Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Farxadda

Riyada caday la i siinayo aan ku faraxsanahay

Riyada: Asc Shiqow waxan ku riyoday xalay aniga oo Cadi ley siinaayo qofka uuyahayna ma Arag lakiin cadiyasha yarakaduwan badana kan isticmalno laakin ah cadi butac ah oo dheer aadna u jilacsan anigana aan jecladay jileecis awgeed oo ku farxay inta qatay Ayaan isla markiba ku cadeystay qofki oo tagan aniga oo cadeysanayana ayaan kasokacay hurada Fasirka: Waa khayr waxaad helaysaa wax aad ku faraxdo oo fidrada waafaqsan, waliba qof diinta ku dadaalo aad noqonaysaa oo ballanta oofiso It is good that you will find something that you will rejoice in in accordance with the traditions, that you will be a person who strives for religion and fulfills your promise.

Riyada imaamka masjidka oo igu dhahaya waad dalacaysaa

Riyada: Waxaad ii fasirtaa xalay waxaan kuriyooday sheekh  iimaaam masaajid ah oo aan saxiibo nahay ayaan iska Soo horbaxnay waane isa salanay kadib waanu is gacan qaadnay wuxuune xidhnaa laba go, oo cad cad. Waanu isku faraxnay labadayaduba wuxuu igu yidhi waa dalacaysaa  ee aan kuu soonoqdo ,  Hada waxaan ku maqanahay fasax oo xaga reerka ayaan joogaa isagune wuxuu iimaam kayahay halkii aan ka shaqaynaya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isbadalka weyn noloshaada xagga shaqada la soo gudboonaanaya, waa riyo bishaaro ah inshaa Allaah The dream describes the great change in your life in terms of work, it is a dream of good news in the hope if Allah say

Riyada fooxa qofka gacmaha loogu gurayo

Riyada: Wll    xili salad subax kadiib hooyo iyado ducysanysa o gacma kor u taygsa gamady marksy ku riyootay iyado beyo ama foox cad cad gacmha lagu gurayo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa wax fiican inshaa Allaah ducadeeda ayaa loo aqbalaa waa khayr ay heli doonto. The dream indicates a good thing in the hope of Allah her prayer will be accepted for the good she will get.

Riyada anoo ubax cas dhulka ka helay

Riyada: Sheekh waxan ku riyooday xalay anoo ubax cas sita oo dhulka kahely oo ad igu faraxsan meel beran  kahely oo uuyaly walabo dhudhuban oo gududan waxa ila joga wiil inantigaya waxan niyada kuhaya inan sawir kugalo kawaran Sheekh Fasirka: Waa riyo tilmaamayso dadka siday kuu jeclaan doonaan, waxaad noqon doontaa marwo aad loo jecel yahay oo la tixgalinayo. It's a dream that describes how people will love you, you'll be a very popular and respected lady.

Riyada maalinta ciida oo salaad la tukanayo

Riyada: waxa la leyhy waa ciiid islaamii jaarkayaga oo intay cawo dhigteen ama gogol dhigteen guri naha soo hor jeda iyo Kanagawa dhexdooda ku tukanaya Saladiii ciiida kadib,anoo so socdaaa wxn arkay Islaan aan garnyo oo leh naa Kalyan ii akhriya aan salada galee, kadib tu yaro ah taagnayd baa tiri hebla u u dhiib iyada kuu akhrine (qofkunu waa aniga)kadib bay ii dhiibaty  wxay ahyd duco wana u akhriyay, Fasirka: Riyadan iyadana waxay tilmaamaysaa munaasabad farxad weyn leh oo familkiina ama xaafadiina ka dhici doonto. Waxaa dhici karto in xaflad aroos ay tahay waa riyo fiican. This dream for her describes a great joyous event that will take place in your family or neighborhood. It's possible that a wedding ceremony is a nice dream.

Riyada qosolka maxay tahay mar walba aan ku riyoodo

Riyada: Waxan singal dhamaysay jamacad joogta gurigooda  Riyadu waxeeye riyo qosola marka aan seexdo xilikasta ay noqoto waxan arkin ano qosolaya ama dholacadaynaya markaa hada markaan habeeno badan oo isku xigxiga aan arkay waan ka shakiyeey marka bal waxay tahay ii fasira Fasirka: Qosolka hadduu yahay dhoolacadeys waa farxad aad heli doonto haddii uu yahay qosol cod dheer oo si jeesjees oo kale ah waa murugo iyo musiibo daran. If the laughter is a smile, you will find happiness; if it is a loud, sarcastic laugh, it is sadness and disaster.

