Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Hilibka

Riyada cunitaanka hilibka ariga

Riyada: Sheekh waxan ku riyooday anoo hilib cunaya ad umacan waxu yahay magaranayo lk  waa hilib xolad siba adhi ifasir falmigaga qarkamidana way ila jogan. Fasirka: Waa wax fiican aad heli doonto, hilibka marka lagu riyoodo waa nolol raaxo leh oo aad heli doonto, waliba nin ayuu la xiriiraa, hanti ayaad ka heli doonto nin ku guursan doono. It is a good thing you will get, meat when it is dreamed of is a comfortable life that you will have, it is also related to a man, you will get wealth from a man who will marry you.

Riyada adoo dad aad garanayso u qaybinaya bariis iyo hilib

Riyada: Riyada adoo  dad aad garanayso u qaybinaya bariis iyo hilib la isku kariyay   Soo fasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa munaasabad ama martiqaad, waa riyo guud ahaan xambaarsan arrin famili ah Dreaming describes an occasion or an invitation, it is a dream that generally carries a family affair

Riyada rag iyo dumar isku dhex tukanaya

Riyada: xalay riyo aan la cajabay ayaan arkay aniga iyo dadkale ayaa meltagnay kadib mel hilib kucunay kadib aan ka dareernay marka ayaan ka hadhay anu kadib waxa aan arkay dumar iyo rag isku dhax tukanaya markaa ayan yabay kadib inta aan cararay ayaan  alaah gacmaha u horsaday oon idhi aloow san maxay ku dhacday kadib marki aan soqoday waxa aan arkay meshi oo rag un ah  marka ayan idhi hadana wan qaldame aloow icafi kadib waxa aan arkay meel dahabku ka buuxo silsilado dahab ah oo farabadan iyo qufulo dahab ah oo dahabkii qarniyada hore ahaa ee qaliga aha kadib cagad biyo ah ayaan soqatay kadib dahabkii ayaa caseyay biyahihii  dahab aan ilaa xalay gurayay ayuu noqday ilaa xalay ayaan dahab meshan maraba dahab ayaa ka buuxay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa fidno iyo wax bidco ah oo diinta lagu soo darayo marka iska ilaali dadka qaarkii waa digniin oo ku dadaal ducada iyo salaadaha.

Waxan ku riyoday 2 dooro anoo qalayo kabacdina dubayo

Riyada: Aniga waxan ku riyoday 2 dooro anoo qalayo kabacdina dubayo maxa lagu fasiraa waxan ahay hooyo la qabo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa amuurahaaga inay kuu sahlanaan doonaan oo aad gaari doonto waxa aad raadinayso waa riyo fiican oo tilmaamayso arsaaq waasac iyo nolol fiican inshaa Allaah.

Riyada qofka oo cunaya barida idaha

 Riyada: Salan Sare Macalin waxan ku riyooday anigoo cunaya baridda ariga idaha maxay noqon karta micnaheeda fadlan si dag dag iga jawab. Fasirka: Waa riyo aad u fiican waxaa kuu soo dhow inaad hesho nolol fiican oo aad ku faraxdo lacag ayaa kusoo gali doonto barida idaha waa arsaaq badan marka lagu riyoodo.

Waxan Ku riyoday anigo hilib gacanta Ku haya

Riyada:  Walaal waxan Ku riyoday anigo hilib gacanta Ku haya marna layqalyo oo jiniyo iyo roxaan laygaga dawaynayo Fasirka: Inshaa Allaah riyada waxay tilmaamaysaa in amuurahaaga ay kuu fududaan doonaan oo aad heli doonto wixii aad u baahan tahay oo bolol degan ah. Haddii aad xanuun ka sheeganayso xanuunkaas wuu kaa baxayaa.