Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2023

Riyada ninka iyo xaaskiisa oo kala tagayo

Riyada:  Gabar waxay isheegtay inay ku riyootey aniga iyo xaajiga oo kala tagnay oo aan aniga nin kale guursadey Asgana xaas kale oo aan anigu caruur kale aan dhalay asgana wax danbe uusan dhalin Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa noloshiina in dad kale ay soo galayaan oo ay siku dayayaan inay gurigiina kala tuuraan, shardi ma aha inaad si toos u kala tagtaan laakin waxaa laga yaabaa dad cadow ah inay idinka dhex shaqayn doonaan, marka iska jira dadka cadowga ah oo xaasidiinta ah oo guryaha kala tuuro.

Riyada masas badan cadcad kugu soo socdo

Riyada: Waxan riyo ku arkey Anigoo masas badan igusoosodo an iska calinaayo  waasida cawesadi uwawen darbiga ayaaso dumey kadibna sidooka waxbaadan masas ayaakasoobaxay masas iyo caweso cadcad andilayo asago sidas uwawen Fasirka: Waa dad cadow oo dhib idin geeysan doono Ilaahay ha idinka badbaadiyo

Riyada nin gaal ah oo igasoo daba cararaya oo aan madaxa ka dhufanayo

Riyada:  Gabadh ayaa tidhi waxaan ku riyooday anoo ka cararaya nin gaala oo raba inuu igu sawiro   waxayaabaha gaaladu jidhkooda ku sawiraan   meel laamiya ayaan ka cararayay markaan marayay biriishka wuu ila dumay  biyihiii ayaan ku dhex dhacay meel aan ka baxana waan waayay   markaa waxaan qaatay budh ama bakoorad    madaxa ayaan kagag dhuftay   ninkii gaalka ahaa waanu duulay madixiiba . Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay dhib kala kulmi doonto meesha ay ku nooshahay walaiba dhibkaas wuxuu la xiriira diinta iyo akhlaaqda waxaa laga rabaa inay ka digtoonaato dhibkaas oo ay ku xirnaato diinteeda.

Riyada la kulanka niman masuulin Sare ah oo qaarkooda lacag i siinaya

Riyada: Habeenkaas aan Dayrka u dhisayaay masaajidka waxaa jirtay inaan utagay niman masuulin Sare ah sifiican ayaay ii Soo dhaweyen iina hanbalyeeyen laabtaan isgalinay kadib nin kamid ah masuulintii aan utagay waxaa uu isiiyaya lacag anaguu wada faraxsan inshallaah taasine ii fasir Fasirka: Labada riyo xiriir ayaa ka dhexeeyo waana is fasirayaan, waa riyo tilmaamayso farxad iyo guul inaad ka gaari doonto howsha aad ku jirto.

Riyada jiir cadcad oo guriga ku jiro

 Riyada: Wll xalay waaxa ku riyooday anoo qolkay jiifka nadiifinaya oo sariirta qaday markaa koobadiina doostooda waxan ku arkay jiir cad cad oo dhala badan haysta kaar yar yar qaar xooga koray oo hal nagi dhashay markaa gabadha ayar shaqalaha u wacay kalay ila laa dhahayway igu daahday markaa shama ayay hoosta ka agaleen markaa wan ku is istagay waana layay iyagoo wiiqwiiqle markaan ku istaago bac bay lahayeen way dhin dhinteen  Waxaan ahay xaas waana iska caajis nahay xoogaa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad xunxun inay guriga soo galayaan oo dhibaatooyin badan wata dadkaas waa dad dagar xambaarsan waana dumar xunxun oon akhlaaq lahayn, inshaa Allaah marka ugu dambeyso Ilaahay ayaa kaa badbaadin doono.

Riyada nin guri lacag iigu daadiyay

 Riyada: A S C, wll waxan ku riyooday qol guri dhaxdisa anigo kujira nin an garaneyn ayaa intu soo galo qolka lacag xidhxidhan oo farabadan ayu hortayda ku daadiyay oo dhulka kadib lacagti u daadiyay laba xidhmood intaan ka qatay ayaan iskaga tagay meshaas ee bal riyaadas ii fasira khayr alle ha idin siiye? Fasirka: Waxaad helaysaa wax aad ku faraxdo oo lama filaan ah waa khayr inshaa Allaah.

