Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Adeerka

Riyada abaahey iyo adeerkay iyo hooyadey oo mar hore dhintay

Riyada: Asc Waxaan Ku riyooday Aabahey io adeerkey io hooyadey oo marhore dhintay Oo idhahaayo Anteenada nagabadal hadii ey wax qarash eh ey rabaan aniga ayaa bixinaayo  ee dhaqsi nagabadal Adeer keey igu cel celinaayo Anteenada nagabadal Ee maxaa lagu micneey karaa Qer allaha kadhigo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimo aan fiicanayn inaad samaynayso oo aaabahaaga iyo hooyadaada adeerkaaga aan raalli ka noqon karin, waxaa lagaa reebayaa arrin xun oo la rabo inaad ka fogaato. The dream describes unpleasant things you are doing and your father and your uncle's mother cannot please, you are excluded from a bad thing that you want to avoid.

Riyada geerida adeerkayga iyo labo rakco aan tukanayo

Riyada: Asc waxad kalood noo fasirtaa , Quftayda ayaa kuriyoofayy rabadantan dhexdeeda  adeerkay aabahay ladhashay  aniga oo ah suldaanka reerkayaga ah ayaa naloo sheegay  geeridiisii  lkn uu noolyahay ,    Kadib  waxaan  tukaday laba rakcadood oo sunaha, Waxay tidhi geerida adeerkii oo looshaeagy ayuu hadane salada tukanaya ee miyuu kufaraxaan yahay dhimashada adeerkii ,intaas ayaay kuriyooday hadii alle idmo. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa jago weyn inaad helayso, waxaa laguu qiimaynayaa sida adreekaaga loo qiimaynayo si ka daran, reerkaaga adiga ayay kaa dambeyn doonaan, waxaad ka qaadanaysaa adreerkaaga darajada uu reerka ka joogo. This dream indicates a great position to get, you are being evaluated according to your uncle being evaluated more seriously, your family will be behind you, you will take your uncle's rank from the family.

Riyada mas madow oo candhuuf igu soo tufayo

Riyada: Asc waxan ahay qof dumar eh oo xaas eh waxan ku riyoodey iyado nala joogo adeer qaraabada eh oo dhintey wu jiifey caruurteyda aya warqad uqoraayo oo amaan eh kadib qolka uu jiifey albabkisa ayan ku dhajinay kadib adeerki wu so kacay marki an qolkale ugu galaayey waxa ku jirey odeygeyga oo idhahay sharobo an cabay wan ku hurdey sifican. Markan Kaso tagey waxan so aadey jikada albaabka markan maraayo aya kor waxan ka arkey mas madow oo madaxa so taagayo kadib candhuf ayu igu tufey waxey iga gaartey madaxa ilaa garabkab ilaa gacanta jikada ayan ku cararey waxa ku jirey laba qof oo dumar eh mid aya biyo igu shubtey oo iga dhahdey waxeyna idhahdey hadu madaxa kaga shubi lahaay wu ka go,i lahaay kadib wiilkeyga aya intu kor korey igu dhahay Hooyo maski waan dilay aniga naxsan hurdada Kaso boodey.  Aad aya umahadsantihin riyadaan hada awoodid iso fasira  Fasirka: Riyadan waa riyo sir weyn xambaarsan, waxay tilmaamaysaa inuu idin ku dhexjiro qof cadow daran ah, oo familka ama ...

Riyada adeer oo xanuusan guriga iigu yimid

Riyada: Asc wll khayr alaah ku siiyo  Waxaad ii fasirtaa  Hadii uu kuu yimaado riyada sheekh adeerkaa ah oo  soone galo gurigaga ayaan ku idhi adeer seed tahay oo guurmaad timid ,Waan jogay waane fiicanahay Marka xoogaa xanuun ayaa haya oo makici Karin , inshallah khayr alahaa kusiiyo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad danahaaga gaarayso laakin xoogaa waxaa lagaaga baahan yahay inaad dadaal dheeraad sii bixiso ha nasanin ilaa aad ka gaarto ujeedadaada. Way dhici kartaa dad gaar ah inaysan kula rabin inaad meel sare ka gaarto shaqadaada.