Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Imtaxaanka

Gabar ku riyoonayso mar walba iyadoo imtaxaan galayso

 Riyada: Asc wll waxaan ahay gabar aan wali guursan waxaa igusoo noqnoqtey riyo ah inaaa imtixaaan galayo Iifasir wll Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gali doonto fikir aduun iyo dhibaato yar oo ku saabsan mustaqbalka. Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay nolol sabar leh oo kula socon doonto ilaa Ilaahay uu faraj kaaga keenayo. Dream indicates you will get into worldly thinking and a little trouble about the future. You may need a patient life that will follow you until God brings you a blessing.

Riyada naag horay u dhimatay iyo dooli dhar kaa cunaya

Riyada: Asc Waxaan ku riyooday naag dhimatay laba sano ka hor fasalkaygii oo imtixaan i siinaya, laakiin ma qori karin imtixaankii, sababtoo ah waxaan raadinayay cunuggeyga riyada labaad ee dooliga oo ku cunaya dharkayga armaajo, waxaan ahay hooyo leh laba caruur ah oo guursaday fadlan. iga caawi inaan turjumo Fasirka: Riyada naagta dhimatay oo ku imtaxaanaysay waxay tilmaamaysaa inaad mari doonto duruufo adag oo fikir kugu dhalinaya. Riyada dooliga dharkaaga cunayo iyadana waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo murugo iyo dood gurigaaga imaanayso Ilaahay hakaa ilaaliyo sharta labada riyo.

Riyada qoraalka wax lagu qorayo warqada cadda

Riyada: Waxa kalo ifasirta riyada waraqada cad aan wax ku qoraya miis ag fadhiya an ku dulqoraa  waan buuxinaa warqada dhan. Fasirka: Riyada qoraalka waa riyo fiican waxay xambaarsan tahay wax aad u qiima badan waxaa ka mid ah guul iyo mustaqbal fiican iyo talo iyo sharaf waayo qalinka iyo warqadda waa furaha aqoonta iyo cilmiga, marka riyada waxay tilmaamaysaa arrimo badan inay kuu furmi doonaan.

Waxaan ku riyooday marar badan aniga oo galaayo imtixaan jamacadeed

Riyada: Waxaan ku riyooday marar badan aniga oo galaayo imtixaan jamacadeed markii warqadaha nala siiye ee aanbilaaway in aan kashaqeeyo mar walbe waa igu adkaadaa imtixaankaas inaa dhameestiro oon sifiican ugawada jawaabo, waxaan ahay gabar wax barasho dhameesay shaqeeso balse aan aan wali guursan.  Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in arrimo mustaqbalkaaga la xiriira ay adkaan doonaan, imtaxaanka aad arkayso waa kan nolosha mustaqbalka, waxaad u baahan tahay inaad ku dadaasho ducada iyo akhriska quraanka, waxaa dhici karto il inay ku haysato marka Ilaahay hakuu fududeeyo arrimahaaga.