Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Geerida

Riyada karfan laygu xiray oo la leeyahay waad dhimatay

Riyada: Wll waxan ku riyoday ano nol oo karfan la ixiraya oo la i leyahay wad dhimatay isla riyadi dhaxdeda waxan hadana ku riyoday ano la i leyahay waa lagu toganaya oo tirka la igu xiraya ii fasir maxay ka turjumeysaa wll allaha ku barakeye adun iyo aaqiraba. Fasirka: Riyada waxay sheegaysaa arrimo adiga kuu keeni doono walwal iyo cabsi, taasna waxaa sabab u ad dadka aad ku dhex nooshahay oo aad isku dhacaysaan oo aad la dagaallamayso iyagana aad kuu fogeynayo oo kula dhaqmayo si qof dhintay oo kale. Dream tells things that will cause you anxiety and fear, and that is because of the people you live in and you are clashing and fighting each other and you are fighting and they are putting you away and treating you like a dead person.

Riyada walaalka dhintay hadana mar kale la aasayo

Riyada:  Asc walaal, inaad ficantahy baa rajaynyaa. Walaal riyo baa rabaa ina ii fasirtid waxaan ahy gabar oo xaas maihi walina ma guursan waxaa ku riyooday walaalkey oo Mar hore dhintay oo xalay haddana Mar labaad asayno buuq baddan majirin dad baddana meesha kumanan joogin. Fasirka: Waxay tilmaamaysaa riyada in murugada aad ku jirto aad ka bixi doonto waxaad galaysaa nolol degan aan walwal iyo cabsi iyo fikir lahayn inshaa Allaah

Riyada gabar dhakhtar noqotay oo caan ah kaddib dhimatay

Riyada: Asc sheq waxaan kuriyooday riyo waxaana rabaa adigoo mahadsan inaad iifasirto riyadaaswaxayne kubilaabaneysaa sidaan Ugu horeyn aninwaxaan ahy gabar aan guursan  waxane kuriyooday anigoo dictoor ah dadkane aad ay iijacelyihiin dadkane aan caawiyo waliba masaakiinta  kadiba qofbaa ii imaaday wuu isalaamay wuxuudha idhahay shukran laka markaan lafarxay salaantane kaqaaday kadib waan geeriyooday  Marka adigooraali  iisharax riyadaa جزاكم الله غير جزا Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gaari doonto yididiiladaada iyo rajadaada waana riyo wanaagsan geerida hadda waxaa lagu fasiraa inaad ka gaarayso nolosha meesha ugu dambeysay oona khaatumadaada ay wanaagsanaan doonto adoo dadka ixsaan u samaynayo ee ma aha degdeg ayaad ka dhimanaysaa inshaa Allaah.

Riyada qofka la dhahayo waad dimanaysaa bil kaddib

Riyada:  Asc walaalo Waxa aan ku riyooday iyada oo la igu leeyahay bil ka dib ayaad dhimanaysaa, oo aan xabaal iyo dhimasho u sii diyaar garoobayo. Fadlan ii soo fasira.Aadna waan u naxsanaa oo u murugaysnaa Fasirka: Walaal riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa waxyaalaha qaladka aad samaynayso waxay yihiinba ee ma aha geeri, dib isu eeg fiiri wixii kaa qaldan Faahfaahin dheeraad halkan ka daawo Riyada geerida astaanta u ah

Riyada geerida rasuulka SCW iyo aaskiisa

Riyada: Magacayga waa bashiir waxaan. Ahay 27 jir aabo. Ah.  QISADA RIYADAYDA     Xili. Makhrib. Ah ayaan soo galay magaalo   qurux badan oo lamigeda aan umalenayo inu laha  mar mar ama mutulel marba sad utaqan anago.  3 nin Ah.  Seedigay oo Ah xaskayga walalked iyo. Wiilkale oo aan. Saxipo nahay   ayaan ahen  magaladii oo waxan nimi tacsi ka jirto. Dadkuna wada murugesan yihin.   Dadkii ayaan su,aalay. Anigu. War yaa. Dhintay  markas ayaa qof anan xasusan. Hada igu jawaabay nabi mohamed.  Scw ayaa dhintay markaas nabiga. Scw. Waxaan ugaranayey si cadaan Ah   markii geerida nabiga scw lay shegay ayaan naxay oo aan. Aamini wayey warkii geerida ee  lay shegay waxan aadnay xabashi 3 da yadiba  waxan tagnay xabashi oo nabiga scw oo la dhigay iilka xabasha. 2 dii wiil ayaan ku iri eega oo soo toosiya si aan u arko wajigisa aniga oo wali rumesan la, marki ay saa usoo qabten oo waliba ay taagen ...

Riyada tuug qof dili rabay laakin isaga dhintay

Riyada: Wll plz wlky iga yar aya ku riyoday Tuug so dhacay oo aniga rabay inuu ii dilo kadiba asigi dhintay inuu iso garin wll plz iga jawab tiyada aad ayey i mihiim igu tahay plz wlkei❤🙏 Fasirka: Qof isha idinka ku haya oo idin ilaalinaya ayaa dhib ku dhici doono dantiisa ma gaarayo, Ilaahay ayaa idinka qabanayo,  riyada sidaas ayay tilmaamaysaa.

