Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Malaa'igta

Qof ku riyooday malaku Jibriil oo la hadlayo

Riyada: Wiil aan aabo u ahay oo arday  Quraanka xifdiya ah oo dadiisu tahay  11 jir ayaa ku riyooday  Sidan  Wuxudhahay waxan ku riyooday anigoo ka imi goobta quraanka ee malcaamadda oo kitaabkii quraanka ahaa Sita ayaa roob soo da ay waxan ka galay meel  Markii roobkii qaaday waan soo baxay iyadoo dhulka biyo badani marayaan  Waxa markaa iga hor yimi  Nin aad u dheer oo guryaa dabaqyada ah madixiisu aad uga dheeryahay oo aad u qurux badan  Ninkuu wuxu leeyahay baalal  Wuu I salaamay waan ka qaaday salaantii  Wuxu igu dhahay waxan ahay jibriil  Markaa wuu duulay xaga sare ayuuna ku libdhay  Fasirka: Riyadan waa riyo aad u qiima badan waana bishaaro cad waxay tilmaamaysaa wiilka aad sheegtay inuu gaari doono darajo aad u sarraysa xagga diinta wuxuuna noqon doonaa qof diinta islaamka faafinaya dadka oo dhanna ay ka dambeeyaan wuxuu noqonayaa wiil barakaysan  roobkaas soo da'ay waa barako ka imaanayso cirka aragtida malaku Ji...