Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Malabka

Wiil ku riyooday asoo quraacday oo dadka malab siinaya

Riyada:  Wiil ayaa wuxuu ku riyooday     Subax ayuu meherad ka cunay quraac beera   wuxuuna sitay   laba qori oo xaaba   waxa ka buuxa malab    dadkii ila quraacanayay  ayaan sacabada ugu shushubay  anoo ka yara sareeya   markaan soconayana xawaara dheeraynaya ayaan ku socday buu dhahay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu heli doono habti badan  wuxuuna noqonayaa qof dadka martsoora oo dadka caawiya oo wax u tara waliba waa dadka qaraabada iyo deriska iyo macaariifta.  Wuxuuna noqon doonaa qof aad loo qiimeeyo oo sharaf iyo qiime leh.

Riyada qof aad isku dhacsan tihiin oo malab ku siinaayo

Riyada: acs sheekh waxan kuriyoday   qof an isku dhacsanahay  meel  beera   aan wada joogno waxa  kamid ah geedka  canabka  iyo geedka gobka    waxau isanayi  malab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heshiin doontaan oo uu si fiican kuula dhaqmi doono inshaa Allaah riyada waa bishaaro.

Riyada qofka oo malab saafi ka guranaya meel shini ka buuxdo

Riyada: acs walaal waxan kuriyoday  shinida    meel ay kabuuxdo  anigu na  malab safiya an kasoguranayo   waxan dhahaya wa malab qaliya   umacana waan cunay shinidu waxaba imayelin walaal ilahay hakubarakeyo  maxay noqonaysa. Fasirka: Walaal waa wax fiican waxaad helaysaa muraadkaaga waxayna u badan tahay arrintaas inay noqoto hanti iyo mustaqbal fiican oo si sahlan aad ku helayso, sidoo kale malabka saafiga wuxuu noqon karaa guur aad u fiican.

Qofkii ku riyoodo asoo malab guranaya

Riyada: Asalamu caleykum Waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo aan guursan [doob ah ] Waxaan ku riyooday anoo Malab guranaaya isla markiiba waxan arkay odey waayel ah oo mesha tagan. Malabkii ayaan rabay odeyga inaa siiyo meel aan ku rido ayaan waayay. Odeygu ilama hadlin. Malabka waxaad moodaa wax dhaldha laalaya oo ay ku jiraan bacqafiif ah Bacdii ayaa dilaacday isla markiiba waxaa noo imaaday odey kale oo gar weyn leh wuxuu lasoo cararay [loor/ jawaan/ ]. Asagoo leh meeshan kus hubo oo ka gaarsii . Malabkii ayaan ku riday anigoo kacabsi qawa inuu daato . Markaas kadib waxaan bilaabay inaa usheekeeyo odayaasha oo aan uga sheekeeyo goobta malabka anigoo dhahaya. Meeshaan waa dugsigii quraan ka kuso baranjiray wagii aan yaraa geedkan na waa kii aan hoostiisa quraanka ku aqrisan jirnay dugsiileyda shinidaan xiligaas ayey soo degtay meshan anigoo dhahaya. Riyadiina meesha ayey ku dhamatay. FG. Waana sax goobta aan ku riyoday dugsiga Sido kale waxaan xasuustaa in shini ay soo Fuushay geedka ...