Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Duulitaanka

Riyada anoo ku kor dagaya dad dagaal ku jiro

Riyada: A S C, wll waxaan ku riyooday xili wakh'ti habeen ah meel uu dagaal ka socday dadkii dagaalamayay anigo kor'kooda sidii shimbirta oo kale ka duulaya iyaguna i fiirinayaan bal riyadana i fasira mahad sanid  Fasirka: Riyada waa badbaado waxaad ka badbaadaysaa dadka cadowgaaga oo dhib inay kuu geystaan rabo waana guul degdeg ah

Riyada qof ku kor duulaya miyaxireenka Itoobiya lagu dhisayo

Fasirka: Asc wll waxaad ii fasirtaa waxaan kuriyooday anigoo socoda ayaan arkay qalab wax lagu eego oo sida waynaysada oo kale , kadib ayaan duulay anigoo daawanya kune daawanya qalabkii ayaan biya xidhka wayn ee itoobiya samaynaso kadib waxaan daawadaba xagii shishe markaan tagay ayaan dagay dhulka meesha dada badan ayaa joogay oo shaqadii haya ruux walba intuu I eego  unbuu shaqdiisa wataa xitaa askar ayaan joogtay boolis  oo ilaalinayaay  kadib waan toosay. Acw wll adigoo mahadsan waxaad ii fasartaa anigoo duulaya oo daawanaya biyaha xidhka waynaa ee itoobiya kune daawanya qalabaka waynaysada oo kale ah kadib waxaan gaadhay dhinicii kale  waxaane kula kulamay shaqaalihii meesha waxaan joogay boolis kormeere ayaan ahaa inshallah Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof wax walba uu rabay gaarayo waxaa kuu fududaan doono inaad dhoofto oo aad aaddo meesha aad rabto adoon wax ka baqaynin inshaa Allaah riyada waa khayr iyo wanaag.

Riyada dad cadow aan ka cararayo oo aan duulayo

 Riyada: Asc wr wb walaal, salaan bacdigeed. Waxaan rabaa inaa  riyadaan ii fasirto insha allah. Waxaa waaye riyadeyda habaryarteey oo yaraanka ayeeyadeey ah,oo ii dhibeysa sixun ii dhibeysa, cadawtinimada indhaheeda ii ga muuqdo laga naxaayo,  Horta hawaryar yaalkeey iyo Abti yaasheey Waxaan u dhimatay Shukran ay lahaayeen oo dhaxal u ahaa Waxaan a ugu dhigay 2 guri oo filo ah midkiiba 3 qol jiko musqul Nara do Duran iyo mid furan. Waxaan dhahay mid  daga midna ijaarka kaqaata waana 330$ oo korontada biyaha iyo cuntadii kadhigta. Lakiin waxaan dhahay hadii guri aad gadeysaan qarashkii iga galay ayaan u baahanahay macnaha guriga banaankiisa waxaa ku duugan ayeeyadeey waxaana isleeyahay qabriga ayeeyo badbaadi si aan looga Saran qabriga, waayo hadii lagado guriga waa in qabrigana meesha laga saraa taas aana i dhibeysa aniga. Aniga waalidkey waa wanaajiya ayagana wey i waxyeeleeyaan oo I dhibaan waana i neceb yihiin. 2 guri markan dhisay waxaan furaha u dhiibay  h...

Riyada gabar iyo sedexdeeda caruur oo sijaayad ku duulaya

Riyada: Asalamu alaikum walashay aya waxay kuriiyotay aniga iyo 3 caruur ah oo aan dhalay oo sijayaad kuduulayna markii ay ii yeedhaay ayay indhaha kalaqaday ? Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa adiga iyo caruurtaada inaad meel sare ka gaari doontaan nolosha aduunka xagga hantida iyo diintabada waa riyo bishaaro ah oo tilmaamaysa khayr badan.

Riyada anoo duulaya oo baqara akhrinaya oo xarig cad iga soo laalaada

Riyada: Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo habeen magaalada dusheeda duulduulaya Oo akhrinaya suuratul baqara Waxaana iga soo laalaaday xadhig dheer oo cad, oo dhulka usoo dhow Waxaa hoostayda joogay rag askara iyo nimankale oo yaaban waxay isyidhaahdeen xadhigii cadaa iga soo laaladay qabsada waysoo laaceen Ana kor ayaan uga duulay oo imaysoo gaadhin Iyagoo gacmaha kor usoo taagsyan sare u ga duulay Intan ku qoslay Allah mahadleh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isla  riyadii aan kuu fasiray waana sarrayn iyo awood inaad yeelan doonto. Halkan ayaad ka akhrisan kartaa riyadaas: Riyada qofka oo duulaya asoo suuratu albaqara akhrinaya  Waxaa raacsan riyadan dad inay jiraan oo kula tartamaya oo raba inay kaa sarreeyaan laakin aan ku gaari karin.

