Skip to main content

Posts

Showing posts from September, 2023

Riyada walaasha oo dhoolacadeynayso oo labisan

Riyada: Walashey oo marwo ah na wankuriyode ayado dolacadeyneyso  libis qurux badan wadato oo xijab aah markasa igudahde cur an leyahay oo gawar meshi na wasidi lashegayo markan dalo wabaxa. Fasirka: Riyada waa wax fiican farxad idin imaan doonto ayay tilmaamaysaa, uurkaas wuxuu noqon karaa uur dhab ama siyaado xagga maalka iyo hantida.

Riyada lacagta la helayso maxay tahay

Riyada: Last night waxan kuriyode anigo lacag fara badan hasto Mel suk na wanjoge surwal dera qurux badan oo jala wankahele lacag dolar oo qartas na balance walisoceliye suk kala usocde lacag  kun kun oo dulka yasho habad habad ayan u arursade Talabada siqadoba kun kala an hela marka nin an garaneyn aya idabo socdo lacagta an kohorqate ayu rawa Inuigaqato wanaka cararey. Fasirka: Riyada waa bishaaro fursad ayaad heli doontaa oo fiican oo la xiriirta mustaqbalkaaga waana hanti gacantaada si sahlan kusoo gali doonto waxaa laga yaabaa qof inuu damco waxa aad helayso inuu wax ka qaato, lacagtaasna waxay kaa soo galaysaa nin xaggiisa. Halkan ka daawo riyada lacag oo faahfaahsan

Qofkii ku riyoodo sacad cusub asoo xidhay

Riyada: Asc waxaad ii fasirtaa iyadoo sacada cusub oo cad oo ah kuwa qalbiga ah oo xidhay  kune fiirinaayo iftiin  inshallah Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa guusha inay kuusoo dhow dahay inshaa Allaah waa riyo fiican, waa hormar aad gaari doonto.

Riyada ilig ka jabayso ilmo yar

Riyada: sc waxan ahay gabar xaas ah waxan ku riyooday subax aan hurdayay wiilkayga igu yar o ilig labada foolka hore ah mid dhinac ka jabay o an leeyahay ya ka jabshay sheq iga so jawab jizakallahu qeyr waliba subaxaas school baan u diray dadoosana wa 10 sano iyo 10 bilood Fasirka: Riyada waxay kaaga digaysaa arrimo dhici doono waliba dhib kaa soo gaari doono marka ka ilaali ilmaaga meelaha qaar adigana iska jir meelaha dhibka kaaga imaan karo.

Riyada galmada nin naag uu furay iyo nin qubeysanayo

Riyada: Wxn Ku riyoday ilmaheyga aabahod I galmonayo iyo nin hal lug u dhuban o musqul galayo Ku qubeysanayo kadib ani wa so baxay wxn arkay askar lcg iyo Tel Ka an wa Tay aan u turay Wil agteyda tagna carada Ku dugay wilki wo watay dhunta xoga Ka qalay Kadi ani horay u siisocday wxn u galay niman Bes Mel e Ku cuntenayan wa Ka si gudbay wado dher iska socday kaligey Fasirka: riyada waxay tilmaamaysaa in rag badan dan kaa leh oo ku rabo, ninka ku furayna wali inuu niyadda ugu hayo waxaa laga yabaa in adiga aad soo xusuusanayso wixii idin dhex maray sidoo kale riyada waxaa laga fahmayaa in aad fikirsan tahay oo buuq kugu furan yahay.

Riyada canbuurka midan binkiga leh oo lasoo iibsanayo

Riyada: Fasirka riyadaa canbuur bink ah oo xoogaa dheer ku riyoodey anoo suuqa ka gadanyo laymana qabo Fasirka Riyada waxay tilmaamaysaa inaad u baahan tahay xiriir guur ama uu jiro nin ku rabo inshaa Allaah waa khayr

