Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Ilkaha

Riyada iligayga micida ah oo ligliganaya

Riyada: asc walal waxaad ii fasirtaa riyada ah in aan kuriyooday habeenkii jimcaha ahaa in iligayga micida ah oo ligliganaya markaa fasiraadeeda waa maxay iisoo fasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qof aad ku tiirsanayd oo aad ku kalsoonayd inuu noqonayo qof daciif ah aan wax kuu qaban karin, garabkaaga ayuu ka baxaa qofkaas. Dreaming describes someone you relied on and trusted would be a weak person who couldn't do anything for you, and that person goes off your shoulder.

Riyada ilko cabcad oo qurux badan

Riyada: waxaad ii fasirtaa riyada ilko cadcad oo aad uqurux badan anoo dhulka ka faqanaaya gurigeena dabadiisa lakin ilkahaasi kuwayga ma ahan  waa maxay riyadaa fasirkeeda Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa nolol degan oo raaxo leh oo barwaaqo ah. Iyo dad kugu faraxsan oo ku ixtiraamayo. The dream describes a relaxed and comfortable and prosperous life. And people who are happy with you and respect you.

Riyada ilkahayga oo madow noqday markaan muraayad ku fiiriyay

Riyada: Waxan ku riyooday anigoo miyarad isku eegaya waxan arkayaa ilkahayga oo kuwo badan madoobadeen  wan yabyaa maxaa San ii galay kadib waxan tabanyaa illahygii wny iska soo qaadqaadmayaan, illhy bn ka maqagn galy riydaa sharkeeda inshaallh . Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dadka kuu dhow inay dabeecad adag kuula dhaqmi doonaan, taasna waxay ka imaanaysaa dhaqankaaga, ilkaha waxaa lagu fasiraa dadka kuu dhow qaraabada, walaalaha, modowga waa isbadalka ay isabalayaan, taasna adaa sabab u ah. Dreaming indicates that people close to you will treat you with a harsh attitude, and that comes from your action, teeth are interpreted by people close to you relatives, brothers, the  blackness  is the change they are experiencing, and that is why you are.

Riyada ilig ka jabayso ilmo yar

Riyada: sc waxan ahay gabar xaas ah waxan ku riyooday subax aan hurdayay wiilkayga igu yar o ilig labada foolka hore ah mid dhinac ka jabay o an leeyahay ya ka jabshay sheq iga so jawab jizakallahu qeyr waliba subaxaas school baan u diray dadoosana wa 10 sano iyo 10 bilood Fasirka: Riyada waxay kaaga digaysaa arrimo dhici doono waliba dhib kaa soo gaari doono marka ka ilaali ilmaaga meelaha qaar adigana iska jir meelaha dhibka kaaga imaan karo.

Wiil yar ilko loo galinayo walina ilko aan usoo bixin

Riyada: Asc shiiq waxan Ku. Riyoday wilkeyga o yar iko laheeyn o ilko kor iyo hoos eh ano u galinaayo wilka ilko Uma sobixin lkn wxn Ku riyoday ani ilko gacanta Ku haaya Una galinaayo  sida ilkaha dantalka o kor iyo hoos a ah. Fasirka: Inshaa Allaah waa riyo fiican ilmahaas yar nolol cusub oo fiican ayaa u bilaabanayso iyo mustaqbal wanaagsan sidoo kale wuxuu helayaa dad qaraabo garab istaagaya markuu weynaado waa riyo fiican.

Riyada gabar gowska ka dhacayo oo gacanta ku qabanayso

Riyada: Asc sh. Waxan ku riyoday goskeyga kore o aad u liqliqanayay wa taban waba so dhacaya gacanta ku qabana dhigna maleh midka ku xigana wa liqliqana waxan is dhaha kana ka dhacaye kan haba taban sidis ku dhaafa wana goskega kore qebta midig pls ifasir Fasirka: Haddii aad tahay gabar wali aan la guursanin riyada waxay tilmaamaysaa isbadal fiican xagga noloshaada, laakin haddii aad tahay gabar la qabo riyada waxay tilmaamaysaa khilaaf iyo dood idin dhexmari doonto dad adiga kuu dhow

Riyada gowsaha layska rido oo kuwo kale soo baxayo

Riyada: Asc wllo wxn ku riyooday anigoo shan goys iska riday oo ay  isla markiiba hadana kuwo cusub iisoo baxeen fadlan iisoo jawaab wllo inzha allah 😢 Fasirka: Noloshaada isbadal weyn ayaa soo galayo waliba waa mid la xiriiro qoyska inshaa Allaah waa khayr.

Waxaan ku riyooday ilkahayga oo aad iyo aad u cad cad oo wada simin

 Riyada: Asc wll waxaad ii fasirtaa adigoo mahadsan, Waxaan ku riyooday ilkahayga oo aad iyo aad u cad cad oo wada simin oo liid yar kujiro oo cagaar ah  siiba  foolasha oo aan Yara xoqoyo Kane tir tirayo insha allaah. Fasirka: Riyadaada waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof daacad ah oo saaxiibayaashiisa u dhow ay fiican yihiin waxaadna iska ilaalisaa dadka aan fiicnayn, marka riyada dhaqankaaga iyo noloshaada ayay tilmaamaysaa.

Anoo hal ilig oo foolka ahi iga dhacay baan ku riyooday

Riyada: Anoo hal ilig oo foolka ahi iga dhacay baan ku riyooday maxaa lagu fasiri karaa? Fasirka: Waxaa lagu fasiraa arrimo aad ka xanuunsanayso inaad arki doonto waliba la xiriira dad kuu dhow oo qaraabada ah, marka ilaahay khayr haka dhigo. It is interpreted as things that you will suffer from and you will see related to people close to you and relatives, when Allah wills.

