Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2023

Riyada nin meel ku xiran oo lagsoo daaynayo

 Riyada: Acs wll waxan kuriyody will an xidhidh lahanjirnyi  oo meel ku xidhn oo waxa lalaha u walanyhy kadib wuxu ku xidhna Mel cidhiya   labarka ayu kabixi karai wayay  kadibna ana soisgay labaki markana lababki aya winaday wn kaso saray  u idaba socday isago walan ilhy hakubarakeyo wll isojawab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inuu niyadda kugu hayo oo adiga kaliya uu ku rabo marka haddii wax kaa reebaya jirin inaad is guursataan iska guurso badbaadi waa nin miskiinee

Waxaan ku riyooday ninkayga oo leh waan kuu soo socdaa

Riyada: Walaal Hada hurdo ka toosay malinki isku keen danbeysay ilaa hada quranba ii socdo Alx wan qaboobay Hada waxaan ku riyooday ninkayga oo leh waan kuu soo socdaa Aniguna waxaan bilaaway inaan guriga xagaajiyo maxay tahay ?😭 Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa in Alle ku xifdin doono oo aad heli doonto kalsooni oo aadan ka baqi doonin ninkaas sidoo kale shakiga inuu kaa bixi doono, si kaste ha ahaatee ku dadaal quraanka inshaa Allaah Ilaahay baa kaa badbaadin doono wixii dhib kugu sameyn rabo ama dhib la damacsan gabadhaada.

Riyada dhul la qeybinayo lay diidayo oo aan Alle baryayo

Riyada: takalena wa waxa aan magan ku tagay meel dhul lagu qaybinaayo markaa ayaan gabadhii dhulka qaybinaysay ayaan ku idhi wll kiraan kujiraye dhul isii marka ayay igu jawbtay mada caruur leh haa sokaxayso qof kuu dhaarta kadib qofbaan kaxaystay wuu ii dhaartay kadib way nodiiday inay dhul nasiiso markaa ayaan ku idhi inyar isug kadib inta aan qiblada ujeed saday ayaan ku dhawaqay rabiyoow waan qaldanaa markaan bila adam wax waydisanayo kadib waan ooyay waan ilmeyay gacmaha ayaan kor utagay rabigay ayaan u dhawaqay tana iso fasir riyaan ku arkee. Fasirka: Riyada waxay kaaga digaysaa inaad ka leexato baryada Alle wax kaste aad u baahan tahay Alle weyddiiso wuu ku siin doonaa, waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof Alle ka baqayo oo cibaadada Alle hayo.

Qofkii ku riyoodo asoo Alle la joogo oo baryaya

Riyada: asc wll waxa aan ku riyoday bilawgii rabadaanta suxuurta inyar kahor anoo rabi lajooga oo kuleh aloow adaa awoodaa iskaleh dadka hal ilbidhiqsi wax kayar ku sonoleyay oo aan ilahy lajoogo oon wayni aan alaah waynaynaayo aan la oo yaayo oon leyahy aloow adaa awood leh oo wayn oo qaniya wayni aan rabi waynaynaayo ayaan la oyaayay i fasir riyda rabi anoo lajoga wa wax lagu farxee. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa khayr badan iyo bishaaro wanaagsan sidoo kale in Alle naxariistiisa aad heli doonto oo aadna u dhowaan doonto waa riyo aad u fiican, ku toosnoow wanaagga aad ku sugan tahay iyo cibaadada aad ku jirto.

Riyada wiil ay ag taallo warqad magaca hooyo iyo aabe ku qoran

 Riyada: asc  wll  waxan ku riyoday  wil an xidhidh  lenahay o fadhiya  xafis Ana  wn ugala kadbna waxan arkay warqad waxa ku qorna hoyo iyo abao. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa ninkaas inuu ku daneenayo waliba waxay u badan tahay inuu guur kaa rabo illeen ninka marka uu guursan rabo gabar wuxuu ku dadaalaa inuu barto magaca waalidkeeda marka ugu horrayso.