Riyada mas oo jiiljiil dafayo oo lagasoo dhicinayo

Riyada: Asc walaha daruuro waxaan ku riyooday guri anoo jooga gurig waxaa  joogto digaag dhalo fara badan aad u badan haysata oo jijii hada dilcay ah markaa guriga dhexdiisa waxaa kasoo baxay dodyar oo kan maska mas madow oo dhal ah markaa  labo jiijidii yaryar buu isla qaatay jiijii waxaan kwada digaagta dhasheeda markaa wiiqwiiqdooda maqlay wan ku soo orday waana kadhigay iyagoo nabbad qaba waana dilay godka isagoo raba in uu lagalo markaa asn kadhigsy anoo dilaya maqlay dad niman ah oo hadlay oo dhahay soo madhalo kii kalaayiri haa lkn waa lalaynayaa intii dhalatabaa aad baa lojaraa midna kama hadhayo markaa waxaan u fahmay maska dhashiisa maska waxaan islahaa godkuu ku jiraa godkuna gurii an markaa joogay oo aqal somali u ekaabuu ku dhexyalay digaagtiina dhalaheedii waan u bad badiyay Fasirka: Waa cadow iski dayaya inuu guriga wax ka qaato ama dad dhib ugu geysto waliba ilmo yar marka iska jira waxaana laga fahmayaa riyada in cadowgaas sal ku leeyahay meelo din dhow.

Riyooyin cajiib ah oo gabar si toos loo tusay oo sixir ku saabsan

 Riyada: Asc, shiiq waxaan rabaa inaa ii fasirto riyooyin aan arkay, adigana sidaa noogu faa'iiderso cilmigaaga iyo juhdigaaga Allah kaa abaal mariyo. 1.Riyada Koowaad: Waxaan ku riyooday gabar leyla qabo ayadoo i hortaagan indhaheeda korkeeda meesha sajuuda ah waxaa kasoo baxaayo cunug qurux badan oo garguuranaayo wuu ku noqonaa wuu kasoo baxaa hadana wuu ku noqnoqonaa meesha, anigana xaaladaas uur ayaan lahaay bil kadibna waxaan dhalay cunug meed ah. 2. Waan joogay mudo kadib hadana waxaan ku riyooday anoo biyo ku dhex socdo ilmana i daba yaacayaan jidka dhinaciisa kalena waxaa fadhiso duq waayeel ah oo kanaxeesid see utaalo oo dhariyaal burkajooyin dabka usaaranyihiin oo wax u karkaraayaan waxaan aktaagan duqdaas naagta liila qabay, duqdi ayaa dhariga wax kasoobixise waxee  siisay naagti liila qabay wee cabtay wax duuduubana gacanta ayaa loogu dhiibay boorsada ayeena gashatay, riyadaas markaan arkaaye uur ayaan lahaay 2 isbuuc kadib cunug kale oo meed ah ayaan dhalay mar ka...

Riyada qoraxda oo ka soo baxayso meeshay u dhacdo

Fasirka: Wll waxanku riyoday qoraxda o xagay u dhacday kaso baxday aniguna an dadku leyahay ingo soconayna naftu haynga baxde iska ashahata aniguna ashada ayaan ku cel celinayay  balse dadku may argagixiin ee qof walba shaqdisa ayuu iska watay Wll riyada iso fasir Fasirka: Riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa dambiga waxaa lagaa rabaa mar walba inaad ku taagnaato diinta Alle, waxaa riyada laga fahmayaa adiga inaad tahay qof fiican oo diinta jecel dadka aad la joogtana ay yihiin dad diinta ka fog,

Riyada eeyga guudan oo gaari kula soo fuulayo

Riyada: Asc walal waxaan riyo ku arkay aniga oo baabur saaran  oo eey gaduud ii soofolay gariga anigana waan buriyey  Eeya kabacdina wuu cararay. Fasirka: riyada waxay tilmaamaysaa inaad iska fogeyn doonto qof halis ah oo aan wanaag kula rabin waliba cadow liito ah.

Riyada gabar joogta suuq dhar lagu iibiyo

Riyada: Riyadaan ii fasir anoo jooga suuqa waliba meel lagu iibinayo dharka nimanka Fasirka: Waa isbadal xagga noloshaada waxaa laga yaabaa in aad hesho arrimo aad ku faraxdo waliba nin ayay xiriiri la leeyihiin inshaa Allaah.

Gabar ku riyootay iyadoo sinaysanayso

Riyada: Asc sheq ugu horey wankusalaamay waxaan rabaa riyo inaad iifasirto waxayne udhacaysaa sidaana Waxankuriyooday anigoo zinaysanaya waliba qofka aan kazinaysanayan waa qof aan sifiican iskunaqaano oo aan saaxiipo nahay  marka riyadaas inaad iifasirto rabaa sheq  جزاكم الله خير الجزاء Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad guursan doonto waxaa laga fahmayaa inaad tahay qof guur u baahan oo dareenkeeda xoog leeyahay, marka Ilaahay sharta hakaa ilaaliyo, guur xalaal ah hakuu sahlo.

