Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Uurka

Riyada anoo xaamila ah oo kici la'

Riyada: Asc sheikh waxan ku riyoday ano xamilo ah lugaha kakici la ixanuunayan ley dhahaayo sixir aad ku istaagtay aan cabaadayo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay jiraan dad aan fiicnayn oo dhib kugu samaynayo waliba waxaa laga yaabaa inay sixir kuu adeegsanayaan. The dream indicates that there are people who are not good enough to hurt you and they may be using magic against you.

Riyada wiil aad wada socotaan oo uur loo leeyahay

 Riyada: Wiil aan wada socono ayaa xalay iso wacay  wadanka Amerika  ayuu sharci la aan ku yahay carki qaxootiga ka dhahay wuxuu ii sheegay inuu car magaalo kale ka doonanaayo kadib  wan seexday riyadan ayaan argay riyada  saan ay ku bilaawane ano gabadha saxabtay u tagaayo  ayada oo telefon ku hadlayso oo leh uurba ku leeyahay halkii haben aan isku tagay  asigo og aso qaladka sameyey hadana marabo inu telka ku dhigo  Uurkana waa uur ween. Codkisa ka shakisan ayaan waydiina inay sawirkiisa i tusiyso marka ayuuba  noqda xabiibkeyga. Kadib ayuu dib u so wacaa aso nakala  ilaalinaayo inaan wada hadalno oo wax ii sheegto kadib waxay dhahee saxibataye ayan video ahaan ku bara ay dhahee saxibtana wa ani asigu waa diida way IgA raali galina maadama an maqlayey asina wuxuu canaana marabo why ii bare ileen marabo inaan xaladana ku Argo ayadana ma ogo inaan Ada socono wuxuu is xan xanaajina ayadana waxay leedahay why iigu ceeben gabdha ane waxaan ...

Riyada walaasha oo dhoolacadeynayso oo labisan

Riyada: Walashey oo marwo ah na wankuriyode ayado dolacadeyneyso  libis qurux badan wadato oo xijab aah markasa igudahde cur an leyahay oo gawar meshi na wasidi lashegayo markan dalo wabaxa. Fasirka: Riyada waa wax fiican farxad idin imaan doonto ayay tilmaamaysaa, uurkaas wuxuu noqon karaa uur dhab ama siyaado xagga maalka iyo hantida.

Haweeney hadday ku riyooto uur iyadoon uur lahayn

Riyada: Waxaan ahay xaas, markaa anigoon uur lahayn ban dhowr mar ku riyooday anoo uur leh, mataanana sida diif iyo xanuuna iga muuqdo. Fasirka: Inshaa Allaah waa bishaaro uur ayaad yeelanaysaa goor dhow, haweeneyda la qabo markay ku riyooto iyadoo uur leh riyadaas inta  badan uur dhab ah ayay noqonaysaa marka Ilaahay hakuu sahro khayrka.

Riyada dumar uur dartii hadiyad iigu keenaya

Riyada: waxaan ahay hooyo caruur hore uhaysatay hadana mudo bil iyo xoogaa laga joogo ninkii furay waxna uma dhalin asaga waxaan ku riyooday anigoo dumar ajaanib aan hore la shaqayn jiray hadiyado ii keenay sababta uur inaan leeyahay niyadana waxaan iska leeyahay uur iskuna ogide maxaa jira kaadidana ma sheegine markaa waxa la i tusayaa computerka caloosha sawirkisa oo la i leeyahay wakaa ilmiha sawirkiisa markaan is iri hada iyo ilmo waa dhibna naagbaa caloosheeda labo boonbale hadiyad ahaan iigu soo saartay oo tiri waa mataano ka bacdina nin isoo wacay baan kuleeyahay nin kaygiibaan ku noqday oo uurbaan leeyahay  intaas iifasir Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa in Ilaahay wax aad ku faraxdo ku siin doono ha noqdaan ilmo ama wax kale oo aad ku farxayso marka waa khayr iyo bishaaro, niyaddaada way kuu degaysaa waxaad helaysaa dad ku jecel oo garabkaaga taagan oo kaa warqabaya.

Riyada guri weyn iyo abuuridda geedo miro leh

Riyada: Asc wr wb walaal? Salaan kadib, waxaan ku riyooday aniga oo uur leh guri fillo aad u ween oo aad u qurux badan dhul ween oo banaan heesto dhulkaas oo ah dhul wax lagu beeri karo markaas ayaan waxaan ku abuuray ion ku tijaabiyey Hal miro isla malintii ku xigtay mirahii waaba soo baxay markaas ayaan dhulkii inta badan miro ku abuuray markaas uu mirihii isla markiiba dhalaa dhulkana waxaa uu ahaa dhul aad u nadiifsan oo hagaagsan  sidii in la hagaajiyey oo ladiyaariyey in wax lagu beero lakiin dadkii meesha joogay wax maku abuuran aniga markan bilaabay oo beertii abuuray ayey ayagana igu daysadeen lakiin meeshan miro ku abuura ba horey ayuu kasoo baxaa oo waqti dheer maqaadanaayo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa camaal suuban iyo barwaaqo inaad isku heli doonto, guriga weyn oo ku yaalla meesha bannaan waa khayr aan lasoo koobi karin miraha aad beerayso waa camal fiican oo ajir aad ka heli doonto, waa riyo aad u wanaagsan, waxaad usii dhowaanaysaa Ilaahay cibaado badan ayuu k...

Riyada gabar aan la guurasanin oo uur leh

Riyada: Asc  duurweb Alxamdulilah Alle aya mahada leh Waxaan Ku Riyooday saxibtay oo uur leeh waxaan Oo uu ninki qabayna ii leyahay wataas oo waa 9bilood waxaay daba ordaysa itaxano iyo shahado ee maxan siiya waxaan idhi waxaad siisa coloob iyo subag sii tasay cuniye saxiibtayna lamba guursan oo waa gashaanti Riyada ifasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas in dadaal culus ay ku jirto oo ay mari doonto dhibaatooyin la xiriira mustaqbalkeeda, rafaad kadib waxay la kulmi doontaa nolol farxad leh iyo khayr badan waliba waxay gaaraysaa waxyaalaha ay raadinayso inshaa Allaah.