Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Askariga

Riyada nin askari ah oo i baaraya waddada anoo socda

Riyada: Waxan ku riyoday ano askari ibadhayo oo u ad ibadhayo intu iga horyimi manan garanayn askariga  sheekh ifasi Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qof rag ah oo damac kaa leh, marka qofkaas wuxuu iska dhigayaa qof daacad ah leekin jirkaaga ayuu dan ka leeyahay,  iska ilaali raga aan fiicanayn. The dream describes a man who has a desire for you, when that person pretends to be an honest person he cares about your body, beware of men who are not good

Riyada anoo qori laygu qabanayo oo laygu dhegan yahay

Riyada: Asc mudo ayaa isugu ken danbeysay allaha kubarakeye iifasir riyadan waxan ku riyoday riyo nu cana ano lugeynayo kaligey san qiyasayana jogo dhul galo nin wajiga udubanyahay ayaa qoray dhabarka iga saray anon garaneyn woxow igu heysto waxan iri ano calacalaya alle ayaa igu og waxba mahaleyn iska keyda wuu ideyn diiday babuur mel utagna dadkale ey sarayen ayuu isray dadkan garanayey wan ujedaa uma qeylinkaro waan soconay mel lamiga jam kayahay ayan tagnay kadibna garigii wan iska turay qorigiina wuu igaso daba dhacay wan qabsaday waana xabadeyey isogo cararaya ayan kabad kudamiyey wana baa be en ana qoray ayan la ag istagay askarta iguma so lexanayan hadan uyero xate ninkalo somaliya oo uhubeysan ayaa iiyimid difac ayan wada galnay waxan layabay askarta an iweydineyn qabka wax udhecen ee i agmareysa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dood iyo dagaal iyo dhibaato aad la kulmayso, waxaa laga yaabaa inaad gasho fasar tahriib ah ama in aad aaddo meel aadan garanaynin,  Ilaahay ha...

Riyada gabar ilmo xambaarsan oo xabbad sigtay

 Riyada: Asc shiiq waxaa Ku riyoday xalay anigo Wil yar oo dhalay xanbaarsan wadada baabuur askara xoog Ku mareen wadada marka baabuurta askarta mid Ka mida golada Ka galay babuurta aso jooga arkay xabad weyn Ka soo baxday gees IGA martay. Fasirka: Riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa arrimo noloshaada halis u keeni kara, marka is ilaali

Riyada askarta oo ilmaha qabanayso

Riyada: Asc sheekh alle haku barakeyo gabadh aan sxp nahay aya tiri wiil kayaga ayaa ku riyoday asaga iyo walaalkiis oo dirska askarta xidhan oo basko ladana wata wax cabsi yana an qabin  wa will yaryar iso fasir sheekh alle haku xif tio🤲🤲 Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in ilmahaas ay toosi doonaan dhaqan ahaan waxbarashada ay ku xirmi doonaan riyada cabsi ma laha inkastoo loo malaynayo marka kor laga eego laakin waxaa laga fahmayaa inay edab yeaalan doonaan oo ay waxbarashada ku xirmi doonaan.

Waxaan ku riyoodey qof askari ah dilaayo qofkale askari ah

Riyada: Asc baxda reer daruur xalay waxaan ku riyoodey qof askari ah dilaayo qofkale askari ah wuuna dilay ugu dambeyntii anna meesha waan ka cararay arrintaan ayaan la yaabay w. Towfiiq. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad la kulmi doonto dood iyo dagaal oo kugu dhalinaya cabsi badan ee iska ilaali dadka qaar oo dhibka badan oo laga yaabo inay kuusoo jiidaan dhibaato.

Waxan ku riyoday anigoo dad la socdo qoryo an wadano

Riyada: Waxan ku riyoday anigoo dad la socdo qoryo an wadano waxan waardiyeyney xafadaha waxan ku so adnay suuq ragii ila socday wexey damcen iney suqa dhacan ana wan ka soo hor jestay wana ka qaday alabtii iyo wexey qadan raben Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil iyo dhibaato iyo mas'uuliyad, waliba dad adiga aad saaxiibo tihiin ay kugu riyadayaan, marka waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka qaarkii oo kuu keeni kara dhib. Dreaming describes a problem and a problem and a responsibility, and people who are your friends dream of you, when you are required to be careful of some people who can cause you problems.

Riyada nin askari ah oo xabbad lagu soo ridayo

Riyada: A S C, walal waxan ku riyooday anigo dad la fadhiya meel waddo laami ah gaadhi weyn taag'na ag'tisa marka anago fadhina ayu nin askari direys sitay o bajaaj saar'na isago nagu soo socdo ayu baas'kolad nagu soo riday lkn qof'na kumeysan dhicin kadib anigu wan ka tagay waxan tagay meel beera o cagaar ah dhinacisana wanan cad cad ay ku daaqayan ayaan ku arkay hadana kadib waxan tagay meel cilaaj ah o dadka mas'kaxda ka xanuunsan la galiyo lkn meshaa cilaaj irida anigo hortaagan wxn arkayay ninka cilaajka o dad xanuunsanaya galinayay e bal riyadan i fasira khayr ale hadin siiyo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil iyo dhibaato oo aad lugaha la gali doonto, waxayna noqon karaan dood iyo dagaal laakin sida riyada ka muuqata waad ka badbaadi doontaa marka ugu dambeyso, waxaa kaloo riyada ay xambaarsan tahay digniin, waxaa lagaaga digayaa inaad tagto meelaha dhibka kaaga imaan karo, waxayna u badan tahay meelaha ay ku kulmaan dadka laga yaabo inay is da...