Riyada masaska iyo dibqalooca iyo yaxaaska oo weerar soo qaadayo

Rayida: Asc sheq ugu horey wankusalaamay salaankadib waxaan rabaa riyo inaad iifasirto waxane udhaceysaa sidaan Waxaankuriyooday anigoo masaas waaweyn iyo aweesooyin iyo yaxaas iyo dabaqalooc ama haraan  intaba isooweeraraayo waxaabakasiidaran maska aweesada ah oo jirkayga oodhan ayuu kusocsoconaayaa mar afka ayuu igagalaa xubinta taranka sidookale markaas ayaan leeyahay aniga xayawaan seen uguursadaa maguursan inaan kabaxsadobhadaan iskudayo makabaxsankari dhican midg janada ayaa igahoreysa janada albaabkeedane waxaataagan hooyadey dhinaca bidixne waxaa hadaan iskudayo inaan ugubaxsadane naarta ayaa igahoreysa marka xitaa wanaax iskudaynaa kor kor inaan ugu baxsado makabazsankaro oo yaxaaska yaa igahorey hoosne sidookale dabaqaloocii ayaaba igahoreeya dhexda ayaan taaganahay meelaan ubaxsadonma aqaan marka aniga dhan maskaasaa ileh oo sidii waxaadmoodaa inuu ilajoogo ninkayga oo meelkasto ayuu iiga socsoconaa marka riyadaas iganaxsatay ilaa iyo maanta aan ulnaxsanahay inaad iifasi...

Riyada naag nuujinayso ilmo aysan dhalin

 Riyada: Islan suqley ayaa cunug yar oo wil ah dibate cunigi ba oyayo markasa naskeyga siye cana sifican uderge markidambi hoyadisa ban ugeye. Fasir please Xaas ilmo yar oo Hal sano wanujinaya Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa culeys inaad dusha iska saari doonto in wax aad masuul ka noqon doonto waxaa laga yaabaa in arrin laguu dhiibto oo aad ka walwalayso inay wax kaa gaaraan, guud ahaan riyada fikir ayay tilmaamaysaa iyo masuuliyad

Riyada sedex mas oo la qabanayo

Riyada: Asc sheq ugu horeyn wankusalaamay bacdusalaan sheq waxaan rabaa riyo inaad ii fasirto  xalay ayaa riyooday waxaana kuriyooday 3,ma's anigoo mar kacabsanaayo Marne aan kabaqayn oo aan wado gacmahakuhaayo oo aan xarig kuxiraayo 2 ma's markaan kuxiray xaraga  anigoo xogoo kacabsanaayo mid 3aad ayaa iidhimnaa inaan xiro rabay lkn zaaid ugu baqay waan xiri waayay markiidanbe iskudayay 3doodaba inaan guriga kasaaro 2 ayaa baxday midne waan kasaariwaayay naftayda ayuuba halis kunoqday Marka waxaan rabaa inaan iifasirto riyadaas جزاكم الله خير الله يحفظك Fasirka: Waa sedex qof cadow ah waxaa ugu daran mid ka mid ah laakin waad ka adkaanaysaa wax dhib ah kuuma geysan karaan waxaa laga yaabaa midkooda inuu xoogaa ku wareeriyo. Riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa dad aad u malaynayso inay daacad kuu yihiin laakin cadow ah is ilaali.

Riyada shaqadii hore lagu noqonayo maxay tahay

 Riyada: Haben walba waxan kuriyoda shaqo an 6years ago an katagay riyadan wayigusonoqnoqotey mar badan. Sometimes anigo shaqadi kulabtey Fasirka: Waxay tilmaamaysaa riyada nolol cusub inaad gali doonto oo la mid ah nolosha bilowgaaga hore, shaqada waxay matalaysaa noloshaada marka waa riyo fiican inshaa Allaah.

Wiil yar ilko loo galinayo walina ilko aan usoo bixin

Riyada: Asc shiiq waxan Ku. Riyoday wilkeyga o yar iko laheeyn o ilko kor iyo hoos eh ano u galinaayo wilka ilko Uma sobixin lkn wxn Ku riyoday ani ilko gacanta Ku haaya Una galinaayo  sida ilkaha dantalka o kor iyo hoos a ah. Fasirka: Inshaa Allaah waa riyo fiican ilmahaas yar nolol cusub oo fiican ayaa u bilaabanayso iyo mustaqbal wanaagsan sidoo kale wuxuu helayaa dad qaraabo garab istaagaya markuu weynaado waa riyo fiican.

