Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Qofka Dhintay

Riyada nin dhintay anoo muraayad indhaha u nadiifinaya

Riyada: Salaan ka dib waxan doonayey inaad ii fasirtaan riyadan Waxa jirey nin oday oo dhintay  2012  Waxan ku riyooday  Aniga oo ninkaa muraayad ku araga ah oo uu xidhnaa oo aad u wasakhaysa anigoo ka nadiifinaya  Oo aad u nadiifiyey  Markaan u keenayna uu ka shakiyey  Inaan ka bedeshey  Kadib markaan wasakh badan ka dhaqay muraayadiisa  Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inaad u duceyn doonto ama wax fiican isaga gaaraya inaad ka qeybgali doonto. Waxaa kaloo lagu fasiri karaa riyada inaad wax u tari doonto dadkiisa ama ilmahiisa. The dream indicates that you will pray for that man or that you will attend something good for him. It can also be interpreted as a dream that you will benefit his people or children.

Riyada hooyo oo ooynayso nin aan kala tagnay ka hadlayso

Riyada: Hooyo  oo  dhimatay  ayaa  waxey  leedahay  nin  kaan  ilma  ayaa idinka  dhaxeeyo  wixii  ka  hoos ah maya  weyna  ooy ney saa  oo hin  ilinta  ka daa daneyso  wey fadhidaa markaasna  dul dul  ayey  u dhecee Ninkane waa kalataknay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa furiinka inuu qaldanaa, ninka iyo adiga inaad kala tagtaan ma ahayn oo ilmaha aad dacaydaan. haddii aad awooddo ninkaas ku noqo iska illow wixii gaf idin dhex maray. Hooyadaada waxay kula jeceshay wixii wanaagsan oo dantaada ku jirto iyo danta ilmahaaga. Waxay riyo kugu sheegtay wixii ay kuu sheegi lahayd iyadoo nool Ilaahay ha u naxariistee. The dream indicates that the divorce was wrong, it was not for the man and you to separate and It was not the child that you are destroyed. If you are able to return to that man, forget the mistakes that have happened between you. Your mother loved you for what was good...

Riyada nin dhintay oo geed hoos fadhiya oo qoslaya

Riyada: Waxaan joogaa itoobiya waxaane ahay shaqaale dowladed xaasne waan leeyahay iyo caruur maansha allaah, Hadaba alahaa ku barakeryo aaqiro iyo aduuba we waxaan ku riyooday aniga iyo will aan walaalnahay anagoo secona ayaan ku Soo baxnay nin dhintay oo aan naqaano  oo waa dhawayd  dhintay  isagoo geed qalaalan (qod) ah hoos fadhadhiya oo abaar ah boodh ah lkn isagu oo labisan yahay uune qoslayaa , Kadib wiilkii ayaa igu yidhi  waa hebel kadib waan salamay isagune uu igaqan qaday , Kadib wuxuu igu yidhi waxaa lagu dhuftay kalida , Waan katagay oo an siiwadanay socodkii , geeridiisiine waan kanaxay oo silama filaan ah ayaay igu noqtay haday khayr leedahay ii Soo fasir adigoo mahadsan insha allaah Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu duco u baahan yahay oo xaalkiisa sidii la rabay aan ahayn Ilaahay naxariistiisa ha galiyee, adigana waxay kuu tahay digniin inaad ku dadaasho camalka aakhiro oo ah kan ugu muhiimsan uu qofka sameeyo. The dream indicates that ...

Riyada naag horay u dhimatay iyo dooli dhar kaa cunaya

Riyada: Asc Waxaan ku riyooday naag dhimatay laba sano ka hor fasalkaygii oo imtixaan i siinaya, laakiin ma qori karin imtixaankii, sababtoo ah waxaan raadinayay cunuggeyga riyada labaad ee dooliga oo ku cunaya dharkayga armaajo, waxaan ahay hooyo leh laba caruur ah oo guursaday fadlan. iga caawi inaan turjumo Fasirka: Riyada naagta dhimatay oo ku imtaxaanaysay waxay tilmaamaysaa inaad mari doonto duruufo adag oo fikir kugu dhalinaya. Riyada dooliga dharkaaga cunayo iyadana waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo murugo iyo dood gurigaaga imaanayso Ilaahay hakaa ilaaliyo sharta labada riyo.

