama uu guursado. Riyada waxaa kaloo lagu fasiri karaa in naago ay isaga rabaan way jiraan dumar gaado ragga xaaska leh kaliya. Guud ahaan waxaad ogaan doontaa haddii uu ninkaaga uu rabo guur kale iyo in kale waliba dhaqankiisa.

Riyada baalaha nalka iyo haweeney madow

Riyada: Asc walal waxad iifasirtaa riyadan haweenay aya ii timi anoo banaanka jooga wadada baalaha laydhka oo soo dhacay anoo birta taagay oo leh laydhka naga tagaya ayay tidhi haweenay madaw anaa kula taagaya baalaha markanu dhamaynay birtii ama baalihi laydhka halmara waayay baalihii iyo haweenaydii wan cararay way igasoo daba oroday kadib guri aanu jaar ahayn ayay gashay irida markay maraysay waxay noqotay bisad yar gurigii reerka ayay gashay haweenaydu xijaab casaana ayay xidhnayd wayna madoobayd😥. Fasirka: Riyada waxay kaaga digaysaa qof qarsoon oo arrin kugu sameyn rabo oo waliba laga yaabo inuu sixir adeegsado wuxuu kusoo gabanayaa inuu shaqo kula wadaago waliba wax halaabay inuu kula hagaajiyo ama inuu garabkaaga istaago si uu kuu caawiyo, laakin dan kale ayuu leeyahay, qofkaasna waa dumar, marka iska jir wixii shar wato Ilaahay hakaa qabto.

Waxaan ku riyooday naag qurux badan san dheer

Riyada:  Asc. Waxaan ku riyooday naag qurux badan san dheer xijaabbe xidhan sidaas iigu dhoola cadaynaysa on leeeyahay gabadhan sanka dheer waatan rabay Fasirka: Inshaa Allaah riyada waxay tilmaamaysaa adduunyo, ilaahay wuxuu kuu furi doonaa albaabada risqiga iyo nolosha wanaagsan, gabar qurux badan waxaa lagu fasiraa adduunyo iyo raaxada adduunyada.