Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2023

Gabar ku riyootay iyadoo ninkeeda dhintay

 Riyada: Asc sheekh waxa ifasirtaa riyadan waxan kuriyooday  Ninkayga oo dhintay oo ana an murugaysanahay lkn qaylo iyo ohin midna malihi lkn lama aasin shekh Waka murgay riyadan ee ifasir ilaahay haku barakeeye Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in murugo aad gali doonto inuu kuu imaan doono walwal iyo cabsi  marka Ilaahay hakuu sakhiro

Riyada wiil xabsi ku jiro oo la soo daaynayo

Riyada: Asc wll waxanku riyoday wiil wllkaya o xabsi ku jira iyado laso daayay oo uu noo yimi isgo nabro madaxa kaga yalan iyo dhaawacyo Mxrka maxay riyadsi noqony talow Wll hooyana waxay ku riyotay wiilkaa naga xidhan l lagu leyahay gabdh buu kuso wadaa wiilkagii Fasirka: Labada riyo waxay tilmaamayaan in walaalkaaga Ilaahay uu faraj u keeni doono oo uu ka badbaadi doono dhibka haysto.

Qof ku riyooday malaku Jibriil oo la hadlayo

Riyada: Wiil aan aabo u ahay oo arday  Quraanka xifdiya ah oo dadiisu tahay  11 jir ayaa ku riyooday  Sidan  Wuxudhahay waxan ku riyooday anigoo ka imi goobta quraanka ee malcaamadda oo kitaabkii quraanka ahaa Sita ayaa roob soo da ay waxan ka galay meel  Markii roobkii qaaday waan soo baxay iyadoo dhulka biyo badani marayaan  Waxa markaa iga hor yimi  Nin aad u dheer oo guryaa dabaqyada ah madixiisu aad uga dheeryahay oo aad u qurux badan  Ninkuu wuxu leeyahay baalal  Wuu I salaamay waan ka qaaday salaantii  Wuxu igu dhahay waxan ahay jibriil  Markaa wuu duulay xaga sare ayuuna ku libdhay  Fasirka: Riyadan waa riyo aad u qiima badan waana bishaaro cad waxay tilmaamaysaa wiilka aad sheegtay inuu gaari doono darajo aad u sarraysa xagga diinta wuxuuna noqon doonaa qof diinta islaamka faafinaya dadka oo dhanna ay ka dambeeyaan wuxuu noqonayaa wiil barakaysan  roobkaas soo da'ay waa barako ka imaanayso cirka aragtida malaku Ji...

Dad ayaa ku riyoodo anoo mataano dhalaya

Riyada: salamu calaykum walalyal waan idin salaamay waxan rajaynayaa inaad caafimaad qabtaan Riyo ayaan wata dad aan qaraabo iyo asxaab nahay baa waxay iigu riyoonayaan ubad anoo dhalay mataano kali kali ila lix jeer baa la idhahay wankuugu riyooday dad kala duwan oo aan is aqoonin waqtina reer waan leeyahay walina waxba mayeelan iisoo fasira idinko mahadsan ducadana  igusoo kaba. Fasirka: Riyada waa khayr oo bishaaro ah haddii ay soo noqnoqotay sida aad sheegtay waxay u badan tahay inay si toos u furmi doonto oo aad dhali doonto ilmo mataano ah, haddii kalana guud ahaan waa ubad badan xataa kali kali haddii aad u dhasho, waa riyo bishaaro ah.

Riyada dilka masaska badan oo guriga soo galaya

 Riyada: Asc wll daruuro  wll xalay waxaan ku riyooday guriayga oo mas kubraha ku dhax aragnay markaa waan dilay markii ladilay dhiigiisii waxaa soo  raaxay masas badan oo kubre ah dhamaan waan laynay waxaa dhex socday hangare madow isna waan dilay ciyal wiilala oodugsiga u socdaa nal laynayay markaa waxan lahay waxaa lagayaabaa in dhashiisa ku ahartee waa in aan buufinaa baanlahayn Wll waxan ahay xaasqolkayga jifka mudo sanad iyo badha masexan hadaan galo waan guban dab ilaygu shidayo camal ban noqon xalay baan sèxdayarkii hore waan gam i wayay quran baan shiday wan gam ay markaan tiyoday waa adinka dambe ee salada. Fasirka: Riyada way iska caddahay waxaa Ilaahay kaa reebi doono dad cadow ah oo sixir kuu sameeyay Ilaahay sixirkooda ayuu dabargooynayaa marka ku dadaal quraanka.