Riyada qof agtayda ku tasbiixsanaya

 Riyada: acs sheekh waxan kuriyodiy   qof aan    iskudhacsanahy oo agtayda ku tasbixsanaya    oo aniga isoegaya    oo igu ducisanaya ilhy hakubarakeyo maxay noqonisa. Fasirka: Riyada waxay tusinaysaa in Alle kuu xallin doono wixii kugu adag xagga noloshaada tasbiixda waa khayr iyo barako sidoo kale ducada uu kuu duceynayo qofkaas.

Riyada bisad madow oo ila hadlayso oo isoo weerari rabto

Riyada: Walala waxan ahay xaas mardhaw guursatay waxan ku royooday bisad madow  kow waxaan u maleyey inay ooman tahay waxan is iri biyo sii laakim way xanaaqday marka biyaha siyey kadibna way i caaysay sida Qof cadiya inuu inuu ila hadlaayo waxay igu tiri ma waalan tahay inaad qurux badan tahay mad is mooda waxayna isku dayeysay inay wajikeyga so gaarto ay iska garaafayso lakin kama ogolan   Ilaa aan kala tuuray Fasirka: Walaal ma jecli inaan niyadda kaa jabiyo laakin riyada waxay tilmaamaysaa nin xun oo khiyaano badan iyo noloshaada guurka inaysan noqon doonin sida aad rabto, sidoo kale ninka wuxuu noqon doonaa qof dumar kale niyadda ku hayo oo adiga aan daacad kuu ahayn, waxaa kaloo riyada ay tilmaamaysaa dad xaasidiin ah inay kuu dhow yihiin oo aan kula jeclayn wanaag iyo khayr, waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka xunxun Ilaahay hakaa badbaadiyo.

Riyada nin isoo bursanayo waxaa iga imaanayo dhiig

Riyada: Waxa arkay anigo la iabursanaya wliba laba nin funanad madow watan o dheeer joog leh Fera dhisan Aya iso bursanaya mel wxa aada muskula ah blse guri Cid daganyhn cml u eka mesha gabedho jogo waxa oranaya hdi aad aragtan nimn iradinaya gabdhas na aragten kudhaha Maya dhaha mrka mel jinkad ku dhumana ninmanka mrke iwayan we iska labanayan anigi so bax maagay Aya wxa arka mel dhan xabado ka yereso laku shaqshaqa jinkad korked kdb anigo sobaxay waxa arka dhiig ika qulqula madax korkisa sujuda geskeda dhaforka udhow mrka wa iska tirtira hadana wa so dadanayan kdb iska dhaqa cadi inqone midas mid qiyali miya mise wa riya sax. Fasirka: Riyada waa riyo tilmaamayso dhibaato adiga kugu soo socoto, waxaa laga yaabaa inaad dagaal gasho oo dhib weyn kugu dhaco Ilaahay ka magangal.

Riyada gogor oo gabar weerar kusoo qaadanayo

 Su'aasha: Waxan ku riyooday annaga oo dhawr qof oo ehelka ah oo guriga dibaddiisa ayuu Gorgor na soo weeraray aniga ayaa guriga ku cararay dadkiina waxay ku qaylinayeen guriga ha gelin waayo guriga dushiisu way qaawanayd albaabkii baan xidhay Gorgorkiinna xagga sare ee guriga ayuu iiga soo galay madaxa uyuu igaga dhegay albaabka oo aan ku tiirsanaa ayaan madaxa iyo Gorgorkii ba ku garaacay. Ugu dambayn Gorgorkii dhulka ayuu ku dhacay sidii i nuu dhintay oo baalashii isku laabmeen aniga madaxaygii waxa ka soo daatay qodaxo aad u fara badan oo dhulka ka buuxsamay. Markaas baan toosay. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa si xun in laguu dulmin doono waliba qofka dulmiga kuu geysanayo waa qof halis ah oo aan naxariis lahayn dulmigaasna wuxuu ka dhalan doonaa dood iyo dagaal labadiina idin dhex mari doona, waxaa laga yaabaa qofkaas inuu yahay qof kuu dhow aadan ka filanaynin inuu dulmi kuu geysto, laakin marka ugu dambeyso qofkaas waad ka guulaysan doontaa Ilaahay wuxuu ku siinay...