Riyada ayeeyo oo mar hore dhimatay iyo niman jin ah

Riyada:  Waxan rabaa riyadan iga yaa bisay inad iifasirto waxan kuriyoday ayeydey oo dhimatay marhore oosi wanagsan iila dhaqmeyso si waliged eysan iitusin naxariis korkeda ayey igu sexisay ereyo macan iyo madax salax ayey iisameysay wan oyey qabka wanagsan oy iila dhaqantay oyin fara badan markii danbe nin ayey uguyertay wato molo bahasha biraha lagu jarjaro san u arkayey jin ayuu ahaa waxey ku tiri diyari barka horee  isha ayaa qariqtin ley sameyey ishana waxbaa leyga shubay kadib halmar ayuu xalkii isbedelay waxaa sogalay nin midi dher wato eyana wato qamiis cad oo dhig leh wato wuxuu qabtay qof familka kamida calosha ayuu torey kageliyey ilaa kor ayuu ugu jiday ulan afarkale ayaa timid oo jina ulan la dhacnay waxba kama dhibayo quran ayan aqrinay sido kale Mid kalaa iigu xigtay iyadoo niman anan aqon bodyaha ey wax iga gelinayan intey qalen ayey leyihiin wuu ficnanaa  Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa arrimo ka dhexeeyo familkaaga oo la xiriiro arrimo waa hore dhaca...

Wiil ku riyooday asoo quraacday oo dadka malab siinaya

Riyada:  Wiil ayaa wuxuu ku riyooday     Subax ayuu meherad ka cunay quraac beera   wuxuuna sitay   laba qori oo xaaba   waxa ka buuxa malab    dadkii ila quraacanayay  ayaan sacabada ugu shushubay  anoo ka yara sareeya   markaan soconayana xawaara dheeraynaya ayaan ku socday buu dhahay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu heli doono habti badan  wuxuuna noqonayaa qof dadka martsoora oo dadka caawiya oo wax u tara waliba waa dadka qaraabada iyo deriska iyo macaariifta.  Wuxuuna noqon doonaa qof aad loo qiimeeyo oo sharaf iyo qiime leh.

Riyada qof geel dhalay la joogo meel barwaaqo ah

Riyada: Habeen kalene waxaan ku riyooday anigoo meel barwaaqa ah geel dhalay lajooga meeshune meel qurux badan ayaay ahayd. Fasirka: Riyada dhalmada geela qofkii arko waxaa lagu fasiraa inuu heli doono miraha daalka shaqadiisa, dadaalka uu ku jiro natiijo fiican ayuu ka helayaa, hadduu shaqo hayo shaqadaas meel weyn ayuu ka gaarayaa hadduu waxbarasho ku jiro guul weyn ayuu ka keenayaa waxbarashada.  Waliba meesha barwaaqada ayaa sii xoojinaysa fasirka riyada aan kuu fasiray.

Qofkii ku riyoodo asoo masjid dhisaya

 Riyada: Asc waxaan ku riyooday anigoo masaajid u dhisaya deerkiisa oo dhamaystiran ganjeelkii oo qudha ii hadahay insane aan diyaariyaay lakiini aana ku xudhin waxaan ahay xaasle caruurtii leh shaqadaydune waa shaqaale dowladeed khayr alahaa kusiiyo Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa inaad Alle u dhowaan doonto iyo in amuurahaaga oo dhan ay kuu toosi doonaan waa riyo aad u wanaagsan.

Riyada qofka oo muusoonaya isagoo ilkihiisa ay aad u qurux badan yihiin

Riyada: Asc shekh waxa iifasirta riyo waxnkuriyoday anoo hool wayn oo lawada fadhiyo dhinac kafadhiya oo musoonaya ilkahaygana aad uqurux badanyihin onku faraxsanahay dadkana leyihin gabadhan qurux badana wana xijaabna  Dhowr jeero horana waxan kuriyoday ilkaha oo la iidhaqaya marna silig la iigu xiraya marna ay qurux badanyihiin maxay tahay shekh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa farxad iyo nolol qabooban waliba dadka  qaraabadaada ah ayaa aad kuu jeclaanayo daryeel iyo jacayl fiican ayaad kala kulmi doontaa, waa riyo fiican.

