Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Masjidka

Riyada anoo masjidka nadiifinayo aniga iyo walaashayda

Riyada: Asc sheekh waxan ku riyooday anago masjid nadifinayna aniga iyo wllshy markan waxan ka qadnay rogi o dhulka marmarkan anigu iskobe iyo biyo ku maydhaya  kadib waxan idhi simaydh waxan soegaya ilmiyaraye tuyaron dhaly cadi ahan ti haysay oon siwacan uhayn ayaan utagy wan kasoo noqday waxan dhexda iga racy ano masjidka usocda nin anan garanayn oo nomahad celinaya wllshy ayuu waxu leyahy oo aniga igu leyay waxan sinayna lacag dadban ugaso ururinaya iyo nin ay gursato kadib masjidki ayaan galy waxan utagnay iyado sijayadi ama rogi ladhigay waxan dhigay mel dacsad anigu kadib waxan bilaby inan haghagajiyo masjidki oon kashaqeyo ninki halkanu tagan yahy wuu iegayaa waxu leyay tababa qurux badane kadib halka waxa kasoo baxy oday masjidka kaedama oo mu adina wuu nala hadhadly kadib riyadi waan ka tosay  Sheekh waan ducastay diban usexday amuur an ad udonayay ayaan ku ducaystay ifasir sheekh Fasirka: Riyada waa khayr aad heli doonto, waayo inaad u adeegto guriga Alle waa towfii...

Riyada imaamka masjidka oo igu dhahaya waad dalacaysaa

Riyada: Waxaad ii fasirtaa xalay waxaan kuriyooday sheekh  iimaaam masaajid ah oo aan saxiibo nahay ayaan iska Soo horbaxnay waane isa salanay kadib waanu is gacan qaadnay wuxuune xidhnaa laba go, oo cad cad. Waanu isku faraxnay labadayaduba wuxuu igu yidhi waa dalacaysaa  ee aan kuu soonoqdo ,  Hada waxaan ku maqanahay fasax oo xaga reerka ayaan joogaa isagune wuxuu iimaam kayahay halkii aan ka shaqaynaya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isbadalka weyn noloshaada xagga shaqada la soo gudboonaanaya, waa riyo bishaaro ah inshaa Allaah The dream describes the great change in your life in terms of work, it is a dream of good news in the hope if Allah say

Riyada gabar masjidka gali rabtay oo kasoo noqotay

Riyada: Gabar ayaa ku riyootey Masjid ayay gali rabtey waxaa lagu yiri halkan wa masaajid wey ka oo noqotey banaanka ayay gaadi la fariisatey  qof Aya ku Soo baxey wey mashquulisey si uusan udareemin yacni hadal ayay u qabatey Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay cibaadada ka fogaan doonto oo ay shukaansi iyo sheeko aan loo joogin ku mashquuli doonto. Riyada waa digniin. The dream indicates that girl will stay away from worship and engage in flirting and chatting without being there. The dream is a warning.

Riyada imaamka salaada qof kale booskiisa galayo

Riyada: Asc sheikh waxaad fasirtaa  wuxuu ku riyooday anigoo  masjidka salaad kula tukanaya jameecaad  Markii salaad la xidhacay ayna gaadhin rukuucdii waxaa  banaanaaday  booskii imaanka  salaada tukinayay markaa ayaan isiri boos kiisa buuxi mid aan garanayay oo ka mid ahaa dadka masaajudka nagula tukada oo daba taagnaa imaanka ayaa buuxiyay booskii imaanka ila markiiba waxaa wada sujuuday dadkii imaankii iyo dadkii oo dhan marka laga reebo aniga iyo ruux kale oo sidii u taagnayn  Ka dib waxay is waxaan qalbiga idka waydiyay sujuudu maxay ahayd mana jirin sujuud talaawiidne Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa imaamkaas inuu dhoofi doono ama laga wareejin doono masjidka qof aad garanayso ayaa loo dhiibayaa imaamnimada The dream indicates that the Imam will be deported or transferred from the mosque. Someone you know will be handed over to the Imamate.