Riyada qof ilkaha laga daadiyay oo feer lagu dhuftay

Riyada: Waxaan ku riyooday Anoo qof ka daadiyay gabar aan is dagaalnay feer aan uga dhuftay ooga daateen lkn dhulka kuma dhicin. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofka inuu dhibaato gali doono oo uu khasaari doono waxaa dhici karto adiga inaad sabab u noqoto dhibka soo gaarayo, riyada ilkaha daadanaya ma fiicna waa riyo dhibaato tilmaamayso.

Riyada ninkii i furay oo qolka ila jooga asoo ilka dhaadheer

Riyada:   maalmo kadibna waxaan ku riyooday ninkii ifuray oo ila jooga qolka iisoo galay ilkihiisu ka dhaadheer yihiin sidiisi caadiga ahayd yelow na yihiin sidii wax wasakhaysan cagta hoosana bararsantahay aanan rabin inaan la hadlo aanan u calool furnayn oo aan leeyayahy dhaawacaagii horaa iwada damqanaya idaa oo intuu maro qoyan soo qaatay madaxa ii marinayo timahayga uu marada ku daliigayo asagoo leh anaa dhayaya dhaawaca markaasna madaxa iyo jirkuba run bay ii damqanayeen oo dhib baan dareemay waxaan ahay hooyo caruur hore uhaysatay hadana mudo bil iyo xoogaa laga joogo ninkii furay waxna uma dhalin asaga intaas iifasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inuu rabo inuu kuusoo laabto uu kula heshiiyo laakin ma aha qof daacad ah oo kuu qalmo, marka Ilaahay dhibka hakaa qaado.

Naag uur leh hadday ku riyooto iyadoo ilkaha laga jabiyay

Riyada: Asc wll waxaanku riyoday nin in is dilayno oo iga jabiyay laba ilkod oo ah folasha hose in yar ayaa igu hadhay intasina midaab madow ayay lahayd Xaladaydana waxan ahay hooyo xamiilo ah o bishi 9aad dhamaysatay Fasirka: Riyada waa digniin iska ilaali raga qaarkooda oo laga yaabo dhib inay kugu ridaan waliba dhib keeni kara gurigaaga inuu dumo ama adiga inaad noqoto naag ninkeeda ka shakin karo, riyada ilkaha jabayo waliba naagta markay uur leedahay waa dhib kusoo wajahan gurigeeda. Ilaahay hakuu fududeeyo dhalmada.

Riyada qofka oo muusoonaya isagoo ilkihiisa ay aad u qurux badan yihiin

Riyada: Asc shekh waxa iifasirta riyo waxnkuriyoday anoo hool wayn oo lawada fadhiyo dhinac kafadhiya oo musoonaya ilkahaygana aad uqurux badanyihin onku faraxsanahay dadkana leyihin gabadhan qurux badana wana xijaabna  Dhowr jeero horana waxan kuriyoday ilkaha oo la iidhaqaya marna silig la iigu xiraya marna ay qurux badanyihiin maxay tahay shekh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa farxad iyo nolol qabooban waliba dadka  qaraabadaada ah ayaa aad kuu jeclaanayo daryeel iyo jacayl fiican ayaad kala kulmi doontaa, waa riyo fiican.

Riyada ilkaha oo dhan iga daadanayo

Riyada: Asc wll waxan ku riyooday ilkahayga Oo is xoqayo kadibna ay jajabeen dhamaantood oon tufayo kuwo kalena ka soo Hoos baxayaan kadibna dhigi biyo isaga luqluqayo ilig dhulkan ku tufayna soo qaaday wiil sxb nahay u dhiibay, Ma i fasiri karta mhdsnid Fasirka: Walaal riyadan waxay tilmaamaysaa inaad cimri dheer helayso heer aad ka gaarto inay ilkaha oo dhan kaa daataan, riyada ilkaha oo dhan daadanaya waxay tilaamaysaa duqnimo iyo gabow inshaa Allaah waxaad gaaraysaa cimri aad u dheer.

Riyada soo dhicida goosaha iyadoo xanuun la'aan ay tahay

Riyada: Asc , salan kadib sidan oo kale waxan ku riyoday iyado seddexda goos ee hoose iyago xanun la'aan so dhacayo aan gacan ku heysto haddana  xoogaa kadib mrkaan fiirshay goosaheyga xoogaa yar ayaa iska badal oo hal xabo ayaa maqan Bal walal i fasira kheyr Allah idin siiyo walwal ayey igu heysaa. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa in aad la kulmi doonto arrimo walwal kugu dhalinaya waxaa laga yaabaa qof kuu dhow in dood iyo dagaal idin dhexmari doono oo aad sidaa ku waayi doontid, guud ahaan riyada waa wax aad waayi doonto qof weyn oo noloshaada ku jira ayayna u badan tahay.

Waxan ku riyoday ilkahayga oo cad cad oo qurux badan

Riyada:  Waxan ku riyoday ilkahayga oo cad cad oo qurux badan maxaa waaye macnaheed. Fasirka: Riyada ilkaha cad cad waa riyo aad u fiican waxay tilmaamaysaa dadka kuu dhow inay daacad kuu yihiin sidoo kale inaad gaari doonto guusha adoo faraxsan waa khayr inshaa Allaah