Riyada aabe oo ansalaato ila cunayo iyo asoo ilmahayga edbinaya

Riyada: waxa jirta aabahay waxa uu dhintay December 2003 waxan ku riyooday laba riyo oo aabe ku saabsan  tan hore waxa weeye aabo oo ila cunaya cabbage ama khudaaarta kaabashka  tan labaad waxa weeye  aabo oo dhenged ama ul yar la dhacaaya wiilka caruurtayda ugu weyn oo edbinaya  WABILAAHI TAWFIIQ  Fasirka: Riyada ansalaatada aad cuneyso waxay tilmaamaysaa khasaaro xagga hantida marka iska ilaali inaad gasho ganacsi aadan hubin. Midda labaad waxay tilmaamaysaa inaad ku dadaasho tarbiyada carruurtaada waxay u eg tahay inaad ka mashquushay ilmahaaga inaad tarbiyayso.

Waxan ku riyooday quf dhintay mar hore riydana ku dhimnyo mar kale

Riyada: Shikhow waxan ku riyooday quf dhintay mar hore riydana ku dhimnyo mar kale Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isbadal weyn inaad gali doonto noloshaada ayaa isbadalayso, waliba xaaladaada si fiican ayay isu badali doontaa wax fiican ayaad la kulmi doontaa.

Riyada qof aad garanayso oo dhimanayo

 Riyada: Asc sheekh wan kusalamy salan kabacdi waxn kuriyody anigaoo qof aan garanayo laigu leyahy wuu dhintay oo nin ah qofkii nawujoga anina an aad uasha hadanayo adoo rali aii sofasi alle haku bara keeyo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isbadal weyn lasoo gudboonaan doono noloshaada isbadalkaas wax yar ma aha waa wax aad u weyn.

Riyada hoodey oo dhimatay aan xambaarao

Riyada: Asc sheikh waxan ku riyooday anigo hoyadey dhimatay xambarsan hoyadey ne manoola hada marna waxan ku riyooday ayado dhabteyda kujifta Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa hooyadaada inay duco kaaga baahan tahay u duceey mar kasta aad tukanayso, haddaad u duceynayso ducada haka tagin mar walba niyadda ku haay.

Riyada ayeeyo waa hore dhimatay oo xanuunsan

Riyada: Asc wr wb walaal, salaan kadib waxaan rabaa inaan ku weydiiyo, waxaan ku riyooday ayeeyadeey hooyo dhashay oo dhimatay 2013 ayaan ku riyooday, iyada oo ciyaalkeeda la joogto oo meel fadhiyaan waxaana la fadhiyeen dad kale, gabadheeda iyo naago kale ayaa la fadhiyey wey sheekeysanaayeen oo na qoslaayeen. Ayeeyana wey madluunsan oo sidii qof xanuunsan oo kale meel gooni ah ay fadhiday. Aniga oo socdo ayaa imaaday markaas aan xanaaqay oo ayeeyo sida ay u taalo ayaa I dhibtay, kadib biyo iyo maro aan soo qaatay ayaan ayeeyo u qabeenaayey aniga oo xanaaqsan. Markas qof aa noo imaaday I weydiiyey maxaa u dhacay mamada uu dhahay markas ayaan waxaan u sheegay ineey xanuunsantahay oo gabadheeda meeshaas fadhiso ayaan u tilmaamay qofkii aan ku dhahay fiiri taas waa gabadheeda iyada dhashey mana daryeeleyso hooyadeed oo xanuunsan mana u naaxariisaneeyso hooyadeed, waxaana weydiiyey gabadheedii meeshaas fadhiisan, maxaa tahay adiga ma awoodi weysay inaa hooyada u qabeyso nadiif isoo...

Riyada ayeeyo waa hore dhimatay oo i dhibayso

Riyada: Asc wr wb walaal, waxaan ahay gabar wali ma guursan. Waxaa isoo korisay Ayeyo hooyo dhashey, aniga kaligey ima soo korin ee waxeey soo korisay ilmo badan oo wiilasheeda iyo gabdheheeda dhaleen. Waxaa kaloo ku jirey ilmo ay iyada dhashay kuli Agoon aan eheen. Walaal aniga waxaan ahaay cunuga ugu baarisan gurigaas. Ayeeyo waan caawin jirey waan cadeeci jirey waana jeclaa maadama aan waalid kale heysan, lakiin aniga waalii dhibi jirey oo ayeeyo aa liigu diri jirey habaryar yaasheey ana igu diri jiren. Walaahi dhibweyn ayey igu heen jireen oo waan iska sabri jirey wax kasta liigu sameeyo, sidaan dhibkas ugu jirey aniga oo yar ayaan jaanis heley oo dibada ah wadankii waan kasoo tagay oo yurub aan imaaday aniga oo 1 dollar liiga qaadin Alxamdulilaah. Waana yaraay waxa iga horeeyo majirin.  markan yurub tagay gaalo ayaan gacanta ugalay oo ilaahey ayaa i asturay oo ilaaliyey ilahay wuxuu ii ilaaliyey sidii ukunta oo kale oo wadada fiican igu hanuuniyay aniga oo gaalo ku dhax jirey ...