Riyada wiil gabar cunto u karinayo

Riyada : Acs walal waxan kuriyody wiil an xidhidh lahan jirnay  oo  ii karinaya  cunto   marka qofba igu dhahay   adiga u ku jecelyahay  e u kaqarinaya wan layabana   isaga waxau soadiyi dhankiga anigu wn iska fadhiyi  madaxisa ayu lugahiga sariy  wll ilhy hakubarakeyo isojawab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in aad ku jirto marxadal ka duwan noloshaada hore oo aad heli doonto wax badan oo fiican iyo farxad iyo raaxo badan.

Riyada bulaca sariirta kasoo baxayo

 Riyada: Walal waxaan ubaahna fasirka riyada  Ano hurda qolkayga hurdada ah  Reerna waan leyahay wll Ayaa waxaan arkay sarirta hosteda ooy kaso baxeyso masa luga ley tu wayna bananka ugaso baxday sariirta  Kadib markay ka baxday hadana tu yar oo dhal ah intay kaso baxday sariirti hadana dib ugu noqotay sariirta hosteda. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qof dhagar badan inuu guriga kula joogo waxaa lagaaga baahan yahay inaad ka taxdarto.

Riyada qofka tinta qaawan maxay tahay

Riyada: Hadi aad riya ku aragto qof tintisa qawantahay sariirta ag fadhiya tinta mesha gadale jekada Hal ciro ku leh fasirkedu. Fasirka: Qofkaas hadduu nin yahay riyada waa wax fiican haddii ay naag tahay qofta tinta qaawan riyada waxay tilmaamaysaa wax xun sida balaayo iyo rafaad.

Riyada nin telkeyga iga qaadanaya oon wax naga dhexeynin

Riyada: Qof aadan aqoon ulahen nin dhalinyara wax Naga dhaxen ikaqadaya telkega mesha masagg taga wxu iku dhaha qofkan ya waya an wxa dhaha wa qof laa bil wada socday kadib an Kala Harnay mana aha ni ka iqaba yah riyadas hda aragtod. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa nin inuu dan kaa leeyahay uu wax kaa rabo laga yaabo inuu mustaqbal kaa rabo.

Riyada dharka buniga ama dharka kafeeyga

Riyada: Gabar haddii ay ku riyooto dhar buni ama dhar kafeey ah maxaa lagu fasiraa. Fasirka: Riyada dharka guud ahaan waxay tilmaamaysaa lamaane ama ninka iyo naag nolol wadaagaya, dharka guud ahaan marka buniga waa arrin aan caddeyn, naag haddii ay ku riyooto dhar waxaa lagu fasiraa nin, sidoo kale haddii nin uu ku riyoodo dhar waxaa lagu fasiraa naag marka midabka buniga wuxuu tilmaamaa qof aan wixiisa caddeyn.

Riyada kitaabka quraanka oo furan

Riyada: Asc wallky riyada aad ku arkeso kitaab quraan Kala furan wliba marka indhaha Kala qaday riyada dhaxdeda waxa arkay kitaab furan qof haya ma aqan mrka wn firiyy quraan ku qorana nafsii bas ka xasuusta balse wxkle Lasocda Maka xasustii marka hdi an ilaway ayada an ankitabka ka aqrinayy mxe tahy fasirkeda. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa waddada toosan in Ilaahay kugu toosinayo amuurahaaga oo dhanna waxay  ku dhamaan doonaan  wanaag , riyada kitaabka quraanka waa riyo bishaaro ah guud ahaan.