Riyada korontada oo guriga ka tagayso

Riyada : Walaalo fasirka riyada iso fasir guriga oo leerka ka tagayo oo Qof gabar aan aqoon igu leedahay computer shido aan dhahaayo ma rabi  way soo noqoney korontada yacni wax culees Iguma haayo mugdiga inta badan wan jeclahay mugdiga. Saan iftiin u helo yacni computer waxaa ka so baxaayo iftiin sow maahan Fasirka: Walaal riyada tagitaanka korontada waxay xambaarsan tahay arrimo la xiriira noloshaada dhanka xasilloonida iyo fikirka waxay tilmaamaysaa inay kaa maqan yihiin waxyaalo qalbiga kuu qaboojiyo oo fikirka aad ku jirto kaa saaro sidoo kale noloshaada inaysan xasillooni lahayn oo aad ku jirto walwal iyo fikir joogto ah, marka ku dadaal cibaadada iyo xuska Alle iyo quraanka.

Qofkii ku riyoodo asoo gacanta xabbada ugu dhacday

Riyada: ASC waxaan ahay nin xaas le ah Waxaan ku riyoodey anoo gacanta bidex xabad la,iiga dhufty sabatuna waa meel jagbooyinta ah ayaan maray. Fasirka: Waxay tilmaamaysaa riyada qof inuu jiro oo rabo inaadan wax qabsanin oo xaasid ah aan kuu oggoleyn shaqo iyo waxbarasho marka wuxuu isku dayayaa inuu kaa reebo wixii wax kuu taraya riyada waa digniin lagaaga digayo qofka noocaas ah.

Riyada naag ninkeeda naag kale shukaansanayo

Riyada : Asc wll waxan ku riyoday nibkayga o nag kale xidhiidhka dhexeyo o ay wada shekaysanayaan melna aya wada fadhiyaan hadalo fcna is dhafsanya o aya gadhu ku ledahay aniga ku do radiyay wad i qanciysay waxd thy qof mimina o wangsan ilaahayna ku xidhaan isna wuxu kulaha miyaad i taqan kadib si sax ayay ugu abtirisay o ilaa qabilkisa ayay shegtay marki dambena way is fhmen igo ad isgu farax san, Anigna ono dhagaysanya mobil ay cod isgu duben adna u cadhaysan ayay  gabdh igu tiri ha masayriin adiga iyo ninkaguna gogol sameya masayrku wuu kaa bidona, Marka wll riyadasi mxy noqonysaa. Fasirka: Waxaa laga yaabaa naag inay jirto oo ninkaaga niyadda ku hayso sidoo kale riyada waxay noqon kartaa waswaas qalibaga kaaga taagan oo aad ka baqayso ninkaaga inuu naag kale guursado.

Riyada quraanshada iyo cijada suulka baxayso

Riyada:  Islaanteyda waxay ku aragtay riyo quraasho badan oo saaran dhar badan korkiisa, Waxay kaloo aragtay cijada suulkeeda baxay,maxay noqoneysaa ? Idinkoo mahadsan Fasirka: Riyada quraanshada dharka saaran waxay tilmaamaysaa ubad badan iyo nolol barwaaqo leh. Riyada cijada suulka soo baxayso waxay tilmaamaysaa xaaskaaga inay la kulmi doonto xoogaa mashaakil marka ha iska jirto dadka dhibka badan oo laga yaabo inay mashaakil usoo jiidaan.

Gabar ku riyootay iyadoo uu qabo nin calool leh

Riyada: Wll ii fasir waxan ku riyoday anigoo i qabo nin madow oo calool leh  oo ii naxarisanaya jacket dhaxanta ii xiraya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa noloshaada inay is baddalayso oo aad ka bixi doonto xaalka aad hadda ku sugan tahay oo aad gali doonto xaal kale, waxaa laga yaabaa safar inaad gasho oo aad hesho nolol fiican oo barwaaqo leh, guurka ninka buuran ayaana laga qaadan karaa waa nin dhaqan oo hanti haysto.