Riyada anoo ku tukanaya masjidka Aaya Soofiya ee Turkiga

 Riyada: Asc shekh waxan kuriyooday anoo jogo masajidka soofiya ee turkiga ee ayaan hore lafuray kadib qolka ogu koreeyo aya la igeyay kadibna waxan iri wantukana sali isiiya naag aya ikentay saligii kadib ano raba ina tukado ayay hoyaday iyo walaashay imaaden oo fadhigii aniga la ikenay kufaristen markasay igu dhehen hatukanin gaalada ixtiraam ayay leyihiin halkana gaalo aya joogta kadib ana aad ayan uxanaaqay ma salaadayda ayan gaalo ku ixtiraama muran ayan galnay kadib waxa noo imatay naag hoyo iyo walaashay waybixisay ana wantukaday waxayna itiri qolkan iyo fadhigan adalehe fariiso  Marka sheekh ilahay hakubarakeye isoofasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad arrin fiican sameyn rabto oo laakin aad dhib kala kulmi doonto taasna waxaad kala kulmaysaa dadka kuu dhow, marka ku dadaal sidaad Alle ku raalli galin lahayn dadka ha isku dayin inaad ku raalli galiso wixii Alle diintiisa ka hor imaanayo.

Waxaan ku riyooday anoo Jin ka umulinaaya

 Riyada: Waxaan ku riyooday anoo Jin ka umulinaaya ee walaal ii soo jawaab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimo aad la yaabayso inaad la kumi doonto oo noloshaada wax weyn ka badali doono. Riyada jinka waa wax aad u daran oo yaab leh waa arrin qarsoon oo gadaal kasoo bixi doonto.

Riyada gabar iyo sedexdeeda caruur oo sijaayad ku duulaya

Riyada: Asalamu alaikum walashay aya waxay kuriiyotay aniga iyo 3 caruur ah oo aan dhalay oo sijayaad kuduulayna markii ay ii yeedhaay ayay indhaha kalaqaday ? Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa adiga iyo caruurtaada inaad meel sare ka gaari doontaan nolosha aduunka xagga hantida iyo diintabada waa riyo bishaaro ah oo tilmaamaysa khayr badan.

Riyada dhalmada iyo abeeso naagta ku dhageyso

Riyada : asc shiq waxan ku riyoday anigo dhalay leyna dhahayo aweso ayad la dhashay cunuga hadane xawad keyga laga fujinayo kadib cunuga ayay afka ka gale wankaso jidaye anigo kajo jidayo afka cunuga ayan so kacay iso fasir adigo mahdsan shiq Fasirka: Riyada waa riyo digniin ah waxaa lagaaga digayaa dhibka weyn kugu soo socdo waxay tilmaamaysaa inaad gali doonto rafaad iyo dhibaato.

Riyada meydka nabiga SCW fasirkeeda

 Riyada: Waxay tidhi sidatan Ano jiifa ayaaa lay dhaafiyay  maydka nabiga scw waan ka daba tegay jidka waxaan ku sii maray dumar allabari karinaya waan waydiiyay halkaa la mariyay maydkii nabiga scw  waxay igu dhaheen halkaa ragu ka yimi   markaa gacan cadbaan ku siday gacanna qori xaaba   cadkii gabadh ayaan siiyay waan dhaafay waxaan sii maray geenyo 4ta adin cirka u taagaysa inta kalena aasantahay   markaa waan dhaafay  rag meel geeda jooga ayaan siiyay qorigii xaabada ahaaa    sasay ahayd. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa musiibo aad u weyn  Ilaahay haka badbaadiyo gabdhaas.

Riyada arooska ciidan joogo oo caay iyo aflagaaddo ka dhacayso

Riyada: Gabadh ayaa tidhi ii waydii shiikha    anoo jooga aroos  waxaa ka shaqaynaya arooska askar milatari  gawaadhidii ciidanka ayaa lagu gelbinayaa     waxbay caayayaan ciidanku   markaa anna waxaan leeyahay   ilahay ka baqa oo naga daaya af xumada geeribaaba joogtaane Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay dood iyo dagaal iyo buuq dhaxgali doonto oo fadeexo ay ka dhalan doonto buuqaas iyo dooddaas , ha iska ilaaliso dadka qaar oo iyada arrimo ay ku siraysanayo waxaa dhici karto in hadal xun laga qaado oo la faafiyo oo lagu ceebeeyo dadka qaraabada ah.

Waxaan ku riyooday anoo helay dahab iga lumay

Riyada: Asc  wll waxaan ku riyooday anoo  helay dahab iga lumay oo badan aadna u qurux badan badh amaano ayuu ahaa badhna anaa lahaa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad gudbi doonto dhibaatooyinka niyadda kaaga taagnaa iyo walwalka ku haystay oo aad gali doonto farxad iyo guud, waa riyo khayr inshaa Allaah.