Riyada firaashka cad oo qolka jiifka yaallo

Riyada: Waxa ku riyooday aqal sariir jiif cad firaash cad wa saranay go midab  cadees cml wa sarna cadan udhow Isla aqalka Aya waxa yalay kuraas isku egyhn sida firashka okle an arkay. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa qof qalbi nadiif ah oo ku jecel inaad nolol la wadaagi doonto ninkaaga hadduusan sidaas ahayn waxaa laga yaabaa Ilaahay inuu qalbigiisa kuu baddalo, guud ahaan riyada firaashka cad iyo qalka jiifka cad waa riyo nin qalbi nadiif ah tilmaamayso.

Riyada bismillaah oo cirka ku qoran

 Riyada: Shekh ilaahay hakarali noqdee  waxakalo iifasirta samada oo kuqoran  بسم الله الرحمن الرحيم  oo kusharaxan far waawayna kuqoran  oo buluug ah Fasirka: Waa riyo aad u wanaagsan waxay tilmaamaysaa naxariista Alle inaad heli doonto noloshaada guul ayay ku dhamaan doontaa iyo barwaaqo aan lasoo koobi karin albaab kaste oo khayr leh Alle ayaa kuu furi doono.

Riyada wiil gabar tufaax siinayo oo darteeda u dagaallamayo

Riyada:  Acs walaal waxan ku riyooday  wiil aan  aqaano oo aniga dartey  u dagaalamaya    aniguna waxan isku eegayaa  muraayad  waan qurux badnaa    wuxuu i keenay tufaax waan cunay  oo macana ilaahay ha ku barakeyo walaal. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa nin inuu kusoo dooni rabo oo adigana aad diyaar u tahay in lagu guursado, wuxuu isku dayaa ninkaas inuu dhankaaga soo aado asoo loo diidan yahay inuu ku guursado.

Riyada gabar boqorad noqotay oo lagu wado kursiga boqorada

 Riyada: Acs sheekh waxan kuriyoday aniga o noqday  boqorad  waxa liguwaday waxa boqorada lagu qaado aad ayaan u qurux badnaa ilahay hakushafro. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof laga dambeeyo oo shakhsiyad adag leh oo aan dadka ka baqaynin, sidoo kale xiriirka aad dadka la leedahay wuu sii weynaan doonaa, waa lagu qiimeyn doonaa.

Riyada gabar aan dhalay oo iga lumayso

Riyada: Riyada Gabar aan dhalay guriga aad aan dhahAa meesha guriga ku yaala u tilmaamaa way lumeysaa wiil an Meel ku arkay asna iyada caml uyar baan leeyahay guriga gal ku kumashqula teda wan ilaway man gen guriga rerka marka waca leyahy inantii ma idin timid maya iledahay Mamada riyadas arkay wallkay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in dhbaato ay ku haysato oo u baahan xal waliba arrimahaaga way kaa kala daadsan yihiin marka Ilaahay hakuu sakhiro amuurahaaga.

Waxaa ku riyooday ninkeyga telki anigo wacaya dhoor jeer

Riyada:  Saakay waxaa ku riyooday ninkeyga telki anigo wacaya dhoor jeer igamana qabanayo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inuu idin ka dhexeeyo adiga iyo ninkaaga dagaal mana rabo ninkaaga inuu xalliyo waxa idinka dhexeeyo diyaarna uma aha heshiis.

Riyada naag la qabo oo guriga ka baxayso

Riyada: Wallky waxa ifasirta dhowr mar waxa ku riyooda anigo albaabka gurigeyga ka baxaya Wana la iqaba. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka bixi doonto waxyaalo muddo badan ku haystay oo aad ku dhex jirtay, riyada ka bixidda albaakga guriga waa isbadal kuu imaan doono. Waliba marka uu yahay qofka arkay qof wax ku xiran sida naagta la qabo oo kale.

