Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Shinbirta

Waxaan ku riyooday bisad kurta ka go'day

Riyada: Waxaan ku riyooday bisad kurta ka go'day oo shimbir madow soo duushay istidhi cun kurteeda oo afka ka jabtay shimbirtii Fasirka: Wixii dhib ku haystay ayaa kaa dhamaanaya goor dhow inshaa Allaah, riyada waa riyo fiican oo adiga bishaaro kuu ah, dad adiga kugu mashquulsanaa ayaa isku dhacayo

Riyada hadalka shinbirta waxa lagu fasiro

 Riyada: Waxaan arkay   buur u samaysan qaabka shinbiraa   aadna u qurux badan 4 yar yar iyo mid wayn  hooyo ayayna u tahay afarta yaryar    markaa aadbaan ula dhacay qaabka ilahay u sameeyay markaa anoo daawanaya ayaan ku dhahay qof ila socday bal daawo ilahay qudradiisa  sida uu u sameeyay buurtan    markaa waxa igu qoslay 4 tii  yaryaraa    markaa aadbaan ula yaabay siday u hadlayaan   markaa waxaan ku dhahay waan idin jeclahay   way i fahmi waayeen hadana waxaan ku dhahay I love you  hadana way fahmi waayeen   markaa ayay hooyadood u fasirtay   oo af carabi ugu sheegtay   inaan leeyahay انا أحبكم markaa intay hal mar wada hadleen 5 toodiba ayay waxay igu dhaheen انت آية من آيات الله    markaa anoo faraxsan ayaan ka tegay  Thank you Fasirka: Riyada waa riyo aad u fiican, guud ahaan qofka markuu ku riyoodo shinbir la hadlayso hadalkaas waa hadal d...

Riyada gorgor oo bisad dafayo kadib mas isu rogayso

Riyada: Asc walaal waan idin salaamay, waxaan idin weydiinayaa riyo aan dhawaan arkay , taas oo aheyd Shimbirka Gor-gorka ayaa isagoo duulayo wuxuu ku dul dagayaa bisad yar markaas ayuu la duulayaa oo hawada uu la galayaa markii uu damco inuu cuno isagoo hawada ku jiro ayaa Bisaddii waxay noqotay Mas weyn oo xoog leh kadib gor-gorkii waa cuni kari weynayaa maskii maadaama uu la dagaalamayo , sidaas ayuuna dhulka ugu soo celinayaa , maxay noqon kartaa riyadaaas illaahey ayaa xaqiiqada oge, waana mahadsantihiin. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa qof daalim ah oo awood leh oo masuul ama madax ah oo dulminayo dad masaakiin ah oo taag daran marka ugu dambayso isaga ayaa laga guulaysanayaa, waxay noqon kartaa riyo guud ah oo khuseysa umad, waxaa kaloo ay noqon kartaa riyo adiga kuu gaar ah hadduu jiro qof ku dulminayo oo awood leh in marka ugu dambayso laga adkaan doono. Waayo gorgorka wuxuu matalayaa qof awood leh oo madax ah bisadda uu qaadayna waxay matalaysaa qof daciif ah la dulminay...