Riyada naag midi kuu wadato oo ku dili rabto

Riyada: Asc riyo waxan kuriyoday naag  ii wadata midi oo Donaysa inay igu disho waan ka qaday wanana cejiyay waa dilay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in aad dhib la kulmi doontid marka ugu dambeyso Ilaahay kaa badbaadin doono dhibkii ku haystay wuu dhamaanayaa. Naagtaas midida kuu wadato waa dhibaato kula soo gudboonaanayso.

Gabar ku riyootay iyadoo guursatay nin jareer ah

Riyada: Riyan ku riyooday aniga nin jareera guursaday oo daba oordaya ayaan ku riyooday. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mustaqbalka guurkaaga in dood ay soo gali doonto, maxaayeelay bulshada soomaaliyeed caadi ahaan ma guursadaan dadka kasoo jeedo beesha jareerta waana dhaqan soomaalida ay aaminsan yihiin inkastoo dhaqankaas uu khilaafsan yahay diinta islaamka maxaayeelay waxaa shardi ah kaliya qofka inuu yahay qof muslin ah. Marka sidaa awgeed riyada waxay tilmaamaysaa in qof kusoo doonan doono aan ehelkaaga raalli ka ahayn marka doodda iyo dagaalka meesha ayay ka imaanayaan.

Riyada gabar 3 xijaab iibsanayso

Riyada: Gabadh ayaa waxay tidhi waxaan ku riyooday anoo gadanaya 3 xijaab oo cusub   labo waa lay dhiibay kii 3 aad iyadoo layso wado ayaan ka kacay hurdadii. Fasika: Gabadhaas ha sugto isbadal weyn xagga nolosheeda, waxaa sugayso nolol fiican oo raaxo leh waliba noloshaas waa guur haddii ay tahay doob haddii la qabana waa nolol fiican ay ninkeeda ka helayso. 

Wiil ku riyooday Cumar bin Alkhaddaab asoo xaramka joogo

Riyada:  Markaa wiil ayaa dhahay ii waydii mid   waana sidan Cumar binu khadaab ayaan kula kulmay xaramka   ka bacdi gurigiisa ayaan u raacay   jidka markaan maraynay   neef lax ah ayaan la iibiyay   xafadiisi oo aad busaarad uga muuqato ayaan tagnay    markaa waxan waydiiyay su.aalo aduunyada ku saabsan waanu fahmi waayay    markaan seexanayna waxa lay tusay aduun yadii ooo foool xun waxna dhex oolayn. Markaa waxaan ku dhahay  aduunyadii waad kala tagteen oo hamigaagu waa janno  wuxuu dhahay miyaad hubtaa inaan jannada gelayo   maya ayaan dhahay  ee inoo ducee  wuu fadhiistay waxaanu ku celceliyay اللهم سخرنا illintii ka qubanaysay ayaa sida roobka iigu qubanaysay. Fasirka: Wiilkaas arkay Cumar bin Alkhaddaab (RC) wuxuu noqonayaa qof Alle u dhow oo iimaankiisu aad u sarreeyo wuxuuna noqonayaa qof ku dadaalo khayrka iyo camalka suuban.

Riyada taleefanka iyo naag macalinkeeda afka ku dhunkanayso

 Riyada: Sheikh riyadan wa maxay qof ku riyooday telefonkiisa asoo gacanta ku haayo oo isticmaalayo Mida kale  gabar carmal ah oo ku riyootay macalinkeeda oo sujuuda ka dhunkanayo hadane afka ay iyada ka dhunganayso Fasirka: Riyada taleefanka la isticmaalayo waxay ku xiran tahay taleefankaas wixii ka muuqdo iyo qaabka loo adeegsanayo, haddii kale guud ahaan taleefanka waxaa lagu fasiraa war cusub inuu kusoo gaari doono. Midda kale gabadhaas nin ayaa soo raadsan doono ama iyadaa raadsan doonto oo guur ayay helaysaa, waliba waxaa laga fahmayaa inay nin rabto oo niyadda ay ku hayso qof iyada u dhow laakin isagana aan  wax  la wadin .