Waxaan ku riyooday anoo duulay oo buur fuulay

Riyada: Waxan ku riyooday anoo duulaya waxaan fuulay buur aad iyo aad u dheer magaaladiina iga hoosayso buuruhuna wada cagaar green yihiin yacnii dhulku wuu ahaa giriin Waxaan kabacdi u duulay xagaasi miyiga oo waxaan tagay meel beero lafalanayo ama beero la beeranayo Waanku farxay dadkaasi wax beeranayo Waxaan lahaa bari dhaw waxa dhici doonta in ay joogsadan cuntada dibadu Waxaana badbaadi doona inta wax beerata Sidaasi darteed Ana waxaan rabay meel aan beerto Waxaan tagay hadana meel camuud ama caro fara badan gawaadhi gurayso Halkaasi waxaa iigu yimid wiil aan walalo nahay iyo rag fara badan waxaan ku idhi waar hoy wax beerta Waan kaso dhaqaayay waxan arkay gaadhigaygii oo meesha yaala xagiisan usoo dhaqaay ragii waxay dhaheen gaadhi aduu uma baahnide iska duul waanan ku qoslay Waanan faraxsanaa waanan soo duulay Allah mahadleh. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa awood iyo guul, duulitaanka noocan ah waa wax fiican marka lagu riyoodo, teeda kale riyada waxaa laga fahmayaa...

Riyada qofka oo duulaya asoo suuratu albaqara akhrinaya

Riyada: Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin guud ahaan webka daruur Waxaan ku riyooday anoo habeen duulaya oo suuratul baqarana akhrinaya Oo aad cod macaan ugu akhrinaya Waxaan markaasi usoo dhawaaday anoo duulaya askar iyo Niman kaloo badan gacmahay kor usoo taageen si ay iisoo gaadhaan anigana kor ayaan usii duulay oo iyagoo yaaban oo isoo gaadhi waayay ayaan iska sii watay duulitaankaygii Allah mahadleh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa talo, waxaad noqon doontaa qof awood leh oo dadka ay ka dambayn doonaan, waxaa dhici karta inaad qabato jago weyn. Duulitaanka ayaana laga fahmayaa teeda kale akhriska suuratu albaqara waxaa laga fahmayaa inaad ka badbaadayso dadka sixirooleyaasha iyo dadka xunxun.  

Riyada mas cagaaran oo laga cararayo maxaa lagu fasiraa

Riyada: Asc wll waxaan kuriyooday ani islaan waa hore iigu danbaysay oo isla socona waxayna iiga sheekaysay waagan yaraa anoo meel jida marayna oon garanayo baa waxan ar a gnay mas cagaaran oo kubre ah aad u qurxan waxana ku dhahay maskaas oo kale waaban ku ciyaaray anoo yar waana runtaye waa baa ano yar mas cagaaran aan ku ciyaaaray waxna ima yeelin markii ilaahayba iga aymiyay Markaa kadib maskii waana daba galay aadbana uga cabsanayay waxana iska celinaynay oo wax baan ku tuurtuuraynay si uu nooga haro waan soo laabanay xaga xaafada markaa wali wuuba na  daba socday ani waan ka duulay oo islaantii waan ka dheereyay waxan wadad kusoo maray guri aan laha islàntaas baa lahaydoo wada kamartay oo wada dhexdeeda ku yaalaa markaa god baa ka dhex qodnaa waxaan dhahay yarabi arka godkaaa kurid oo anagana naga reeb umada muslimka aha uusa dhibinuu halkaas ku dhintaa markaa waxan lahaa masoo dhaafi karo halkaas buu ku dhimanayaa maskuanina waanba duulay markaa Xaladayda waxaan aad ii dhi...

Qofkii riyo ku arko asoo u duulaya sida shinbirta

Riyada: Sc maxaa lagu fasiraa qofkii arko asoo magaalada ku dul wareegaya asoo duulaya sida shinbirta oo kale guryaha korkooda iyo geedaha magaalada ku yaalla. Fasirka: Riyada duulitaanka marka ay tahay qaabka aad sheegaty oo ah qofka inuu ku dul wareegsanayo guryaha korkooda waa riyo fiican waxay tusinaysaa qofkaas inuu awood yeelanayo meelo badanna u safrayo. Waxaa laga yaabaa inuu noqdo qof madax ah ama masuul.

Riyada anoo duulaya oo saaxiibkay libaax daba socda

 Riyada: Asc waxaan ku riyooday aniga iyo saxiibkay oo wada socona ayaa waxaan mari kari waynay xidhi ama kayn jiq ah oo dhir qodax leh aad u leh kadib anigu waan duulay oo waan dulmaray saxiibkayna waan ka tagay. Cabaar kadib waxaan ku soo laabtay saxiibkay anigoo u dhawaaqaya waxaan arkay isagoo waddo socda oo libaax daba socdo waliba gool ah, waktigu waa fiid waxaan u sheegay libaaxa daba socda wuu arki waayay kadib waxaan ku shiday toosh aan watay iftiinkii aan ku shiday buu ku arkay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in Ilaahay kaa badbaadin doono dhib kaste ku soo maro, sidoo kale inaad yeelan doonto awood ama jago oo lagaaga dambeyn doono, duulitaanka wuxuu wataa astaan tilmaamaysa marka riyo lagu arko qofka inuu magac iyo sharaf yeelan doono. gool libaaxna hadda waxaa lagu fasiraa xaasid, laakin inshaa Allaah adiga waad ka badbaadaysaa dhibka xaasidkaas uu kuu keeni karo.  Sidoo kale qof saaxiibkaaga ama walaalkaaga ayaadna ku baroorujin doontaa wixii dhib u keeni kar...