Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Bisada

Waxan ku riyooday bisado badan oo dhintay

Riyada: Asc sheekh waxan ku riyooday bisado badan oo dhintay mid an garanayo iyo dhalo iyo dooli ku dhacy meel biyo ku jiraan oo dhintay hal doliya iyo bisado badan kadib wax nool mid waxay rabtaa inay iqaninto Ana waan ladirirayaa kadib waxu raba inu ixagto waxan leyay waxn la ahy meel an kagalo kadib waxay iladirirto akhirki imay cunin ee hurdadi waan katosay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dumar xunxun oo qaab daran inaad ka badbaadayso oo rabo inay ku dhibaan, waliba qaar ayaa akhlaaq xun. Dream describes bad women who are in a bad way to be saved and want to hurt you, some are bad morals.

Riyada dhalmada bisada maxay tahay

Riyada: Sheeqoow wan kusalamey maxan kuriyoday bisad dhaleyso wanfirsanaye  insha allah isojaab Fasirka: Riyada dhalmada bisadda waa barwaaqo iyo ribix badan aad heli doonto, waxaa kaloo lagu fasiraa war kaa farxiyo inuu kusoo gaari doono, guud ahaan waa riyo bishaaro ah oo fiican.

Riyada weerarka bisada oo soo noqnoqota

Riyada: Bisad marar badan baan ku riyooday iyadoo iweeraraysa way igu so noq noqotay. Fasirka: Waa dad cadow ah oo ku gaadaya, haddii ay dhib kuu geysatay bisadda dadkaas cadowga ah dhibaato ayay ku gaarsiinayaan, haddii aad ka badbaadday waad ka badbadaysaa dadka cadowga ah.

Riyada laba nin ulo wata iyo shandad iyo labo bisad mid kaste hal il leh

Riyada: Asc sheekh illahay khayr fara badan ha ku siiye ma ii fasiri karta riyadan aan ku riyooday waxanay u dhacaysa sida tan. Waxan marka hore ku riyooday laba nin oo xabaal la dhacaya laba ulood kabacdina anoo la yaaban ayaa markan aan ka jeedsaday waxan arkay shandad madow oo idaba socota markaan is iri ka cararna shandada hadba meesha aan u dhaqaaqo way ila soconaysay kabacdi labadi nin ayaa shanadii furay waxaana ka soo baxay laba bisadood oo yaryar oo mid kastaba ay hal il leeday kabacdi labadi bisadood way igu soo ordeen in ay i qaniinan ayaanay rabeen bisaduhu markaas aad ban uga sasay markaasanan hurdada ka soo kacay  sheekh illahay khayr haku siiye bal ii fasir riyada. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa dad inay jiraan oo raba inay ku sixraan, sixirkaas waxaa laga yaabaa inuu dhar la xiriiro, labada nin iyo labada ul iyo labada bisad waa astaan laga fahmayo dad isku xiran oo wax isla fulinayo, bisadaha waxay hadda tilmaamayaan jinka sixirka loo adeegsado, ku dadaal qura...

Waxaan ku riyooday bisad kurta ka go'day

Riyada: Waxaan ku riyooday bisad kurta ka go'day oo shimbir madow soo duushay istidhi cun kurteeda oo afka ka jabtay shimbirtii Fasirka: Wixii dhib ku haystay ayaa kaa dhamaanaya goor dhow inshaa Allaah, riyada waa riyo fiican oo adiga bishaaro kuu ah, dad adiga kugu mashquulsanaa ayaa isku dhacayo

Waxan ku riyodey bisad saaid u buran oon xambaray

Riyada:  ASC sheq waxan Ku riyodey bisad saaid u buran oon xambaray ano dhahayo maska ayey iga cuni Fasirka: Waxaa laga yaabaa inaad guursato gabar si fiican kuugu adeegto haddii aad tahay qof doob ah, gabadhaasna waxay noqonaysaa gabar daacad kuu ah.

Riyada jiir cadcad oo guriga ku jiro

 Riyada: Wll xalay waaxa ku riyooday anoo qolkay jiifka nadiifinaya oo sariirta qaday markaa koobadiina doostooda waxan ku arkay jiir cad cad oo dhala badan haysta kaar yar yar qaar xooga koray oo hal nagi dhashay markaa gabadha ayar shaqalaha u wacay kalay ila laa dhahayway igu daahday markaa shama ayay hoosta ka agaleen markaa wan ku is istagay waana layay iyagoo wiiqwiiqle markaan ku istaago bac bay lahayeen way dhin dhinteen  Waxaan ahay xaas waana iska caajis nahay xoogaa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad xunxun inay guriga soo galayaan oo dhibaatooyin badan wata dadkaas waa dad dagar xambaarsan waana dumar xunxun oon akhlaaq lahayn, inshaa Allaah marka ugu dambeyso Ilaahay ayaa kaa badbaadin doono.