Riyada anoo gabar isbtiaal la joogo iyo farxad iyo nin ii dhoolacadeynayo

Riyada: Walal waxan ku riyoday aniga oo isbatal lajoogo gabar yar oo xanusan Wax yar gabadheda ma ehen lakin Ina dhalay an u hestay gabar qurxoon aye ehed marna wa cayareysay marna dhabteyda aye fuleysay  iyo nin Ina isla soconay aan u hestay oo aad u qurx badan oo idhoola cadeynayo Ila fara cuyarayo Anne ad u faraxsanahay oo qanacsanahay dhaqtarki aya qolkisa galnay Wax yar isuga ayu yiri bananka sidi ayu u dholacadeynayay ninki gabadhana u dheleysay.  Kadib nin kamera wato oo rabo tifiga inu naga sodayo aanarkay iyo dadka kale o mesha fadhiya anigana wajiga gacanta ka saartay oo ka qariyay sido kale ninkina gacanta ayu sartay Anne kuma farxin kamirada. kadib  Dhaqtarka aya yimi kadib Wax dhib ah inu jirin waxyar le yihin ayuu no shegay asna aso dhola cadeynayo ayu dhahay soobax albaab furan ayu igu fiiqay gacanta ninki iyo gabdhi wa is raceyn Ane irida horteet ayaan kasoqaday xafayad cusub o nadif ah iyo buskut aniga an jeclen lakin caruurteyda jacelyihin ugu danbene hu...

Riyada nin xaas leh oo helayo dhayman

Riyada: Wll  waxad ii fasirtaa riyo oo uu ku riyooday sawjkayga wuxuu ku riyooday isaga oo hellay dhayman  ku jiray walxa yar oo markuu furayna waxaaba ku jira dhayman yar oo cad oo dhalaalya oo aad uqurux badan markuu hellayna wuu qarsaday si uu iibiyo Riyada ayuu ku riyoday wll iso fasir insha allh wllo wll hadii an ku fahan siyo walaxda yar ee dhaymantu kaso dhexbaxday waxay ahayd laf yar o dhubaan Fasirka: Waa riyo tilmaamayso farxad iyo in la gaaro danta la leeyahay ninkaaga waxaa u hirgalayo arrimaha uu niyadda ku hayo waa riyo fiican.

Riyada salaanta iyo la kulanka masuuliin sarsare

Riyada: Asc walla khayr aan dhamaan Rabi kaaga baryaya  Waxaad ii fasarta salanta iyo lakulanka masuulintaada  sar sare insha allaah Fasirka: Riyada waxay tilmaamasaa darajo sare iyo dalacsiin meel sare inaad ka gaari doonto bulshada aad ku nooshahay waa khayr inshaa Allaah.

Riyada gabar lagu dhahayo dabecdii fadumo rasuul ayaad leedahy

Riyada: Asc wll waxanku riyoday anigo dad is magaya dhex dhexadinya waliba waninya o ku leh wll qabyalda iska daya dadka mumininta la saxiba kadib gabadh aya i jawbtay wayxna igu tiri wll dabecdii fadumo rasuul ayaad leedahy marksan farxay Fasirka: Riyada waa bishaaro waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof wanaagsan oo diinta ku toosan Ilaahay haku barkeeyo waa khayr.

Xalay ayan ku riyoday wixii aan riyada ku arki jiray oo ii rumobay

Riyada: xalay ayan ku riyoday wixii aan riyada ku arki jiray oo ii rumobay tasoo ah inan helay ciid macdan ah oo  aan ka tajiray Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gaareyso waxa aad raadinaysay inshaa Allaah waa khayr iyo wanaag.

Riyada cilaan budo ah oo baaldi ku jiro

 Riyada: Asc walaal waxaa ii soo fasirtaa cilaan budo ah o badan iyo ciid  ama caro cusub o baaldi ku jiro. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa farxad in gurigiina ay imaan doonto, waa riyo bishaaro ah inshaa Allaah.

Riyada wiil xabsi ku jiro oo la soo daaynayo

Riyada: Asc wll waxanku riyoday wiil wllkaya o xabsi ku jira iyado laso daayay oo uu noo yimi isgo nabro madaxa kaga yalan iyo dhaawacyo Mxrka maxay riyadsi noqony talow Wll hooyana waxay ku riyotay wiilkaa naga xidhan l lagu leyahay gabdh buu kuso wadaa wiilkagii Fasirka: Labada riyo waxay tilmaamayaan in walaalkaaga Ilaahay uu faraj u keeni doono oo uu ka badbaadi doono dhibka haysto.

Riyada qofka oo muusoonaya isagoo ilkihiisa ay aad u qurux badan yihiin

Riyada: Asc shekh waxa iifasirta riyo waxnkuriyoday anoo hool wayn oo lawada fadhiyo dhinac kafadhiya oo musoonaya ilkahaygana aad uqurux badanyihin onku faraxsanahay dadkana leyihin gabadhan qurux badana wana xijaabna  Dhowr jeero horana waxan kuriyoday ilkaha oo la iidhaqaya marna silig la iigu xiraya marna ay qurux badanyihiin maxay tahay shekh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa farxad iyo nolol qabooban waliba dadka  qaraabadaada ah ayaa aad kuu jeclaanayo daryeel iyo jacayl fiican ayaad kala kulmi doontaa, waa riyo fiican.