Riyada tuugo iyo mindiyo cusub iyo kuwo miriray

Riyada: Asc sheq waxaan rabaa riyo inaad iifasirto xalay waxaan kuriyooday aniga iyo hoyadey walalkayga iyo walashayda iyo dadkale qarabo nahay oo banaanka fadhino meeshaan kuwada sheekeysaneynan kadib waxaa lagaaray xili danbo  waalakala xarooday oo inayseexdaan ayeey ubaxeen marka ay soobaxeen dhamaantoo ayaa bananka waxaa kusooharay Ani iyo halgabar yar oo aan habar yar uhay oo 2sano jir ah oo aan sinta kuhaayo lataaganahay ayaa waxaa isoo agmaray labo  wiil oo tuuga ah marka bananka dhan waxaa yaalay mindooyin marka mid kamid ah ayaa ahayd mindi xogoo wayn af zaaid leh oo cuseeb ah marka 2wiil markay arkeen inay aktayda mind fcn yaasho intakale ay af la,aan yihiin oo mirir ay yihiin ayeey iisoonoqdeen mindooyinkii 3 kamid ah qaateen 3daas waxaa kujuray mindidi fcnayd oo afka zaaid kalahayd waana hasha mindi kaliya ee meesha ugu fcn uguna cusub ugana wayn ahayd markaas ayaan uqeeyliyaya walalkayga  cabaar kadib way soonoqdeen oo mindooyinka ayeey soceliyeen lkn mida cu...

Riyada gabar dhakhtar noqotay oo caan ah kaddib dhimatay

Riyada: Asc sheq waxaan kuriyooday riyo waxaana rabaa adigoo mahadsan inaad iifasirto riyadaaswaxayne kubilaabaneysaa sidaan Ugu horeyn aninwaxaan ahy gabar aan guursan  waxane kuriyooday anigoo dictoor ah dadkane aad ay iijacelyihiin dadkane aan caawiyo waliba masaakiinta  kadiba qofbaa ii imaaday wuu isalaamay wuxuudha idhahay shukran laka markaan lafarxay salaantane kaqaaday kadib waan geeriyooday  Marka adigooraali  iisharax riyadaa جزاكم الله غير جزا Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gaari doonto yididiiladaada iyo rajadaada waana riyo wanaagsan geerida hadda waxaa lagu fasiraa inaad ka gaarayso nolosha meesha ugu dambeysay oona khaatumadaada ay wanaagsanaan doonto adoo dadka ixsaan u samaynayo ee ma aha degdeg ayaad ka dhimanaysaa inshaa Allaah.

Riyada eedo oo wejigeeda madow ah

Riyada: waxan kuriyooday Eedaday oo wajigeedu madawga saaran sida qof gubtay oo kale timaha indha aanan ku oolin anigiina caaei markan idhahay ilahadashay oo ay tiri iska kaydaa wajigeedu aadbuu ugubtay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa eedadaada inay walwalsan tahay oo murugo haysato oo ay qarsanayso Ilaahay haka qaado dhibka ay ku jirto wixii aad u qaban karto u qabo.

Riyada qofka la dhahayo waad dimanaysaa bil kaddib

Riyada:  Asc walaalo Waxa aan ku riyooday iyada oo la igu leeyahay bil ka dib ayaad dhimanaysaa, oo aan xabaal iyo dhimasho u sii diyaar garoobayo. Fadlan ii soo fasira.Aadna waan u naxsanaa oo u murugaysnaa Fasirka: Walaal riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa waxyaalaha qaladka aad samaynayso waxay yihiinba ee ma aha geeri, dib isu eeg fiiri wixii kaa qaldan Faahfaahin dheeraad halkan ka daawo Riyada geerida astaanta u ah

Gabar saaxiibteeda ku riyootay iyadoo la guursanayo

 Riyada: Gabadh aan saaxiibo naahay baa itiri apyoh waxaan ku riyooodey adoo lagu guursadey Fasirka: Waxaa lagu fasiraa riyadan in aad heli doonto waxyaalo aad ku faraxdo waxaa laga yaabaa waxbarashada ama shaqadaada inay la xiriiraan waxyaalahaas guud ahaan waa khayr.

