Riyada: Asc walaal waan idin salaamay, waxaan idin weydiinayaa riyo aan dhawaan arkay , taas oo aheyd Shimbirka Gor-gorka ayaa isagoo duulayo wuxuu ku dul dagayaa bisad yar markaas ayuu la duulayaa oo hawada uu la galayaa markii uu damco inuu cuno isagoo hawada ku jiro ayaa Bisaddii waxay noqotay Mas weyn oo xoog leh kadib gor-gorkii waa cuni kari weynayaa maskii maadaama uu la dagaalamayo , sidaas ayuuna dhulka ugu soo celinayaa , maxay noqon kartaa riyadaaas illaahey ayaa xaqiiqada oge, waana mahadsantihiin. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa qof daalim ah oo awood leh oo masuul ama madax ah oo dulminayo dad masaakiin ah oo taag daran marka ugu dambayso isaga ayaa laga guulaysanayaa, waxay noqon kartaa riyo guud ah oo khuseysa umad, waxaa kaloo ay noqon kartaa riyo adiga kuu gaar ah hadduu jiro qof ku dulminayo oo awood leh in marka ugu dambayso laga adkaan doono. Waayo gorgorka wuxuu matalayaa qof awood leh oo madax ah bisadda uu qaadayna waxay matalaysaa qof daciif ah la dulminay...
Interpretation of dreams This website that provides free dream interpretation services