Skip to main content

Posts

Showing posts with the label Riyada Canabka

Waxan ku riyooday aniga oo canab oo bislaaday guranaya

 Riyada: Waxan ku riyooday aniga oo canab oo bislaaday guranaya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto barwaaqo, canabka bislaaday oo la guranayo waa khayr badan iyo barwaaqo, waxaadna ku heli doontaa si degdeg.

Riyada qof aad isku dhacsan tihiin oo malab ku siinaayo

Riyada: acs sheekh waxan kuriyoday   qof an isku dhacsanahay  meel  beera   aan wada joogno waxa  kamid ah geedka  canabka  iyo geedka gobka    waxau isanayi  malab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heshiin doontaan oo uu si fiican kuula dhaqmi doono inshaa Allaah riyada waa bishaaro.

Riyada canab oo guriga daboolay oo la cunayo

Riyada: Asc wr wb walaal. Salaan ka dib walaal waxaan ku riyooday aniga oo guri joogo guriga wuxuu leeyahay deed ween oo furan. Guriga waxaa ka baxaayo canab, canabkii ayaaba gurigii dhan kor ka daboolay markaan kor fiiriyo ma arkaayo cirka oo geedkii canabka ayaa daboolay aniga canabkaas ayaan iska cunaayey canabka wuxuu ahaa midkaan 🍇  aad ayuuna u macaanaa oo waan iska goostaa oo cunaa ileen guriga dhan buu daboolay we geedka canabka. Fasirka: Walaal waa arsaaq fara badan iyo khayr badan Ilaahay ku siin doono waliba si dhib la'aan ayaad ku heli doontaa, qofkii ku riyoodo asoo canab cunaya Ilaahay wuxuu sahlayaa arrimhiisa oo dhan, gaar ahaan kuwa la xiriira nolosha.