Riyada qof god hoose ku dhacayo

  Riyada : Ado mahadsan wll   riyo kale aan ku waydiiyo    Anoo marayaa meel rooban aadna u qurux badan ayaa waxa ila dumaya dhulka waxaan ku dhacayaa meel  hoose   lkn waasaca iska qurux badan   aan wax cabsiya lahayn keliya waxaan rabay   inay iigu timaado meesha aan joogo islaan eedadaya  oo aan dadka ugu jeclahay    waxaan isleeyahay   may raadkaagi soo raacdo hakasoo dhacdo halkaa hana kugula noolaato meeshane Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad la kulmi doonto dhibaatooyin kala duwan oo aan dhib weyn kuu geeysanaynin

Riyada legdanka qof kaa awood badan

 Riyada: Waxaan hayaaa riyooyin badan  oo aan jeclahay  inaan helo tafsiirkooda  ka mida   anoo legdaya  qof iga xoog wayn oo hadana inaan ridaaa hawl ila lahayn   isaguna wuxuu isku dayayaa inuu iga awoood bato umana suuro gelayso. Fasirka: Riyada way iska caddahay waxaad ka adkaanaysaa dad cadow kugu ah oo kaa badan ama kaa awood badan laakin waad ka adkaan doontaa.

Riyada hadalka shinbirta waxa lagu fasiro

 Riyada: Waxaan arkay   buur u samaysan qaabka shinbiraa   aadna u qurux badan 4 yar yar iyo mid wayn  hooyo ayayna u tahay afarta yaryar    markaa aadbaan ula dhacay qaabka ilahay u sameeyay markaa anoo daawanaya ayaan ku dhahay qof ila socday bal daawo ilahay qudradiisa  sida uu u sameeyay buurtan    markaa waxa igu qoslay 4 tii  yaryaraa    markaa aadbaan ula yaabay siday u hadlayaan   markaa waxaan ku dhahay waan idin jeclahay   way i fahmi waayeen hadana waxaan ku dhahay I love you  hadana way fahmi waayeen   markaa ayay hooyadood u fasirtay   oo af carabi ugu sheegtay   inaan leeyahay انا أحبكم markaa intay hal mar wada hadleen 5 toodiba ayay waxay igu dhaheen انت آية من آيات الله    markaa anoo faraxsan ayaan ka tegay  Thank you Fasirka: Riyada waa riyo aad u fiican, guud ahaan qofka markuu ku riyoodo shinbir la hadlayso hadalkaas waa hadal d...

Riyada gabar la kufsanayo oo ninka video ka duubeyso

Riyada: Gabar aynu sxb nahay saakay salad subaxa kadib ku riyootay gabartayda oo 10 jir ah oo Nin xafada dagan aan garanayno oo xoogayo ayadana ay video ka duubayso. Waxay kaloo tiri ii waxay dii salad subxaanu ka horana waxan ku riyooday 1ari oo aan dabo socdo oo kadib madaxa la galaayo musqulaha tuunjika ah oo madaxa uga dhagaayo kadib  dadba ila caawiyey wan ka so saarnay kdb aso meeda dadki oo dhahaayan wan ka gaarsiinayna oo wan qaleena yacni si loo cuno ayadana ay dhahayso waaba meed xalala maahan Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay la kulmi doonto dhibaato la xiriirta sumcaddeeda waa riyo noqon karta digniin, naagtaas ha ilaalsato gabadheeda. Riyada kalana kama foga isla waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo rafaad.

Riyada qof isku dayaya inuu albaabka soo furo

Riyada: Sheikhow waa maxay riyada albaabka gurikeyga ayaa Qof isku daya ino so galo anigu  waxaan maqlaa shanqarta gaanjada albaabka laakin oo xiran yahay Qofki markii ogaado inuu xiran yahay wuxuu ku ordaa jaran jarada  wan maqlaa Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inuu jiro qof rabo inuu wax kaa ogaado ama inuu sir kaa qaado maxaayeelay dhuumashada qofka iyo isku dayidda soo galidda guriga isagoo is qarinaya waxay astaan u tahay raadinta sirtaada marka iska ilaali dadka qaar.

Riyada gabar la cayrsanayo oo ninkeeda badbaadinayo

 Riyada: Sheikhow xalay waxan ku riyooday anigo dad i ciirsanaayan ninkeyga i badbadinayo waxan ku afurno noo raadinayo dadka i cirsanayana Iga ilaalinayo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad arrin ka walwalsan tahay oo aad niyadda ku hayso si aad u xallin lahayd ninkaaga ayaana kula xallin karo, Ilaahay wixii shar ah hakaa ilaaliyo.