Gabar ku riyootay iyadoo ninkeeda dhintay

 Riyada: Asc sheekh waxa ifasirtaa riyadan waxan kuriyooday  Ninkayga oo dhintay oo ana an murugaysanahay lkn qaylo iyo ohin midna malihi lkn lama aasin shekh Waka murgay riyadan ee ifasir ilaahay haku barakeeye Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in murugo aad gali doonto inuu kuu imaan doono walwal iyo cabsi  marka Ilaahay hakuu sakhiro

Riyada qofka asoo dhimanayo maxay noqon kartaa

Riyada: Wll waxan marksta ku riyodaa geridayda ano dhimanya o ashadanyaa anigo u dhimanya beer xanuun maraka qarna waxanku riyoda anigo kafan bixinya O daad sinaya si sadaqo ahana. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa towbad iyo camal suuban in Ilaahay ku waafajin doono riyada waa riyo wanaagsan, sidoo kale kafanta iyadana kama foga fasirka geerida. Faahfaahin dheeraad ah oo riyada geerida ku saabsan halkan ka daawo:

Waxan Ku riyoday macalinka dugsiga quranka ii dhigi jiray oo geeriyoday

Riyada: Waxan Ku riyoday macalinka dugsiga  quranka ii dhigi jiray oo geeriyoday oo dugsigii loo badalay masajid. Fasirka: Walaal riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa inaadan sidii hore ugu dadaalaynin quraan akhriska, marka inshaa Allaah ku dadaal quraanka iyo cibaadada yaan lagaa mashquulinin.

Riyada qof dumar ah oo dhiig lagu shubayo

Riyada: Sheikh waxaan ku riyooday gabar aan aqaano oo lay dhahaayo dhiig lagu shubay kadib xaalad dhimasho ayeey kugu jirta? Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadha inay mari doonto waxyaalo nolosheeda ciriiri galinayo waxay u baahan doontaa in la caawiyo dhibka ay gali doonto dartiisa Ilaahay ha u yasiro

Riyada ninkayga oo xabbad ku dhacday

Riyada: Waxan ku riyoday ninkayga xabad kudhacday Waxay igu soo  nuqatay 2mar mar asagoo xabad  kudhacday  oo dhintay marna asagoo xabad kudhaawacmay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad la kulmi doonto arrimo kuu keenaya ciriiri waxaa laga yaabaa inay yihiin walwal iyo fikir badan marka Alle talasaaro oo digriga Alle ku dadaal adkaarta akhriso. Ilaahay sharteeda hakaa qabto

Waxaan ku riyooday eedadey oo dhimatay

Riyada: Waxaan ku riyooday eedadey oo dhimatay korkana usaaran yahay will yar Eedo waxaa ka muuqatay duruuf daran. Xaladeydana waxaan ahay xaaas caruur leh, riyadaan danbe walaashey ayaa iskaleh oo ku riyootay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in gabdhaaas ay ka bixi doonto dhibaatooyinka iyada haystay oo ah murugo iyo rafaad iyo walwal, marka riyada waa riyo cagsi ah inshaa Allaah waa dhib ay ka bixi doonto.

Gabar hadday ku riyooto walaasheeda oo dhimatay

Riyada: Walaalo walaashay oo iga yar baa habeen dhawayd ku riyootay aniga oo dhintay Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa inay kula soo gudboonaan doonaan arrimo aad ka murugi doontid oo aad u baahanayso walaalahaaga inay garabkaaga istaagaan.  Waxaa kaloo riyada ay xambaarsan tahay walaashaada inay ka badbaadi doonto arrimo dhib u keeni karay iyada, guud ahaan riyada ma aha riyo xun inshaa Allaah waa khayr.

Riyada dhimashada aabe oo nool oon xanuunsanayn

Browse through our premium features and pick your favorite plan  ‌ ‌ ‌  Riyada: scw qof baa wuxuu ku riooyaday aabe oo nool laakin riyada dhexdeeda wuu dhimanaa aabanaha waa qof caafimaad qabo aan xanuunsanayn riyadaas maxaa lagu fasiraa idinkoo mahadsan. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu aad u murgi doono, inay lasoo gudboonaan doonaan arrimo laga murgo, riyada toos uma tusinayso dhimashada aabe ee waxay tilmaamaysaa xaalka qofkaas uu gali doono, waliba hadduu si xoog ugu dhex murgo riyada gudaheeda. Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa qofkaas inuu noqon doono qof meel kali ku ah safar ama meel dadka uu jecel yahay ka fog, waayo aabaha wuxuu astaan u yahay tiirka qofka uu cuskanayo, marka meesha aabe uu ka baxo wuxuu dareemayaa qofka firaaqo iyo wehel la'aan. Marka geerida aabaha sidaas ayaa lagu fasiraa markuu xaalkaas ku sugan yahay.

Riyada geerida walaasha iyo xanuunka hooyo

Hurry - it's our best deal of the year!  ‌ ‌ ‌  Riyada: Asalamu caleykum shiiq ilahey hakubarakeyo qeyr fara badana allha kusiye ii fasir riyadan iga ohisay shiiq waxan kuriyoday walashey iney dhimatay walalaheyga kalana kama garaneyn tey tahay waxan aday tacsidii waxan ugu tagay gobtii tacsida hoyadey oo xanunsan korkedu gogo an yahay dhimirka ka xanunsaneysa nabro badan jirkeda ka so baxay dharka an ceshaneyn waxan u oyey si saa ida bartii an jogay ayan malkeygii ku xarashay si an ugu daweyo hurdadii waxan ka so kacay anigo aminsan oyinteyda iney dadku maqlayen murugeysan hoyadeyna wey cafimad qabtay markii iigu dan beysay Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa murugo kula soo gudoonaanayaan oo la xiriira mustaqbalka noloshaada, Ilaahay hakaa badbaadiyo wixii dhib ah.