Waxan kuriyoday bahasha qorotada layirado oo jirkayga gashay

 Riyada: Asc wall waxan kuriyoday bahasha qorotada layirado oo jirkayga gashay intana yarabursaday Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad xunxun inay kusoo dhex gali doonaan qoratada waxaa lagu fasiraa qof faasiq ah oo aan xumaanta ka leexanin, iska ilaali waa digiin.

Riyada salaanta iyo la kulanka masuuliin sarsare

Riyada: Asc walla khayr aan dhamaan Rabi kaaga baryaya  Waxaad ii fasarta salanta iyo lakulanka masuulintaada  sar sare insha allaah Fasirka: Riyada waxay tilmaamasaa darajo sare iyo dalacsiin meel sare inaad ka gaari doonto bulshada aad ku nooshahay waa khayr inshaa Allaah.

Riyada dabka ka kacayo gaaska jikada

Riyada: Riyadu wqxy thy anoo koshiinka ku jira gaaska cunto ku karinya baan wxn arky gaaska oo hoos ka ololalayaa lknze wax dhib ah ann igaarsi8n Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil inaad la kulmi doonto waliba waxay ka dhalanayaan mashaakiladaas hadal isku dir ah laakin marka ugu dambayso waad ka badbaadaysaa inshaa Allaah.

Riyada faraanti dahab lasoo helayo oo kaa lumay

Riyada: Asc bahda daruuro  wll waxan ku riyooday  xalay ani oo fargal dahaba helooday oo waahore lumay dhulka kahelooday markaa wAn soo qaday gurigan imaday leeyahay markaa wXaan dhigtay miis hoostii miiska waxaa hoostiisa iyàalay osbaadhays badan oo misayla waaana dhxdhigtay dadbaan tustusayY oonlahaa  dahabaan helooday  Fasirka: Riyada waa bishaaro waxa aad niyaysan tahay ayaad dhaqsi ku gaaraysaa inshaa Allaah

Riyada eedo la dili rabo buur laga dhex raadinayo

Riyada: Asc wll  gabadh ayaa tidhi waxaan ku royooday riyo  labo jeer oo isu eeg  yara kala duwanna Waxa ii imanaysa gabadh hooyaday eedo u tahay  waxay igu dhahaysaa aan nooliga kaa bixiyee orad eedo kaso kaxee meeshi eedadeed waa hooyaday   meesha laga soo kaxaynayaa islaanta waa meel buuraa oo buura dhaadheera oo wado fiicanna lahayn meeshu mar waa abaaar oo abaarta ayaa islaanta laga soo kaxaynayaa marna waa doog oo daadadka ayaa laga soo kaxaynayaa waan tegay   wiil wllo nahay ayaa i raacay  buurtii afkeedi waxaan ugu tagnay oday noo abtiya wuxu noo tilmaamay dhinicii islaantu joogtay maahe  dhinac kale oo dadka lagu laynaayo  halkaa inantii isoo dirtay ayaa hadana iga raacday oo ila socota  dadkii ayaan baadh baadhnay bal inay ku jirto islaanti   markaa waxaan u galnay halkii dadkaba lagu xasuuqaayay gabadhii waxaan ku dhahay anaa kasoo eegaya dadka shishe  ee halkan sii joog yaan lagu dilinee markaan soo n...

Riyada gabar lagu dhahayo dabecdii fadumo rasuul ayaad leedahy

Riyada: Asc wll waxanku riyoday anigo dad is magaya dhex dhexadinya waliba waninya o ku leh wll qabyalda iska daya dadka mumininta la saxiba kadib gabadh aya i jawbtay wayxna igu tiri wll dabecdii fadumo rasuul ayaad leedahy marksan farxay Fasirka: Riyada waa bishaaro waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof wanaagsan oo diinta ku toosan Ilaahay haku barkeeyo waa khayr.

