Skip to main content

Posts

Riyada nin meel ku xiran oo lagsoo daaynayo

 Riyada: Acs wll waxan kuriyody will an xidhidh lahanjirnyi  oo meel ku xidhn oo waxa lalaha u walanyhy kadib wuxu ku xidhna Mel cidhiya   labarka ayu kabixi karai wayay  kadibna ana soisgay labaki markana lababki aya winaday wn kaso saray  u idaba socday isago walan ilhy hakubarakeyo wll isojawab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inuu niyadda kugu hayo oo adiga kaliya uu ku rabo marka haddii wax kaa reebaya jirin inaad is guursataan iska guurso badbaadi waa nin miskiinee

Waxaan ku riyooday ninkayga oo leh waan kuu soo socdaa

Riyada: Walaal Hada hurdo ka toosay malinki isku keen danbeysay ilaa hada quranba ii socdo Alx wan qaboobay Hada waxaan ku riyooday ninkayga oo leh waan kuu soo socdaa Aniguna waxaan bilaaway inaan guriga xagaajiyo maxay tahay ?😭 Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa in Alle ku xifdin doono oo aad heli doonto kalsooni oo aadan ka baqi doonin ninkaas sidoo kale shakiga inuu kaa bixi doono, si kaste ha ahaatee ku dadaal quraanka inshaa Allaah Ilaahay baa kaa badbaadin doono wixii dhib kugu sameyn rabo ama dhib la damacsan gabadhaada.

Riyada dhul la qeybinayo lay diidayo oo aan Alle baryayo

Riyada: takalena wa waxa aan magan ku tagay meel dhul lagu qaybinaayo markaa ayaan gabadhii dhulka qaybinaysay ayaan ku idhi wll kiraan kujiraye dhul isii marka ayay igu jawbtay mada caruur leh haa sokaxayso qof kuu dhaarta kadib qofbaan kaxaystay wuu ii dhaartay kadib way nodiiday inay dhul nasiiso markaa ayaan ku idhi inyar isug kadib inta aan qiblada ujeed saday ayaan ku dhawaqay rabiyoow waan qaldanaa markaan bila adam wax waydisanayo kadib waan ooyay waan ilmeyay gacmaha ayaan kor utagay rabigay ayaan u dhawaqay tana iso fasir riyaan ku arkee. Fasirka: Riyada waxay kaaga digaysaa inaad ka leexato baryada Alle wax kaste aad u baahan tahay Alle weyddiiso wuu ku siin doonaa, waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof Alle ka baqayo oo cibaadada Alle hayo.

Qofkii ku riyoodo asoo Alle la joogo oo baryaya

Riyada: asc wll waxa aan ku riyoday bilawgii rabadaanta suxuurta inyar kahor anoo rabi lajooga oo kuleh aloow adaa awoodaa iskaleh dadka hal ilbidhiqsi wax kayar ku sonoleyay oo aan ilahy lajoogo oon wayni aan alaah waynaynaayo aan la oo yaayo oon leyahy aloow adaa awood leh oo wayn oo qaniya wayni aan rabi waynaynaayo ayaan la oyaayay i fasir riyda rabi anoo lajoga wa wax lagu farxee. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa khayr badan iyo bishaaro wanaagsan sidoo kale in Alle naxariistiisa aad heli doonto oo aadna u dhowaan doonto waa riyo aad u fiican, ku toosnoow wanaagga aad ku sugan tahay iyo cibaadada aad ku jirto.

Riyada wiil ay ag taallo warqad magaca hooyo iyo aabe ku qoran

 Riyada: asc  wll  waxan ku riyoday  wil an xidhidh  lenahay o fadhiya  xafis Ana  wn ugala kadbna waxan arkay warqad waxa ku qorna hoyo iyo abao. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inuu ku daneenayo waliba waxay u badan tahay inuu guur kaa rabo illeen ninka marka uu guursan rabo gabar wuxuu ku dadaalaa inuu barto magaca waalidkeeda marka ugu horrayso.

Riyada qof agtayda ku tasbiixsanaya

 Riyada: acs sheekh waxan kuriyodiy   qof aan    iskudhacsanahy oo agtayda ku tasbixsanaya    oo aniga isoegaya    oo igu ducisanaya ilhy hakubarakeyo maxay noqonisa. Fasirka: Riyada waxay tusinaysaa in Alle kuu xallin doono wixii kugu adag xagga noloshaada tasbiixda waa khayr iyo barako sidoo kale ducada uu kuu duceynayo qofkaas.

Riyada bisad madow oo ila hadlayso oo isoo weerari rabto

Riyada: Walala waxan ahay xaas mardhaw guursatay waxan ku royooday bisad madow  kow waxaan u maleyey inay ooman tahay waxan is iri biyo sii laakim way xanaaqday marka biyaha siyey kadibna way i caaysay sida Qof cadiya inuu inuu ila hadlaayo waxay igu tiri ma waalan tahay inaad qurux badan tahay mad is mooda waxayna isku dayeysay inay wajikeyga so gaarto ay iska garaafayso lakin kama ogolan   Ilaa aan kala tuuray Fasirka: Walaal ma jecli inaan niyadda kaa jabiyo laakin riyada waxay tilmaamaysaa nin xun oo khiyaano badan iyo noloshaada guurka inaysan noqon doonin sida aad rabto, sidoo kale ninka wuxuu noqon doonaa qof dumar kale niyadda ku hayo oo adiga aan daacad kuu ahayn, waxaa kaloo riyada ay tilmaamaysaa dad xaasidiin ah inay kuu dhow yihiin oo aan kula jeclayn wanaag iyo khayr, waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka xunxun Ilaahay hakaa badbaadiyo.