Skip to main content

Posts

Riyada ninka iyo xaaskiisa oo kala tagayo

Riyada:  Gabar waxay isheegtay inay ku riyootey aniga iyo xaajiga oo kala tagnay oo aan aniga nin kale guursadey Asgana xaas kale oo aan anigu caruur kale aan dhalay asgana wax danbe uusan dhalin Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa noloshiina in dad kale ay soo galayaan oo ay siku dayayaan inay gurigiina kala tuuraan, shardi ma aha inaad si toos u kala tagtaan laakin waxaa laga yaabaa dad cadow ah inay idinka dhex shaqayn doonaan, marka iska jira dadka cadowga ah oo xaasidiinta ah oo guryaha kala tuuro.

Riyada masas badan cadcad kugu soo socdo

Riyada: Waxan riyo ku arkey Anigoo masas badan igusoosodo an iska calinaayo  waasida cawesadi uwawen darbiga ayaaso dumey kadibna sidooka waxbaadan masas ayaakasoobaxay masas iyo caweso cadcad andilayo asago sidas uwawen Fasirka: Waa dad cadow oo dhib idin geeysan doono Ilaahay ha idinka badbaadiyo

Riyada nin gaal ah oo igasoo daba cararaya oo aan madaxa ka dhufanayo

Riyada:  Gabadh ayaa tidhi waxaan ku riyooday anoo ka cararaya nin gaala oo raba inuu igu sawiro   waxayaabaha gaaladu jidhkooda ku sawiraan   meel laamiya ayaan ka cararayay markaan marayay biriishka wuu ila dumay  biyihiii ayaan ku dhex dhacay meel aan ka baxana waan waayay   markaa waxaan qaatay budh ama bakoorad    madaxa ayaan kagag dhuftay   ninkii gaalka ahaa waanu duulay madixiiba . Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay dhib kala kulmi doonto meesha ay ku nooshahay walaiba dhibkaas wuxuu la xiriira diinta iyo akhlaaqda waxaa laga rabaa inay ka digtoonaato dhibkaas oo ay ku xirnaato diinteeda.

Riyada la kulanka niman masuulin Sare ah oo qaarkooda lacag i siinaya

Riyada: Habeenkaas aan Dayrka u dhisayaay masaajidka waxaa jirtay inaan utagay niman masuulin Sare ah sifiican ayaay ii Soo dhaweyen iina hanbalyeeyen laabtaan isgalinay kadib nin kamid ah masuulintii aan utagay waxaa uu isiiyaya lacag anaguu wada faraxsan inshallaah taasine ii fasir Fasirka: Labada riyo xiriir ayaa ka dhexeeyo waana is fasirayaan, waa riyo tilmaamayso farxad iyo guul inaad ka gaari doonto howsha aad ku jirto.

Riyada jiir cadcad oo guriga ku jiro

 Riyada: Wll xalay waaxa ku riyooday anoo qolkay jiifka nadiifinaya oo sariirta qaday markaa koobadiina doostooda waxan ku arkay jiir cad cad oo dhala badan haysta kaar yar yar qaar xooga koray oo hal nagi dhashay markaa gabadha ayar shaqalaha u wacay kalay ila laa dhahayway igu daahday markaa shama ayay hoosta ka agaleen markaa wan ku is istagay waana layay iyagoo wiiqwiiqle markaan ku istaago bac bay lahayeen way dhin dhinteen  Waxaan ahay xaas waana iska caajis nahay xoogaa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad xunxun inay guriga soo galayaan oo dhibaatooyin badan wata dadkaas waa dad dagar xambaarsan waana dumar xunxun oon akhlaaq lahayn, inshaa Allaah marka ugu dambeyso Ilaahay ayaa kaa badbaadin doono.

Riyada nin guri lacag iigu daadiyay

 Riyada: A S C, wll waxan ku riyooday qol guri dhaxdisa anigo kujira nin an garaneyn ayaa intu soo galo qolka lacag xidhxidhan oo farabadan ayu hortayda ku daadiyay oo dhulka kadib lacagti u daadiyay laba xidhmood intaan ka qatay ayaan iskaga tagay meshaas ee bal riyaadas ii fasira khayr alle ha idin siiye? Fasirka: Waxaad helaysaa wax aad ku faraxdo oo lama filaan ah waa khayr inshaa Allaah.

Riyada ayeeyo oo mar hore dhimatay iyo niman jin ah

Riyada:  Waxan rabaa riyadan iga yaa bisay inad iifasirto waxan kuriyoday ayeydey oo dhimatay marhore oosi wanagsan iila dhaqmeyso si waliged eysan iitusin naxariis korkeda ayey igu sexisay ereyo macan iyo madax salax ayey iisameysay wan oyey qabka wanagsan oy iila dhaqantay oyin fara badan markii danbe nin ayey uguyertay wato molo bahasha biraha lagu jarjaro san u arkayey jin ayuu ahaa waxey ku tiri diyari barka horee  isha ayaa qariqtin ley sameyey ishana waxbaa leyga shubay kadib halmar ayuu xalkii isbedelay waxaa sogalay nin midi dher wato eyana wato qamiis cad oo dhig leh wato wuxuu qabtay qof familka kamida calosha ayuu torey kageliyey ilaa kor ayuu ugu jiday ulan afarkale ayaa timid oo jina ulan la dhacnay waxba kama dhibayo quran ayan aqrinay sido kale Mid kalaa iigu xigtay iyadoo niman anan aqon bodyaha ey wax iga gelinayan intey qalen ayey leyihiin wuu ficnanaa  Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa arrimo ka dhexeeyo familkaaga oo la xiriiro arrimo waa hore dhaca...