Skip to main content

Riyada gorgor oo bisad dafayo kadib mas isu rogayso

Riyada:

Asc walaal waan idin salaamay, waxaan idin weydiinayaa riyo aan dhawaan arkay , taas oo aheyd Shimbirka Gor-gorka ayaa isagoo duulayo wuxuu ku dul dagayaa bisad yar markaas ayuu la duulayaa oo hawada uu la galayaa markii uu damco inuu cuno isagoo hawada ku jiro ayaa Bisaddii waxay noqotay Mas weyn oo xoog leh kadib gor-gorkii waa cuni kari weynayaa maskii maadaama uu la dagaalamayo , sidaas ayuuna dhulka ugu soo celinayaa , maxay noqon kartaa riyadaaas illaahey ayaa xaqiiqada oge, waana mahadsantihiin.


Riyada gorgor oo bisad dafayo kadib mas isu rogayso




Fasirka:

Riyadan waxay tilmaamaysaa qof daalim ah oo awood leh oo masuul ama madax ah oo dulminayo dad masaakiin ah oo taag daran marka ugu dambayso isaga ayaa laga guulaysanayaa, waxay noqon kartaa riyo guud ah oo khuseysa umad, waxaa kaloo ay noqon kartaa riyo adiga kuu gaar ah hadduu jiro qof ku dulminayo oo awood leh in marka ugu dambayso laga adkaan doono.
Waayo gorgorka wuxuu matalayaa qof awood leh oo madax ah bisadda uu qaadayna waxay matalaysaa qof daciif ah la dulminayo marka bisaddaas oo isu badashay mas xoog leh taas macnaheedu waa in laga adkaanayo gorgorka awood ayaa usoo baxayso uusan filinaynin.
Riyada macne weyn ayay wadataa adiga waad dareemi kartaa xaalka aad ku sugan tahay iyo wixii ay tilmaamyso marka aad dib u eegto noloshaada iyo meesha aad ku nooshahay iyo duruufaha aad ku sugan tahay.

Popular posts from this blog

Riyada anoo cunug yar deris ii galmoonaya

Riyada: Sheikh waxn ku riyoda riyoyin xun haben wlba hadana cabsi said ah ayan daremaya wxan ahay xas hada ayan wxn so dhegesty video aad ledahay qofka ku riyodo cunug yar oo u galmonaya musibo aya ku dhici donta sheikh mar wlba siba malinki markan sexdo wxn ku riyoda isago igalmonaya cunug yar oo cidaha deriska ka imaday markas ayan inta ku kaco 2 mar ninkeyga ayan tusay riyada dhexdeda oo aan ugu shegay, mar marna wxn ku riyona isago cunug igalmonayo oo an dhahayo wxn shydan wye wxn damcaya inan quran albaqra aan darto hadana wan awodi weynaaa anigo acudu billahi mina shydani rajim ku hayo markn sas dhahana wexey samynayan dhaq dhaqaq sida iney iga tegayan oo kale  Fasirka: Riyada galmada ilmaha yar yar haddii aadan biyabixin waxay tilmaamaysaa inaad helayso raaxo macaan. Haddii aad biyabaxdo riyada markaas fasiraad ma laha, waa riyo shaydaan ka timid. The dream of having sex with a baby if you don't ejaculate indicates that you are getting sweet pleasure. If you ejaculate the dr...

Riyada anigoo ley guursaday maxay tahay

Riyada:  Asc wll qalia waxan ahay gabadh anan wili guursan waxaan kuriyooday Anigoo joogo guri aad uweyn oo waxa ku dhexyaalo hool weyn oo lagu qabto tartamada quraanka  Markas anigo joogo meel oo sida barxad beer camal eh oo darjiimo leh aya waxa ii imaaday nin Intuusan isoo gaarin ayuu wuxu dhahay waxan salaamaya gabadhan walsheya oon qaraabada nahay  Markaas wuu ii imaday wuxu idhahay naagta maxamed miyaa markasan kor udhahay yaah Hadane wuxu idhahay xaaska c.qadir Miyaa haa ayan dhahay  Markaasuu idhahay aamino sethy cml wu iwarestay kidib wijigiisa fiiriye wuxu ahaabnin xishood ka muuqdo aadne ucad afkiisa guduud qurux asaga dhan subxallh  kidib meesha ina kabaxa rabay  Meel yara koreso aye ehed kidib waxan isdhahy maxa ka qaldan nina ku qabo hadane jaceyl masiineesid ma daneenesid xaate Kidib ninkii c.qadir la dhahay ayaa mesha so mare waxan rabay inan dhaho meesha iga daji  Markaasan arkay inuu aad caato uyahay uuna awoodin  Markaasan is dh...

Riyada ninka aan kala tagnay oo guriga ila joogo

Riyada: Walal Waxaan ku riyoday riyadan mudo 8 bil kahor waxana ku riyoday wiil aan waqtigas kala tagnay lakin riyada dhaxded aan u hestay inaan ahay xaskis. Waxan ku riyoday aniga oo alab dhaqaya kadib wilki an kala tagnay oo guriga sogalay qolka inta galay dharka iska badalaya lehne waan gursana, aniga riyada dhaxded hadalakas xanuun ayu igu ahaay wana dhibsaday madama an u hestay xaaski Ina ahay, mana u mujin darenkeyga waxan ka baqay inu iga daro, waxana daremayay hadalka inu Ii leyahay si uu i xanujiyo, uma jawabin, sulida ayu aday wusoweysa qatay dharki ayu ku ceshtay kadib miasjidka aan Ada ayuu i yiri anigana alaabtii ayaan sii dhaqayay Ila intaas, jaranjarta ayu ka dagay oo si fudud ayu uga dagay dagdag cml Ane waxan is iri xir albaabka xir weydine  waxan ma run ba, jaranjarta bartamahed Ina istagay ayan ku iri run miya? Haa Somalia aan Ada wan gursana ayu yiri haye aan iri hadaa wanag u aragtay oo nolol gale halkaas, inta dagay ayan madaxa banka u sartay waxan arkay wil y...