Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Xuska Alle

Gabar ku riyootay Sh Nuureyn oo ilmaheeda u duceynaya

Riyada: Asc sheekh gabar qaraabo nahay waxay ku riyootay  Sheekh ruurayn qaarigii dhintay  Waxay tiri wuxu qur aan saarayay ciyaalkaga kadibna ana waxan iri shekha qur an ha isaare 200 ayan udhiibay wuu iga qaatay markasuu intuu samada fiiriyay ayu yiri mu min ayan ahaye ilahay wuu iga aqbaliye wukuu caafimaadi cunuga sheekh riyadas nosoofasir wuxu ilmaha qur anka usarayayna waa ani. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in Ilaahay ilmahaas xafidi doono uu ka ilaalin doono wixii shar ah waliba wuxuu noqonayaa qof diin leh oo quraanka ku dadaalaya.

Waxaa ku riyooday anoo aqrinaayo laa xowla walaa quwata

Riyada: Waxaa ku riyooday anoo aqrinaayo laa xowla walaa quwata. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimaha aad ku mashquulsan tahay in ilaahay kuu fududayn doono faraj dhow inaad heli doonto sidoo kale riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka guulaysan doonto dadka cadowga ah oo kugu taagan.

Riyada dhul la qeybinayo lay diidayo oo aan Alle baryayo

Riyada: takalena wa waxa aan magan ku tagay meel dhul lagu qaybinaayo markaa ayaan gabadhii dhulka qaybinaysay ayaan ku idhi wll kiraan kujiraye dhul isii marka ayay igu jawbtay mada caruur leh haa sokaxayso qof kuu dhaarta kadib qofbaan kaxaystay wuu ii dhaartay kadib way nodiiday inay dhul nasiiso markaa ayaan ku idhi inyar isug kadib inta aan qiblada ujeed saday ayaan ku dhawaqay rabiyoow waan qaldanaa markaan bila adam wax waydisanayo kadib waan ooyay waan ilmeyay gacmaha ayaan kor utagay rabigay ayaan u dhawaqay tana iso fasir riyaan ku arkee. Fasirka: Riyada waxay kaaga digaysaa inaad ka leexato baryada Alle wax kaste aad u baahan tahay Alle weyddiiso wuu ku siin doonaa, waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof Alle ka baqayo oo cibaadada Alle hayo.

Qofkii ku riyoodo asoo Alle la joogo oo baryaya

Riyada: asc wll waxa aan ku riyoday bilawgii rabadaanta suxuurta inyar kahor anoo rabi lajooga oo kuleh aloow adaa awoodaa iskaleh dadka hal ilbidhiqsi wax kayar ku sonoleyay oo aan ilahy lajoogo oon wayni aan alaah waynaynaayo aan la oo yaayo oon leyahy aloow adaa awood leh oo wayn oo qaniya wayni aan rabi waynaynaayo ayaan la oyaayay i fasir riyda rabi anoo lajoga wa wax lagu farxee. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa khayr badan iyo bishaaro wanaagsan sidoo kale in Alle naxariistiisa aad heli doonto oo aadna u dhowaan doonto waa riyo aad u fiican, ku toosnoow wanaagga aad ku sugan tahay iyo cibaadada aad ku jirto.

Riyada qof agtayda ku tasbiixsanaya

 Riyada: acs sheekh waxan kuriyodiy   qof aan    iskudhacsanahy oo agtayda ku tasbixsanaya    oo aniga isoegaya    oo igu ducisanaya ilhy hakubarakeyo maxay noqonisa. Fasirka: Riyada waxay tusinaysaa in Alle kuu xallin doono wixii kugu adag xagga noloshaada tasbiixda waa khayr iyo barako sidoo kale ducada uu kuu duceynayo qofkaas.

Riyada bismillaah oo cirka ku qoran

 Riyada: Shekh ilaahay hakarali noqdee  waxakalo iifasirta samada oo kuqoran  بسم الله الرحمن الرحيم  oo kusharaxan far waawayna kuqoran  oo buluug ah Fasirka: Waa riyo aad u wanaagsan waxay tilmaamaysaa naxariista Alle inaad heli doonto noloshaada guul ayay ku dhamaan doontaa iyo barwaaqo aan lasoo koobi karin albaab kaste oo khayr leh Alle ayaa kuu furi doono.

Riyada kalmadda towxiidka maxay tahay

Riyada: Asc wall waxa ifasirta waxa ku riyoday anigi leh laa ilaaaaha ila Allah wa si fasira waxa si dhaha la nacbuhu xaqu ila Allah Allah asaga ahen majiro koonkan Allah wa khaaliga kaliya leeyahy maxe tahy fasirkeda Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof Ilaahay jecel oo imaan leh marka ku dadaal cibaadada Alle Ilaahay ha ku barakeeyo walaal.