Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Mataanaha

Dad ayaa ku riyoodo anoo mataano dhalaya

Riyada: salamu calaykum walalyal waan idin salaamay waxan rajaynayaa inaad caafimaad qabtaan Riyo ayaan wata dad aan qaraabo iyo asxaab nahay baa waxay iigu riyoonayaan ubad anoo dhalay mataano kali kali ila lix jeer baa la idhahay wankuugu riyooday dad kala duwan oo aan is aqoonin waqtina reer waan leeyahay walina waxba mayeelan iisoo fasira idinko mahadsan ducadana  igusoo kaba. Fasirka: Riyada waa khayr oo bishaaro ah haddii ay soo noqnoqotay sida aad sheegtay waxay u badan tahay inay si toos u furmi doonto oo aad dhali doonto ilmo mataano ah, haddii kalana guud ahaan waa ubad badan xataa kali kali haddii aad u dhasho, waa riyo bishaaro ah.

Walaashay waxay igu riyootay anigoo labo mataanood dhalay

Riyada: Walaashay waxay igu riyootay anigoo labo mataanood dhalay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa khayr badan iyo barwaaqo, haddii aad tahay qof uur leh inshaa Allaah si nabad ayaad ku dhali doontaa, guud ahaan riyada mataanaha waa riyo bishaaro khayr ah.