Hooyo ku riyootay wiilkeeda ka maqan oo diyaarad korayo

Riyada: Wll wiil walalkaya o xabsi kujira  ayay hooyaday ku riyotay isgoo diyarad la sarayo, Wll maha arday hada xaasna maleh wuu naga tahriibay isgo magafe haysto ayay dawaladu ka sartay walina dawlada libiya ayaa haysa oo xabbsi buu ku jiraa mudo 9 bilood waxay marar badan nagu dhaheen waan so tarxilaynaa o soomaliyanu kenynaa marka hda waxan rajaynaynaa in nalo soo celiyo, Hooyona waxay argtaa isogo diyaarad koraya oo sawiro laga qadayo uun. Fasirka: Inshaa Allaah riyada waa khayr wiilkaas xorad ayuu helayaa oo wuxuu tagayaa meel nabad ah wuxuu kasoo baxayaa xabsiga uu ku jiro inshaa Allaah.

Riyada mas oo ku soconayo gabadha lugaheeda

Riyada: Hadeey naagta ku riyooto iyado mas lugaha illaa kor ugu so ordaayo mexey tahay ama inuu lugaha illaa cajirada ee kaso dhacaayo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay jiraan dad iyada u dhow oo ay ku kalsoon tahay oo cadow ku ah oo xasdaya marka riyada waa digniin dadkaas waa inay iska jirtaa. Waxayna ku garan kartaa hadalada ay ku hadlaan oo ah af macaan iyo kaftan duritaan ah iyo nacayb qarsoon.

Waxaan ku riyooday suuli saxaro ay ka buuxdo oo niman ay ku jiraan

  Riyada : A S C, Walaaleyal wan idin salaamey waxan ku riyooday anigo galayo suuli kudhax yaala guriga waaliidaday/aabo iyo hooyo/ ilaahay ha unaxariisto labadayda waalid markay geeriyoden guriga wan ka tagay oo magaalo kale ayaan u guuray hada mudo 24 sano ayaan guriga ka maqanahay marka waxan ku riyooday anigo suuliga galay kadib waxan kudhax arkay niman kudhax jira hoga suuliga mesha saxaaradu ku ururto calooshoda wixi ka hooseya saxarada aye kudhax jirta inta korena saxara kaga daad'san bal walaalayal riyadan i fasira khayr ale ha idin siiye? Fasirka: Saxarada oo badan aad ku aragtay suuliga guriga labadaada waalid -Alle ha u naxariistee- waxay tilmaamaysaa hanti badan oo laga yaabo inay ka timaado dhaxal ama hanti si sahlan aad ku heli doonto, guud ahaan waa hanti badan oo laga faa'idi doono.

Waxaan riyada ku dhex arkay gabar aan jaceyl u soo badhigtay

Riyada: Asc walaal waxaan riyada ku dhex arkay gabar aan jaceyl u soo badhigtay oo aan isku faraxsanahay oo gacanta is heysano iyo Walaasheeyda oo gabar yar ah oo 8 sano ka hooseyso oo markaan private ka ayee ugu imaadaa walaasheyd riyada neh waab ku dhex arkay iyoo nala socoto waan iska fiican oo salaadiisa tugado waxaan rajeeyna inaad isoo jawaabi doonto. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay kuu hirgali doonaan arrimaha aad niyadda ka jeceshay ee mustaqbalka noloshaada xiriiri la leh, maka riyada waa riyo fiican.