Riyada bisad madow oo ila hadlayso oo isoo weerari rabto

Riyada: Walala waxan ahay xaas mardhaw guursatay waxan ku royooday bisad madow  kow waxaan u maleyey inay ooman tahay waxan is iri biyo sii laakim way xanaaqday marka biyaha siyey kadibna way i caaysay sida Qof cadiya inuu inuu ila hadlaayo waxay igu tiri ma waalan tahay inaad qurux badan tahay mad is mooda waxayna isku dayeysay inay wajikeyga so gaarto ay iska garaafayso lakin kama ogolan   Ilaa aan kala tuuray Fasirka: Walaal ma jecli inaan niyadda kaa jabiyo laakin riyada waxay tilmaamaysaa nin xun oo khiyaano badan iyo noloshaada guurka inaysan noqon doonin sida aad rabto, sidoo kale ninka wuxuu noqon doonaa qof dumar kale niyadda ku hayo oo adiga aan daacad kuu ahayn, waxaa kaloo riyada ay tilmaamaysaa dad xaasidiin ah inay kuu dhow yihiin oo aan kula jeclayn wanaag iyo khayr, waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka xunxun Ilaahay hakaa badbaadiyo.

Riyada dhiiga caadada oo daadanaya iyo labo bisad

Riyada: asc wll waxaa jirto gabar saaxiibtey ah waxay kusoo riyootay iyadoo musqul ama suuli kujirto dhiiga caadada u imaaday zaaid ayuuna usocday dhiiga waxayna kufadhiday tuunjiga fadhiga oo cadaanka eh kadib iyadoo laban dhiiga ayaa tuunjiga laqay waxaa meesha joogay 2bisad mid ayaa gacanta utaagtay way lasoo dhacday mida 2aad ayaa lawada badbaadisay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay dad u dhow kala kulmayso mashaakil badan iyo dagaal xun iyo cadaawo laakin marka ugu damabayso Ilaahay waa ka badbaadinaa dagalaas iyo  cadaawadaas.

Riyada gorgor oo bisad dafayo kadib mas isu rogayso

Riyada: Asc walaal waan idin salaamay, waxaan idin weydiinayaa riyo aan dhawaan arkay , taas oo aheyd Shimbirka Gor-gorka ayaa isagoo duulayo wuxuu ku dul dagayaa bisad yar markaas ayuu la duulayaa oo hawada uu la galayaa markii uu damco inuu cuno isagoo hawada ku jiro ayaa Bisaddii waxay noqotay Mas weyn oo xoog leh kadib gor-gorkii waa cuni kari weynayaa maskii maadaama uu la dagaalamayo , sidaas ayuuna dhulka ugu soo celinayaa , maxay noqon kartaa riyadaaas illaahey ayaa xaqiiqada oge, waana mahadsantihiin. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa qof daalim ah oo awood leh oo masuul ama madax ah oo dulminayo dad masaakiin ah oo taag daran marka ugu dambayso isaga ayaa laga guulaysanayaa, waxay noqon kartaa riyo guud ah oo khuseysa umad, waxaa kaloo ay noqon kartaa riyo adiga kuu gaar ah hadduu jiro qof ku dulminayo oo awood leh in marka ugu dambayso laga adkaan doono. Waayo gorgorka wuxuu matalayaa qof awood leh oo madax ah bisadda uu qaadayna waxay matalaysaa qof daciif ah la dulminay...

Riyada guri weyn aan degayo oo bisad sariirta hooteeda ku dhashay

Riyada: Asc bahda daruuro wll waxan ku  riyooday xili barqadii ilaa3 sac subax nimo seexday waxaan ku riyooday anoo guri quruxbadan qasriya dagay dabaq suga ah daykiisa riinjikala nooc noca marsan yahay oo korna siliga guryaha kuxiran yahay dagnay hortiisa waxaa ku taala meel gawarida lagu sameeyo  wada gaari ah oo rag badan joogaan waxaana dhinaca meesha garaashka mara luuq dhuuban oo school ay qurbajoog ledahay kuyaalaa oo isna quri dabaq suga ah markaa ani  Guriga markaan dagayay waxan haystay cunug ayar ani guri ga markii lay goglayban anicug aanlaha dhay galay iyo midka an hada ahaystoo waynayday iyo gabar iishaqaysa waxaa ilajoogtay walaashay qolka jiif waxuu ahaa waasac markaan cunuga seexiyay ayaan is iri bal guri  fiiri luuqii ayaan maray ruuxbaa igu yiri luuqa duhurarkay caruurtu baxan waalaxiraa si duugada usooarin markaan guriga kabaxay waxan gacanta ku watay sacab cusba aha waana so labatay anoo guriga kayaban quruxdiisa waxan lahaa xiliga kulaylaha korb...

Riyada naag isu baddalayso bisad madow

Riyada: Wl ilahay ha ku barakeeyo aad ayaan u xanuunsanahay dhaqatar hadan tago waxba kuma ahayn laydhahaa Bishii hor Waxaan ku riyooday gurigayaga dhakadiisa islaan xidh xidhan oo fadhisa markaan fiiriyo bisad madow bay usu badashay waxaana ku aqriayay suuratu baqra isla riyada dhex deeda. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof la sixray, waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho quraanka akhriskiisa waxaad badsataa ducada mar kaste oo salaad aad tukato duceyso. Naagtaas xirxiran oo bisad madow isu baddalayso waa shaydaanka sixirka qaabilsan oo adiga lugugu soo diray. Waliba waxaa laga yaabaa inay tahay qofta ku sixirtay naag.