Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Arooska

Riyada dumar badan iyo aroos ah

Riyada: Dumarka badan waan ku riyoday xalyna oo waliba falmiya ayagoo wada labisan oon jogno gob aroos oo sodhawada nalaleyay gavadha arosada sawirkedi ayaa mel lagu dhajiyay iyado xidhan dharka arooska waxan kuriyoday ano sawir is ka qadaya Fasirka: Waa faraxda iyo munaasabad qaali ah aad ka qeybgali doonto, waxay noqon kartaa aroos ama munaasabd kale aad ka heli doonto. It is the joy and precious occasion you will attend, it can be a wedding or other occasion you will find.

Gabar ku riyootay walaalkeeda oo naag guursanayo

Riyada: Wxan ku riyooday iyado la leyhy wllkay ayaa aroosnaya oo aan leyhy arooskiisii horna wn joogay mrka saddex wiil bn wll nahay 2 rer bay leyhiin 1 baan wali guursan imka wan ilaaway kuu ahaa kii aroosanyay , lkn riyada wn garnyay kadib aan diyaar gorowayno oo family badan joogan gurigyaga,kadib dadka mesha joga qarba leh dhar ma hysno aan arooska ku aadno  ana wxn haysaa dhar aaad u qurx badan o zxpdy kso qaatay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa munaasabad ka dhici doonto gurigiina, dad badan ayaa isugu imaanayo, aroos inay noqoto shardi ma aha wax kale ayay noqon kartaa Ilaahay khayr haka dhigo. The dream indicates an event that will take place in your house, many people are coming together, a wedding to be a condition is not something else it can be something else God bless you.

Riyada aroos la guurinayo oo guriga laga bixinayo

Riyada: Wxn ku riyoday haben dhawyd iyadoo gurigayga laga qadyo aroos, yacnii gabdh laga hoyaanyo,ama laga guurinayo. Oo dumar badan joogaan o arooska racayaa, ana wn joogay mesha ana racay. Fairka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimo muhiim ah in ay dhici doonaan waxaa wax la xiriira familkiina khayr Ilaahay haka dhigo. The dream indicates important things that will happen in relation to your family and God will do good

Nin xaas leh oo guur kale qabanqaabinayo

Riyada: Asc walaa waxaad kalood ii fasirtaa  waxaan ku riyooday qaban qaabada arooskayga oo aan jooga xaafada Kuna nasanayo dumarkine ay colubtii ay jaranaya kadibne waxaa ii yimid laba nin oo aan ehelnahay kadib waxay dheheen away caruuskii waane igacan qaaday oo laabat igaliyeen nin kamidah waa nin maal qabayn ah ,  Anigu waxaan leeeyahay xaas iyo caruur lkn waxaan diyaarinyaa oo aan qorshaynyaa inaad guursado xaas kale  isla habaynkii waxaan wada kulamay gabadhan rabay inaan is guursno oo aan KAWADA hadalnay arintan guurka insha allaah. Fasirka: Nin xaas qabo hadduu xaas kale guursan rabo riyada dhexdeeda waa  nolol raaxo leh laakin adiga waxaa laga yaabaa si dhab ah inay u furmeyso riyadaada oo aad guursanayso maadaama aad niyaysan tahay xaas labaad.

Riyada arooska ciidan joogo oo caay iyo aflagaaddo ka dhacayso

Riyada: Gabadh ayaa tidhi ii waydii shiikha    anoo jooga aroos  waxaa ka shaqaynaya arooska askar milatari  gawaadhidii ciidanka ayaa lagu gelbinayaa     waxbay caayayaan ciidanku   markaa anna waxaan leeyahay   ilahay ka baqa oo naga daaya af xumada geeribaaba joogtaane Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay dood iyo dagaal iyo buuq dhaxgali doonto oo fadeexo ay ka dhalan doonto buuqaas iyo dooddaas , ha iska ilaaliso dadka qaar oo iyada arrimo ay ku siraysanayo waxaa dhici karto in hadal xun laga qaado oo la faafiyo oo lagu ceebeeyo dadka qaraabada ah.

Riyada qof laga dalbanayo meel aroos inuu dad u raaco

Riyada: Wallo waxan ku riyooday gabar aan aqaano oo leh magaladan iman oo aroosba u so socda  i raac anaa dhar ku siinayo ku tagto  jimcaha ayuu dhacaa goobtaas ayuuba ka dhaca? Fasirka: Riyada waa riyo aan fiicnayn xaflad aroos habkan marka lagu arko waxay tilmaamaysaa shar iyo dhibaato waxaa lagaaga digayaa dad dhagar wato, waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dumarka qaar oo laga yaabo inay dhib kuu geystaan