Riyada rag iyo dumar isku dhex tukanaya

Riyada: xalay riyo aan la cajabay ayaan arkay aniga iyo dadkale ayaa meltagnay kadib mel hilib kucunay kadib aan ka dareernay marka ayaan ka hadhay anu kadib waxa aan arkay dumar iyo rag isku dhax tukanaya markaa ayan yabay kadib inta aan cararay ayaan  alaah gacmaha u horsaday oon idhi aloow san maxay ku dhacday kadib marki aan soqoday waxa aan arkay meshi oo rag un ah  marka ayan idhi hadana wan qaldame aloow icafi kadib waxa aan arkay meel dahabku ka buuxo silsilado dahab ah oo farabadan iyo qufulo dahab ah oo dahabkii qarniyada hore ahaa ee qaliga aha kadib cagad biyo ah ayaan soqatay kadib dahabkii ayaa caseyay biyahihii  dahab aan ilaa xalay gurayay ayuu noqday ilaa xalay ayaan dahab meshan maraba dahab ayaa ka buuxay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa fidno iyo wax bidco ah oo diinta lagu soo darayo marka iska ilaali dadka qaarkii waa digniin oo ku dadaal ducada iyo salaadaha.

Waxan ku riyooday aniga oo jooga meel salaad ciid lagu dukanaayo

 Riyada: Salaan ka Dib waxan ku riyooday  Aniga oo jooga meel salaad ciid lagu dukanaayo  Oo aan ku cel celinaayo  الله أكبر الله أكبر لا إله إلا الله، الله أكبر الله أكبر ولله الحمد،  الله أكبر الله أكبر الله أكبر، لا إله إلا الله، الله أكبر الله أكبر ولله Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa khayr iyo barako aad heli doonto iyo farxad iyo diin

Riyada cadaabka iyo qiyaamaha qofkii la tuso

Riyada: Wll taga laba jeer ayan la I tusay cadaabta mar iyado dad.la cadabayo iyo mar aduunki o la so rogayo wll bal I fasir inshalaah shugran Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa digniin waxaa lagaaga digayaa dambiyada qaar marka naftaada dib ugu laabo ku dadaal daacada Alle iyo salaadaha.

Waxaan ku riyooday nin aanu kala tagnay Isagoo gaadhi ijiidhsiin gaadhay

Riyada: Waxaan ku riyooday nin aanu kala tagnay Isagoo gaadhi ijiidhsiin gaadhay oo gaadhigii meel biriish ah kala dhacay isaga  Isoo fasira walaal Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qof inuu jiro oo dhib kuu geysan rabo laakin Alle ayaa kaa qaban doono dhibkiisa isaga ayuu ku noqonayaa way hdici kartaa inuu yahay ninka aad kala tagteen ama qof kale ku neceb.

Riyada dacwada iyo booliska iyo guriga wax laga furfurayo

Riyada: Waxaan ku riyoodaa dhawr jeer iyadoo la furfurayo guriga waxa iiga hor dhisan sida gijada iyo ardaaga waxaana furfuraya nin madaw  markii u danbaysay   maryihii uu ka furfuray wuxuu ku riday laba hog biyana wuu ku shubay   iskoobe ayuu ku walaaqay  kabacdi waan soo dacweeyay markaan tegay jeelka waxa lay tilmaamay xafiis nin siyaad la dhahaa haysto in yar markaan usoo jiray  waxa i dul socday laba kefedood iyo  xabad guluuba ama nal   oo ifaya   askartii ayaa igu soo ururay oo yidhi hiiidka aad sidatid ee kuu soo jiidaya alaabtan  waxba ma sito ayaan dhahay way i baadheen waxba way iga waayeen   markaa kefedii intay dhulka dhigeen oo saareen miisaan aad u wayn  ayay igu dhaheen soco   markaasu hadana isoo raacay kefedii iyo miisaankiiba  waxay dhaheen waa arin kale  ee maxaad ka cabanaysaa   cabashadaydii ayaan sheegay   way iga qoreen  69 lanbarkaasna way...

Riyada naag baasto urtay afka ii galinayso

Riyada: Sheekh hooyaday waxay ku ledahay shekh ana waxan kuriyooday naag ay ilmahayga qaraabo yihiin oo afka iigalinayso baasto urtay oo qash ah oo aad u urayso mana laqin mana tufin sheekh iifasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa hanti xaaraan ah marka iska jir inaad cunto xoolo xaaraan ah, waxaa laga yaabaa dadkaas inay ku siiyaan maal xaaraan ah.

Gabar ku riyootay iyadoo xabbad ku dhacday

Riyada: Asc sheekh walaashay waxay kutiri sh waxan kuriyooday 3jeer oo kalafogfog anoo xabad igu dhacday halmeelna iiga dhacday mesha ay iiga dhacdayna caadi ahaan ayay ii xanuuntaa oo dhowr jeer dhakhtr ayan tagay marka sheekh riyadaas way iga yaabisee isoofasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa il inay hayso waxaad ku dadaashaa inaad akhrisato adkaarta iyo quraanka inshaa Allaah waad ka reysanaysaa.

