Skip to main content

Posts

Riyada tixriga gacmaha iyo lugaha kasoo baxayo

Riyada: A S C, Walaaleyal xaaskayga waxay ku riyootay iyado gacmaheega iyo lugaheega dir'xi fara badan kasoo baxayaan markay iska tirtirto hadana dirxigu wuu kasoo baxayay ee bal inoo fasira mahadsanid? Fasirka: Walaal riyada riyo xun ma aha, riyadan waxay tilmaamaysaa xaaskaaga inay ka bixi doonto dhib ay gudaha ka dareemaysay, walwal iyo qalqal iyada hayay ayay ka raysan doontaa, waxaa kaloo riyada ay tusinaysaa in gacanteeda xoolo aduun soo gali doonaan, tixriga gacmaha kasoo baxayo waa hanti badan oo si sahlan lagu helayo, dhaxal ama hanti kale oo iyada ay heli doonto ayay riyada tilmaamaysaa. Waxaa kaloo riyada la socda inay mashaakil la kulmayso dood ama dagaal taasna waxaa laga fahmayaa tixriga lugaha kasoo baxayo.

Fasirka riyada injir badan oo dhulka socota

Riyada: Asc  wllo waan  ii diin  salammaay  dhamaan  dadiyahaa  fasirka  riyada            waxaan  ahaay  gabadh  carmal  ah  waxaan  ku  riyoodey  anigo  jifa  gogosheyddii  ayaan  arkey  injir socota  dhulka  oo waxan  is i dhi diil  oo waay  soo badatey  oo wan yabaay  oo wan eegay  injir tu  way waweneed   qarnaa   waxaay  ahayeen  qaar  dhaxe  iyo  qin dhiciil  badaan oo  cad oo aad u cad  ii meey gelin aniga  see dhulka  a yey maraysey qolka aan jifey   dabadeed   is  idhi  talo  faraheey  kabaxdee   doono wax aad ku disho  oo so qatey  bac iyo letaar  aan ku dhalaliyo   marka ayan  tosey   imacne  wllo adigo  mahad san. Fasirka: Injirta inta...

Riyada guri weyn aan degayo oo bisad sariirta hooteeda ku dhashay

Riyada: Asc bahda daruuro wll waxan ku  riyooday xili barqadii ilaa3 sac subax nimo seexday waxaan ku riyooday anoo guri quruxbadan qasriya dagay dabaq suga ah daykiisa riinjikala nooc noca marsan yahay oo korna siliga guryaha kuxiran yahay dagnay hortiisa waxaa ku taala meel gawarida lagu sameeyo  wada gaari ah oo rag badan joogaan waxaana dhinaca meesha garaashka mara luuq dhuuban oo school ay qurbajoog ledahay kuyaalaa oo isna quri dabaq suga ah markaa ani  Guriga markaan dagayay waxan haystay cunug ayar ani guri ga markii lay goglayban anicug aanlaha dhay galay iyo midka an hada ahaystoo waynayday iyo gabar iishaqaysa waxaa ilajoogtay walaashay qolka jiif waxuu ahaa waasac markaan cunuga seexiyay ayaan is iri bal guri  fiiri luuqii ayaan maray ruuxbaa igu yiri luuqa duhurarkay caruurtu baxan waalaxiraa si duugada usooarin markaan guriga kabaxay waxan gacanta ku watay sacab cusba aha waana so labatay anoo guriga kayaban quruxdiisa waxan lahaa xiliga kulaylaha korb...

Riyada gabar lagu leeyahay lacagtan kusoo xaji

  Riyada : Asc wlalah daruro gabar reer leh  ayaa ku tiyootay sidan 2 jeer Waxaa lagu yiri sidan  Naa orod waxaad hayso waa laguu dhaamaaye xaj ilaahay  aad Marka 2 Waxaa lagu yiri orad xajkaa aad waxayna tiri lacag ma haysto  Markaa waxaa loo tiriyay lacag caagar waa taase ku aad ba lagu yiri. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa gabadhan inay cibaadada Alle ka gaabinayso riyada waa baraarujin lagu baraarujinayo inay cibaadada ku dadaasho, waa qof Ilaahay khayr siiyay runtii waa naxariis Alle qofka in lagu booriyo inuu xajka aado, marka waxaa laga rabaa inay badiso daacada Alle. Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa in Alle uu u fududeyn doono xajka inay aaddo, marka riyada waa khayr iyo bishaaro.

Gabar mar kaste ku riyoota cirkoo wada bil ah

Riyada: Asc wllaha daruuro wll gabar walashay ah ayaa ku riyoota ilaa yaraanteedii ilaa hada cirkoo wada bil kabilatay  Fasirka: Riyada cirka oo wada bil ah waa riyo tilmaamayso nolol farxad leh iyo khayr badan. Marka riyada waa riyo fiican oo bishaaro iyo wanaag xambaarsan. Inshaa Allaah walaashaada waxay noqonaysaa gabar mar kaste ku dhex jirto farxad iyo xasillooni. Fiiro gaar: Fadlan hadda kaddib riyada faahfaahin dheeraad ah kasoo bixi marka aad soo dirayso

Riyada anoo dhoofay oo diyaarad raacay

Riyada: Asc wllaha daruuro wlashey ah waxanku riyooday sidan? Anoo dhoofay oo diyaarad raacay waxaana ila socday nin aad u qurux badan markaan meeshaan usoconay gaarnay diyaaradii way dagtay waxayna isu badashay bur ciid ah marka ninkii waxuu yiri dago waxan dhahay xageen ka baxaa waxuu yiri meeshaas kugu aadan feedh ku dhufo markan ku dhufattayna daaqad baaa iska banaysay waana ka baxay markaa kabahaygii baan ku ilowbay waxuuna igu dhahay iska daa kaba waalagu siine markaa sadex gabdhood oo daash jiifa aragnay waxay iilasoo ordeen 2 beer oo kaba ah micad iyo mid madow wayna qaatay mikii cada waan xirtay kii kala gacantaan ku qaatay waxaana qaadnay wado markan cabar soconay geed wada qudaaran oo cagaran bàn u nimaad nay xagaas ku dhamaatay. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo rafaad aad mari doonto marka ugu dambaysa waad ka badbaadi doontaa, rafaadkaasna waxaa sabab u ah nin xiriir aad la yeelan doonto, haddii aad tahay gabar wali aan la guursanin ama naag garoob ah. ...

Riyada dhimashada aabe oo nool oon xanuunsanayn

Browse through our premium features and pick your favorite plan  ‌ ‌ ‌  Riyada: scw qof baa wuxuu ku riooyaday aabe oo nool laakin riyada dhexdeeda wuu dhimanaa aabanaha waa qof caafimaad qabo aan xanuunsanayn riyadaas maxaa lagu fasiraa idinkoo mahadsan. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu aad u murgi doono, inay lasoo gudboonaan doonaan arrimo laga murgo, riyada toos uma tusinayso dhimashada aabe ee waxay tilmaamaysaa xaalka qofkaas uu gali doono, waliba hadduu si xoog ugu dhex murgo riyada gudaheeda. Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa qofkaas inuu noqon doono qof meel kali ku ah safar ama meel dadka uu jecel yahay ka fog, waayo aabaha wuxuu astaan u yahay tiirka qofka uu cuskanayo, marka meesha aabe uu ka baxo wuxuu dareemayaa qofka firaaqo iyo wehel la'aan. Marka geerida aabaha sidaas ayaa lagu fasiraa markuu xaalkaas ku sugan yahay.