Skip to main content

Posts

Riyada kursiga boqortooyada iyo biyaha zamzamka

Riyada: Riyada labad  waxay tahy  qof an aqano  oo amirad iga dhigay  oo kursiga boqortoyada igu fadhisay   anigu man ogin inan amirad ahay    marka qof udhawacmay lkn isaga odhawacan ayu ikeniy biyaha samsamka wll ilhy hakubarakeyo  maxay noqonisa. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa qiimaha aad ka yeelan doonto meesha aad ku nooshahay iyo siday dadka kuu texgalin doonaan, haddii aad gabar tahay nin darajo sare taagan ayaad nolol la wadaagi doontaa, haddii aad xaas tahayna mustaqbalka guurkaaga wuxuu noqon doonaa mid aad iyo aad u sarreeyo.

Riyada wiil xiriir aan leenahay oo hadiyad iisoo diraya

Riyada: Acs wll ilhy hakuxafido waxan kuriyody will an xidhidh lenahay  oo mobilka  dhaxdisa hadiyad igu sodiraya  waxau isodiriy  faras  cad iyo dhar aad u qurxbadan  iyo waxayabo badan o quruxsan. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto wax aad ku farxi doonto waxaa dhici karto inuu yahay wax la xiriira msutaqbalkaaga nolosha guurka.

Gabar ku riyootay iyadoo 3 jeer koob bakeeri jabinaysa

 Riyada: Asc wallkay waxa riya ku arkay anigo 3 jeer koob bakeeri jabinaya iafasir adigo rali ah xili subaxnimada 10.00 ahed riyada ku riyonayay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaaysaa inay kula soo gudboonaanayaan arrimo murugo xambaarsan sidoo kale niyadjab aad u daran inaad la kumi doonto, riyada jabinta koobka ama bakeeriga waxay tilmaamaysaa arrintaas. Marka ku dadaal xuska Alle iyo ducada iyo quraan akhriska si Ilaahay kaaga badbaadiyo wixii dhib ah.

Gabar ku riyootay wiil ay xiriir leeyihiin oo waalan

Riyada:  Acs wll  waxan raba riyo inan ba isodhibatay    waxay kuriyotay wiil  ay xidhidh leyahin   oo waalan   isaga walakiiba waxau kudhahy adiga ayaa waalay wiilka ee haay waxay dhahay waan yabanaa     waxau soo kaxaystay diyaarad waxau rabay inu saro diyarada yaduna way yabanayd  wll wad mahadsantahy  riyoyinkan kusowyidiyi ee iga sojawabtiy ilhy khir hakusiyo akhira iyo aduunba  ilhy hakubarakeyo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa wiilkaas inuu aad u jecel yahay gabadhaas oo uusan ka maarmin haddii ay guur diyaar u yihiin dhaqsi ha isu guursadaan.

Riyada labo television is ag yaalla

Riyada: Waxa ku riyooday television guriga noo yaala mid kale cusub Aya arkaya labadooda is akyaala micnaha laba television Aya arkay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay kusoo gaarayaan warar kaa farxiyo oo aad ke heli doontid waliba waxay kaaga imaanayaan meelo kala duwan

Riyada dad gurigayga soo furayo anna aan qaylinayo

Riyada: Waxan ku riyooday laba jeer oo waqti u dhaxeyso gurigayga oo qof soo furanaayo mida koowaad waxaa soo furtay wiil dhalinyaro ah markaan arkey wan qeyliye wuu cararey  Mida labaad waxaa soo furtay gabar buuran oo ku socoto gaariga curyaanka markaan arkey ayan ku qeyliye oo aan albabka xoog u xirey way igu soo riixday si xoog ah Waxan ku iri caruurta aabihiin u yeera ka dib way ka tagtay walal ii fasir riyadaan ilahey kheer badan ha ku siiyo Aamiin jazakallah kheyran. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in war aadan ka helin kusoo gaari doono, waxaa laga yaabaa warkaas inaad ka xanaaqdo oo uu ku dhibo, waxaa laga yaabaa inuu kaasoo gaaro dad xiriirkuuna aan fiicnayn ama dad raba inay gurigaaga buuq ku abuuraan.

Riyada sedex mas oo waaweyn oo aan ka cararayo

 Riyada: Waxan riyo ku arkey mas jaala ah oo waweyn 3sadax xabo melkas an u cararo wo iiga sobaxayey waxaa garabkeyga joogey sadax nin wajigoda ma arkin waxakalo ilajoogtey hawaryarteyda bas idan car key wajigeeda Melbiyo ax ayo iga soobaxayey. Fasirka: Waxaa lagu fasiraa riyadan cadow waa dad cadow ah waayo maska wuxuu astaan u yahay marka riyo lagu arko cadow. Waxaa laga yaabaa sadaxdaas nin inay yihiin dadka cadow ah  guud ahaan riyada waa digiin. It is interpreted as this dream that enemies are enemies because the mask is a symbol when an enemy is seen in a dream. Maybe those three men being the enemy people in general the dream is a warning.