Riyada qofka asoo dhimanayo maxay noqon kartaa

Riyada: Wll waxan marksta ku riyodaa geridayda ano dhimanya o ashadanyaa anigo u dhimanya beer xanuun maraka qarna waxanku riyoda anigo kafan bixinya O daad sinaya si sadaqo ahana. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa towbad iyo camal suuban in Ilaahay ku waafajin doono riyada waa riyo wanaagsan, sidoo kale kafanta iyadana kama foga fasirka geerida. Faahfaahin dheeraad ah oo riyada geerida ku saabsan halkan ka daawo:

Riyada nin fadhiya adeer aan leeyahay

 Riyada: Wll waxaan sexday saladii duhur kadib anigo ducaysanya ayaan gabay kadib waxan ku riyoday nin mel fadhiya ana an ader ku laha o an garnyo famligayga ah lkn daadka o dhan ayuu ka waynaa adbuna u wayna isgo fadhiya ayaan dultagnayn lkn hadana wuu naga dhera macnaha qof ad u wayn ayuu ahaa riyada dhexdeda balse  cadi ahaantiisa wan aqana waxanu i yahay ader Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inuu magac yeelan doono oo lala yaabi doono sida uu noqonayo.

Riyada nin dooli caloosha ka galay

Riyada: Marka wll riyadana ninkayga ayaa ku riyoday waxay ahyeen labo riyo mid wataa an ku shegay midna waxay ahyd dooli ama jiir caloshisa galay o ad i xanujinyay ayuu yir waxayna ahayd habeeno isku dhow. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaaga in sir kasoo fakan doonto oo uusan rabin in la ogaado marka ay sirta kasoo fakato wuxuu dareemi doonaa xanuun iyo murugo.

Riyada guri qaraabada oo lagaa soo bixinayo

Riyada: Sheekh walaashay waxykutiri ifasir riyadaan  Waxan kuriyooday waxn tagay guriga dumashiday ninkayga walashis gurigeda kadib waxan wax siiyay wiilkoda yar ano wixi sinaya ayay isoo eryeen gurigay igasoobixiyeen  Hadana waxan aaday guriga walashay waxn utagay walashay iyo ninkedo wada fadhiya markasu walashay ninkeda isiiyay xalwo dhaxdeeda kujirto subag oo ad umacan shekh ifasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in dhib lugugu sameyn doono caay ama aflagaado kaddib lagaa raalli galin doono iska ilaali dadka qaarkiisa.

Riyada suxuurta maxay noqon kartaa

Riyada: Asc sheekh ana wxn kuriyoday ano wadad qaraabada ah iyo ani iyo midyaro dhalay suxuur diyarinayo markan suxurti diyarsaday ayan sexday wadaadii aya ikicisay oo itiri kac saxuuro markan iskudayay inaa suxurto wala aadaamay wana soomay oo suxurti sasan ogatagay waxana lagujiray ramadaan wana xalay waxaan kuriyoday xalay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto hanuun iyo towbad waa riyo fiican.

Waxan ku riyoday anigo kaluun shiilan iibsanya

Riyada: Waxan ku riyoday anigo kaluun shiilan iibsanya kadib marki aan lacagti bixiyay walina anan malaygi cunin ayan hordadii ka tosay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto xoolo ama lacag laakin dood iyo dagaal ayaa ka horreeya oo rafaad aad la mari doonto, kaluunka shiilan inta badan sidaas ayaa lagu fasiraa.

Riyada nin tagsi wadayo oo taayarka ka banjarayo

Riyada: Walaal ninkayga ayaa Ku riyoday isagoo gaari tagsiya Ku shaqaysanyaa kadib waxan qaaday dad cadaan ah anigo wadada  Maraya ayaa taayir iga banjary markas ayay dadki iga dageen waxaynu isiiyeen lacag aan garan wayay o o an waligay arag. Wll ninkayga ayaa ariinkaa Ku riyoday  Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in arrimo lama filaan ah ay lasoo gudboonaan doonaan oo shaqadiisa carqaladaynaya oo laga yaabo dhibaatoo inuu kala kulmo.

Waxan Ku riyoday anigo hilib gacanta Ku haya

Riyada:  Walaal waxan Ku riyoday anigo hilib gacanta Ku haya marna layqalyo oo jiniyo iyo roxaan laygaga dawaynayo Fasirka: Inshaa Allaah riyada waxay tilmaamaysaa in amuurahaaga ay kuu fududaan doonaan oo aad heli doonto wixii aad u baahan tahay oo bolol degan ah. Haddii aad xanuun ka sheeganayso xanuunkaas wuu kaa baxayaa.