Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Gorgorka

Riyada gogor oo gabar weerar kusoo qaadanayo

 Su'aasha: Waxan ku riyooday annaga oo dhawr qof oo ehelka ah oo guriga dibaddiisa ayuu Gorgor na soo weeraray aniga ayaa guriga ku cararay dadkiina waxay ku qaylinayeen guriga ha gelin waayo guriga dushiisu way qaawanayd albaabkii baan xidhay Gorgorkiinna xagga sare ee guriga ayuu iiga soo galay madaxa uyuu igaga dhegay albaabka oo aan ku tiirsanaa ayaan madaxa iyo Gorgorkii ba ku garaacay. Ugu dambayn Gorgorkii dhulka ayuu ku dhacay sidii i nuu dhintay oo baalashii isku laabmeen aniga madaxaygii waxa ka soo daatay qodaxo aad u fara badan oo dhulka ka buuxsamay. Markaas baan toosay. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa si xun in laguu dulmin doono waliba qofka dulmiga kuu geysanayo waa qof halis ah oo aan naxariis lahayn dulmigaasna wuxuu ka dhalan doonaa dood iyo dagaal labadiina idin dhex mari doona, waxaa laga yaabaa qofkaas inuu yahay qof kuu dhow aadan ka filanaynin inuu dulmi kuu geysto, laakin marka ugu dambeyso qofkaas waad ka guulaysan doontaa Ilaahay wuxuu ku siinay...

Riyada gorgor oo bisad dafayo kadib mas isu rogayso

Riyada: Asc walaal waan idin salaamay, waxaan idin weydiinayaa riyo aan dhawaan arkay , taas oo aheyd Shimbirka Gor-gorka ayaa isagoo duulayo wuxuu ku dul dagayaa bisad yar markaas ayuu la duulayaa oo hawada uu la galayaa markii uu damco inuu cuno isagoo hawada ku jiro ayaa Bisaddii waxay noqotay Mas weyn oo xoog leh kadib gor-gorkii waa cuni kari weynayaa maskii maadaama uu la dagaalamayo , sidaas ayuuna dhulka ugu soo celinayaa , maxay noqon kartaa riyadaaas illaahey ayaa xaqiiqada oge, waana mahadsantihiin. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa qof daalim ah oo awood leh oo masuul ama madax ah oo dulminayo dad masaakiin ah oo taag daran marka ugu dambayso isaga ayaa laga guulaysanayaa, waxay noqon kartaa riyo guud ah oo khuseysa umad, waxaa kaloo ay noqon kartaa riyo adiga kuu gaar ah hadduu jiro qof ku dulminayo oo awood leh in marka ugu dambayso laga adkaan doono. Waayo gorgorka wuxuu matalayaa qof awood leh oo madax ah bisadda uu qaadayna waxay matalaysaa qof daciif ah la dulminay...