Waxan Ku riyoday anigo bariis jeebka dambe iigu jiro

Riyada: Waxan kale on Ku riyoday anigo bariis jeebka dambe iigu jiro 500g rice qayasti anigo anigo bacdi qayb ka jaray inan Karin rabo . Fasirka: Riyada bariiska aad jeebka ku wadato waa lacag badan kaasoo gali doonto ganacsiga waa miraha aad ka heli doonto shaqada aad hayso waana riyo  fiican.

Waxan Ku riyoday macalinka dugsiga quranka ii dhigi jiray oo geeriyoday

Riyada: Waxan Ku riyoday macalinka dugsiga  quranka ii dhigi jiray oo geeriyoday oo dugsigii loo badalay masajid. Fasirka: Walaal riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa inaadan sidii hore ugu dadaalaynin quraan akhriska, marka inshaa Allaah ku dadaal quraanka iyo cibaadada yaan lagaa mashquulinin.

Waxaan ku riyooday ninkayga oo police noqday

Riyada: Sheik waxaan ku riyooday ninkayga oo police noqday Maxay noqon karta? Oona ileh wadan kale ayaan tabar u aaday. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inuu awood lasoo bixi doono oo uu adiga kaa adkaan doono, oo aadan ka hor imaan karin, wuxuu rabo kaliya inuu fulinayo oo uusan war kaa qaadan doonin.

Gaariga oo naga lumay aniga iyo gabar kale

Riyada: Asc waxanku riyoday aniga iyo gabar kale oo gariwadana hadana garagina wa waynay oo waba naga dhumay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimo kuu hirgali rabay inay kaa kala daadanayaan oo aad ku fashilmi doonto, lumitaanka gaariga ayaa laga qaadanayaa.  Gaariga guud ahaan marka riyo lagu arko waa wax kuu fududeeyo arrimaha aad ku howlan tahay marka haddii uu kaa lumo waxaa kaa hallaabayo arrimahaaga.

Riyada qof dumar ah oo gadaal kugu soo qaadayso

 Riyada: Maanta inyar seexday waxaan  ku riyooday inoo gabar 2bo caruur wadto la dagalayo waxay iso qadaytay saliin auguba intan ka qaday baa wajika uga sarsaray  ilaa ay sastay oo IgA hari wayday oo ku ri hadaadan IgA tagin dhalo aan jabsaday oo  iri tan hadane kaga sar saraa. Kdib wa  iga tagtay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa noloshaada inaysan ahaan doonin mid degan waxaa kula soo gudboonaanayo dhibaatooyin oo ah kuwo bulshada la xiriiri ama weerar ay kugu soo qaadi doonaan dad ku neceb oo kuu dhow waliba waxaa dhici karto inay yihiin dumar.

Waxaan ku riyodey 2mar anoo quraan kudul aqrinaayo Sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi

Riyada: Asc shiikhoow adoo mahadsan waxaan kuriyodey 2mar anoo quraan kudul aqrinaayo Sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi waxaan ahey hooyo xaas ah Sh Ii fasir qeyr bdn allaha kusiiyeee. Fasirka: Inshaa Allaah riyadaada khayr badan ayay xambaarsan tahay waxaad qaadi doontaa wadada liibaanta, waa riyo aad u waangsan oo tilmaamaysa jidka toosan iyo towbad iyo u dhowaanshaha Alle, Ilaahay hakuu siyaadiyo. If Allah say, your dream carries a lot of good and you will take the path of success, it is a very old dream that describes the straight path and repentance and the proximity to Allah, may Allah increase it.

Riyada qof dumar ah oo dhiig lagu shubayo

Riyada: Sheikh waxaan ku riyooday gabar aan aqaano oo lay dhahaayo dhiig lagu shubay kadib xaalad dhimasho ayeey kugu jirta? Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadha inay mari doonto waxyaalo nolosheeda ciriiri galinayo waxay u baahan doontaa in la caawiyo dhibka ay gali doonto dartiisa Ilaahay ha u yasiro

Riyada qof laga dalbanayo meel aroos inuu dad u raaco

Riyada: Wallo waxan ku riyooday gabar aan aqaano oo leh magaladan iman oo aroosba u so socda  i raac anaa dhar ku siinayo ku tagto  jimcaha ayuu dhacaa goobtaas ayuuba ka dhaca? Fasirka: Riyada waa riyo aan fiicnayn xaflad aroos habkan marka lagu arko waxay tilmaamaysaa shar iyo dhibaato waxaa lagaaga digayaa dad dhagar wato, waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dumarka qaar oo laga yaabo inay dhib kuu geystaan