Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Daanyeerka

Riyada daanyeerka gorilla oo guriga jooga

Riyada: Sheikhow aniga waxan kuriyoodey danyarka ween, ama gorilla sa u taqan,oo tagan oo qolka fadhiga, aniganah aan hoos dabaqa joogo oo an kadawanayo asagoo taagan daqadaa,  asaguumudid inuu qaylinayo anigaa aan daawanayo Fasirka: Waxaa kuu dhow qof aan fiicnayn oo khiyaano badan waliba dambiyada waaweyn aan ka fogaanin, waxaa laga yaabaa qofkaas inaad deris tihiin ama uu guriga yimaado, marka waxaa lagaa rabaa inaad taxdarkaaga qabto.

Riyada daanyeer oo inan aan dhalay madaxa ka gooynaya

Riyada: Asc walal waxan dhawr jeer igu  soo noq noqotey riyo daanyeero badan oo albaabo isku shiidaya ka ugu  danbeeya na danyeerada inanyar oo an wato madaxa ka goynaya Wax badan igu  soo noq noqtey riyadaasi walal ee ii fasir. Fasirka: Walaal waxaa lagaaga digayaa dad khiyaano badan oo tuugo ah oo xaasid ah, marka iska jir dadka qaar aad soo dhoweysanayso, riyada waxay tilmaamaysaa dad tuugo ah oo been badan inay ku khiyaanayaan waliba ka ilaalso caruurtaada.