Waxan kuriyoday aniga oo dilay gabar darisakayga ah

Riyada: Asc waxan kuriyoday aniga  oo dilay gabar darisakayga ah Gurigaga ayay sogashay Anina wadilay gurigayga siqaldana  u eegaysay gabadhan wanka yarobaqa markan cadi urko Dhoora jerna waxan kuriyoday anigoo dilaya kuqaylina waxay iga shegtay been waxay itiri waa sixiray waxasoo dhana wariyo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka bixi doonto wixii murugo ku hayay oo aad ka takhalusi doonto, dilka hadda ma aha dil dhab ah waa ka bixitaanka mashaakilka ku haysto.

Nin xaas leh oo guur kale qabanqaabinayo

Riyada: Asc walaa waxaad kalood ii fasirtaa  waxaan ku riyooday qaban qaabada arooskayga oo aan jooga xaafada Kuna nasanayo dumarkine ay colubtii ay jaranaya kadibne waxaa ii yimid laba nin oo aan ehelnahay kadib waxay dheheen away caruuskii waane igacan qaaday oo laabat igaliyeen nin kamidah waa nin maal qabayn ah ,  Anigu waxaan leeeyahay xaas iyo caruur lkn waxaan diyaarinyaa oo aan qorshaynyaa inaad guursado xaas kale  isla habaynkii waxaan wada kulamay gabadhan rabay inaan is guursno oo aan KAWADA hadalnay arintan guurka insha allaah. Fasirka: Nin xaas qabo hadduu xaas kale guursan rabo riyada dhexdeeda waa  nolol raaxo leh laakin adiga waxaa laga yaabaa si dhab ah inay u furmeyso riyadaada oo aad guursanayso maadaama aad niyaysan tahay xaas labaad.

Riyada naag cangaleel kuu dhiibayso iyo dugsiga quraanka

Riyada: Shekh waxaan riyo ku arkay anigoo guri ruux dumar ah gooto  jooga  marka aniga iyo haweeneyda waxaan amaaneynaa 2ba nin ka midah odayaasha dhaqanka ee qabiilada waliba aniga ayaa aad u amaanaayo  marka islaantii meel ayey gacanta galisay markaas waxey soobixisay angaleesha badda  weyna iidhiibtay waxeyna itiri sootix  sida tusbax oo kale  angaleeshu aad ayey u qirux badantahay  duudka angaleesha wuu cagaaranyahay si fiican geesaha  angaleesh iyo hoosta weyka cadahay  marka islaantii agteyda ayey soofadhiisatay  markaa riyada dhexdeeda aniyoo dhibsanaayo naagtaan ajinabaga ah ee isoo agfadhiisatay  ayaan ku dhahay gurigeyga ayaan ku sootixaa  waana istaagay  marka ma jirin guri aantagay iyo wax aantixay  riyo kale waxaan arlay dugsigii aan quraanka ka bartay anigoo jooga waxaana iigu danbeysay 32 sano kahor iyo maclinki oo meeshi saliga loodhigi jiray ku dukanaayo barqadii  macalinku ilama hadlin macalinku...

Waxaan ku riyooday xalay xaajigeyga oo laba katiin igodoonsiiyay

Riyada: Asc shekhow waxaan ku riyooday xalay xaajigeyga oo laba katiin igodoonsiiyay mid cad iyo mid dahabka cadiga oo kalarka jaalaha ah maxey noqon kartaa Fasirka: Waa riyo fiican oo tilmaamayso farxad iyo wanaag iyo jacayl waliba ubad fiican ayay tilmaamaysaa iyo xasilooni iyo bawaaqo oo gurigiina imaanayso.

Riyada daanyeerka gorilla oo guriga jooga

Riyada: Sheikhow aniga waxan kuriyoodey danyarka ween, ama gorilla sa u taqan,oo tagan oo qolka fadhiga, aniganah aan hoos dabaqa joogo oo an kadawanayo asagoo taagan daqadaa,  asaguumudid inuu qaylinayo anigaa aan daawanayo Fasirka: Waxaa kuu dhow qof aan fiicnayn oo khiyaano badan waliba dambiyada waaweyn aan ka fogaanin, waxaa laga yaabaa qofkaas inaad deris tihiin ama uu guriga yimaado, marka waxaa lagaa rabaa inaad taxdarkaaga qabto.

