Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Sujuuda

Riyada anoo xaaska u sujuudayo maxay tahay

 Riyada: Waxaan ku riyoodey anigoo xaaskeyga ku sajuudayo labadeeda lugood. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa xaaskaaga inaad ka dambeyn doonto oo wax kaste ay kaa dalbato aad u fulin doonto oo ay ku hogaamin doonto wayna ku dulleysanaysaa sida laga fahmayo sujuuda loo sujuudayo qof addoon ah. The dream indicates that your wife will be behind her and that whatever she demands of you you will be fulfilled and she will lead you and humiliates you as it is understood by the prostrations of a slave.

Riyada sujuud tilaawa iyo taraawiix maxay noqon kartaa

Riyada: Asc wr wb walaal, Ramadan Kariim marka hore. Waxaan rabaa inaan ku weydiiyo riyo? Waxaan ku riyooday aniga oo sujuud tilaawa sajuudaayo. Waxeeyna ku timid aniga oo taraawiix tukanaayo, imamka natujinaayey salaada taraawiixda quranka uu aqrinaayey waxaan kala socday kitaab, kitaabkaas aan ka fiirsanaayey ayadaha uu aqrinaayo markaas waxaa la gaaray meeshii sujud tilawah Lagu sameenaayey waxaana ku riyooday aniga oo sujud tilawah sajuudaayo, marka riyadaas ma ii fasiri kartaa macnaheeda? Jazaakallah qeyr. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa guul iyo towbad iyo Alle u dhowaansho iyo badbaado laga badbaadayo wixii shar ah.