Riyada anigoo sooman oo imaamka masjidka i hoos fadhiya

Riyada: Waxaad ii Soo fasirtaa habeen habeen hore waxaan ku riyooday anigoo sooman oo aan iimaamka masaajidka oo ihoos fadhiyo anigane taganahy oo uu leedahay waad iga fiican tahay hadaad soontay oo aan madax usalaxaya sheekha waana isnaqana sheekha iimaamka masaajidka oo  saxiibo nahay masaajidkane xidhiidh ayaan laleeyahy xaga cibaadada insha allaah ii Soo fasar Fasirka: Waa riyo tilmaamayso inaad Ilaahay u dhowdahay oo aad tahay qof ku dadaalayo taqwada iyo towxiidka. Riyada waa riyo fiican oo daliil u ah heerka aad ka taagan tahay ku dhaqanka diinta. It is a dream that indicates that you are closer to Allah and that you are a person who strives for piety. The dream is a nice dream and evidence of the extent to which you stand in religious practice.

Riyada wacdiga masjidka iyo dad qaldan la toosinayo

 Riyada: Asc wll waxaad ii fasirtaa riyadan  Waxaan joogay  masaajidka waxaane dadkoo dhane way wada fadhiyeyn  sheekh aan aqaano oo iimaanka masaajidka ah ayaa kacay waxuune kadalay arin,  Markaan kasoo baxnay massjidkii ayaa anigoo dad badan ila socdaan ayaan araganay arintii uu kahadalay sheekho cidii samaysay ,ayaan  hor istaagay kune qabsaday arintii ,  Waxay iigu jawabay waan qaladanay qaladkiina waan qaladanay waane saxaynaa ,kadib hurdadii ayaan ka sootoosay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in wax aad toosin doonto adiga aad sabab u noqon doonto waxaa laga yaabaa inay xiriiri la leeyihiin dad adiga kuu dhow ama deris kula ah, guud ahaan riyada waa riyo wanaagsan.

Qofkii ku riyoodo asoo masjid dhisaya

 Riyada: Asc waxaan ku riyooday anigoo masaajid u dhisaya deerkiisa oo dhamaystiran ganjeelkii oo qudha ii hadahay insane aan diyaariyaay lakiini aana ku xudhin waxaan ahay xaasle caruurtii leh shaqadaydune waa shaqaale dowladeed khayr alahaa kusiiyo Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa inaad Alle u dhowaan doonto iyo in amuurahaaga oo dhan ay kuu toosi doonaan waa riyo aad u wanaagsan.

Riyada anoo ku tukanaya masjidka Aaya Soofiya ee Turkiga

 Riyada: Asc shekh waxan kuriyooday anoo jogo masajidka soofiya ee turkiga ee ayaan hore lafuray kadib qolka ogu koreeyo aya la igeyay kadibna waxan iri wantukana sali isiiya naag aya ikentay saligii kadib ano raba ina tukado ayay hoyaday iyo walaashay imaaden oo fadhigii aniga la ikenay kufaristen markasay igu dhehen hatukanin gaalada ixtiraam ayay leyihiin halkana gaalo aya joogta kadib ana aad ayan uxanaaqay ma salaadayda ayan gaalo ku ixtiraama muran ayan galnay kadib waxa noo imatay naag hoyo iyo walaashay waybixisay ana wantukaday waxayna itiri qolkan iyo fadhigan adalehe fariiso  Marka sheekh ilahay hakubarakeye isoofasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad arrin fiican sameyn rabto oo laakin aad dhib kala kulmi doonto taasna waxaad kala kulmaysaa dadka kuu dhow, marka ku dadaal sidaad Alle ku raalli galin lahayn dadka ha isku dayin inaad ku raalli galiso wixii Alle diintiisa ka hor imaanayo.

Gabar ku riyootay iyadoo wiil masjid la dhisayso

 Riyada: Acs wll ilaahay haku xiftiyo wll waxan ku riyoday   wiil An xidhiidh leenahay oon  masajid wada dhisayno  oon dhisnay masajid quruxbadan   markan dhamaynay waxau ikeenay cunto macan  wll maxay noqonisa ilahay hakubarakeyo  wll    Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in arrimahaaga oo dhan Ilaahay kuu toosinayo wiilkaas ayaa laga yaabaa inaad mustaqabl fiican wada dhisan doontaan oo diin ku salaysan riyada waa riyo aad u wanaagsan.