Riyada naag horay u dhimatay iyo dooli dhar kaa cunaya

Riyada: Asc Waxaan ku riyooday naag dhimatay laba sano ka hor fasalkaygii oo imtixaan i siinaya, laakiin ma qori karin imtixaankii, sababtoo ah waxaan raadinayay cunuggeyga riyada labaad ee dooliga oo ku cunaya dharkayga armaajo, waxaan ahay hooyo leh laba caruur ah oo guursaday fadlan. iga caawi inaan turjumo Fasirka: Riyada naagta dhimatay oo ku imtaxaanaysay waxay tilmaamaysaa inaad mari doonto duruufo adag oo fikir kugu dhalinaya. Riyada dooliga dharkaaga cunayo iyadana waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo murugo iyo dood gurigaaga imaanayso Ilaahay hakaa ilaaliyo sharta labada riyo.

Riyada gabar gowska ka dhacayo oo gacanta ku qabanayso

Riyada: Asc sh. Waxan ku riyoday goskeyga kore o aad u liqliqanayay wa taban waba so dhacaya gacanta ku qabana dhigna maleh midka ku xigana wa liqliqana waxan is dhaha kana ka dhacaye kan haba taban sidis ku dhaafa wana goskega kore qebta midig pls ifasir Fasirka: Haddii aad tahay gabar wali aan la guursanin riyada waxay tilmaamaysaa isbadal fiican xagga noloshaada, laakin haddii aad tahay gabar la qabo riyada waxay tilmaamaysaa khilaaf iyo dood idin dhexmari doonto dad adiga kuu dhow

Riyada sokor nala siinayo iyo beero nala geynayo

Riyada: Asc wllo waxad i fasirtaa riyadan waxanku riyoday aniga iyo dad badan oo sonkar aad u farabadan sadaqo nalo siyay o nala geyay bero ay ku talo qudrad iyo baris basto waxana nalugu lah gurta kuwna. Fasirka: Riyada waxaa lagu fasiraa in wax fiican kuusoo dhow yahay oo si sahlan aad ku helayso waana barwaaqo inshaa Allaah.  

Waxan ku riyoday mas weyn oo god ku jiro madaxa laso baxay oo cad

Riyada: Asc wllkey plz iso jwb waxan ku riyoday mas weyn oo god ku jiro madaxa laso baxay oo cad Ana dhor sana xanunsany cilaaj ban waday malmahan  Xly ayaana ku riyoday. Fasirka; Riyada waxay tilmaamaysaa cdowgaaga inuu tabarbeelay oo uu daciif yahay, sidoo kale waxay tilmaamaysaa in aad reysan doonto waa riyo bishaaro kuu ah.

Xalay ayan ku riyoday wixii aan riyada ku arki jiray oo ii rumobay

Riyada: xalay ayan ku riyoday wixii aan riyada ku arki jiray oo ii rumobay tasoo ah inan helay ciid macdan ah oo  aan ka tajiray Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gaareyso waxa aad raadinaysay inshaa Allaah waa khayr iyo wanaag.

Riyada wacdiga masjidka iyo dad qaldan la toosinayo

 Riyada: Asc wll waxaad ii fasirtaa riyadan  Waxaan joogay  masaajidka waxaane dadkoo dhane way wada fadhiyeyn  sheekh aan aqaano oo iimaanka masaajidka ah ayaa kacay waxuune kadalay arin,  Markaan kasoo baxnay massjidkii ayaa anigoo dad badan ila socdaan ayaan araganay arintii uu kahadalay sheekho cidii samaysay ,ayaan  hor istaagay kune qabsaday arintii ,  Waxay iigu jawabay waan qaladanay qaladkiina waan qaladanay waane saxaynaa ,kadib hurdadii ayaan ka sootoosay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in wax aad toosin doonto adiga aad sabab u noqon doonto waxaa laga yaabaa inay xiriiri la leeyihiin dad adiga kuu dhow ama deris kula ah, guud ahaan riyada waa riyo wanaagsan.

Waxn ku riyoody qof an isku dhacsany o mobelkiisa an gacnta kuhayo

Riyada: Waxn ku riyoody qof an isku dhacsany o mobelkiisa an gacnta kuhayo isna u raali kayahy ilahy khayr haku siyo wllo Fasirka: Inshaa Allaah qofkaas waad heshiin doontaan wixii idin dhex maray waad iska illaawi doontaan waa khayr.