Waxan ku riyooday aniga oo canab oo bislaaday guranaya

 Riyada: Waxan ku riyooday aniga oo canab oo bislaaday guranaya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto barwaaqo, canabka bislaaday oo la guranayo waa khayr badan iyo barwaaqo, waxaadna ku heli doontaa si degdeg.

Riyada qof aad isku dhacsan tihiin oo malab ku siinaayo

Riyada: acs sheekh waxan kuriyoday   qof an isku dhacsanahay  meel  beera   aan wada joogno waxa  kamid ah geedka  canabka  iyo geedka gobka    waxau isanayi  malab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heshiin doontaan oo uu si fiican kuula dhaqmi doono inshaa Allaah riyada waa bishaaro.

Walaashay waxay igu riyootay anigoo labo mataanood dhalay

Riyada: Walaashay waxay igu riyootay anigoo labo mataanood dhalay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa khayr badan iyo barwaaqo, haddii aad tahay qof uur leh inshaa Allaah si nabad ayaad ku dhali doontaa, guud ahaan riyada mataanaha waa riyo bishaaro khayr ah.

Riyada akhriska quraanka iyo dalabka hooyo suuqa inaan aado

Riyada : Waxa kalo raba Ina ifasirto aniga hooyo iledahay kalay suuq i aad waan xanunsanahay Ana an leyahy isug hooyo quraan aqrisanaya lkn kitaab Ina gacnta ku hesto maxsuusti balse quraan aqrinaya leyahy. Fasirka: Walaal riyadan waxay tilmaamaysaa inaad ku toosan tahay waddada saxa ah oo aadan ku mashquulsanayn waxyaalaha kaa musquulinaya xuska Ilaahay iyo cibaadada waa riyo khayr ah. Brother, this dream indicates that you are on the right path and you are not busy with the things that bother you in the remembrance of God and worship. It is a good dream.

Riyada hooyo anoo cadar u geeynaya

Riyada:  Anigo cadar ugenaya hooyo ayaan ku riyoday,  cadar aan isticmaala oo guriga iyala hooyo ugenayay qolkayga cadar iyala Aya so qadanaya hoyaday sariir jifta ugenayy midas arkay. Fasirka: Riyada cadarka oo hooyadaada aad u geeynayso waa riyo aad u fiican waad ka farxin doontaa hooyadaada waxay kaa arki doontaa waxyaalo ay aad ugu faraxdo oo adiga aad samaysay waa riyo fiican. The dream of perfume that you bring to your mother is a very good dream you will please your mother will see things from you to be very happy and what you have done is a good dream.

Riyada ilkaha oo dhan iga daadanayo

Riyada: Asc wll waxan ku riyooday ilkahayga Oo is xoqayo kadibna ay jajabeen dhamaantood oon tufayo kuwo kalena ka soo Hoos baxayaan kadibna dhigi biyo isaga luqluqayo ilig dhulkan ku tufayna soo qaaday wiil sxb nahay u dhiibay, Ma i fasiri karta mhdsnid Fasirka: Walaal riyadan waxay tilmaamaysaa inaad cimri dheer helayso heer aad ka gaarto inay ilkaha oo dhan kaa daataan, riyada ilkaha oo dhan daadanaya waxay tilaamaysaa duqnimo iyo gabow inshaa Allaah waxaad gaaraysaa cimri aad u dheer.

Riyada kalmadda towxiidka maxay tahay

Riyada: Asc wall waxa ifasirta waxa ku riyoday anigi leh laa ilaaaaha ila Allah wa si fasira waxa si dhaha la nacbuhu xaqu ila Allah Allah asaga ahen majiro koonkan Allah wa khaaliga kaliya leeyahy maxe tahy fasirkeda Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof Ilaahay jecel oo imaan leh marka ku dadaal cibaadada Alle Ilaahay ha ku barakeeyo walaal.

Riyada qofka oo malab saafi ka guranaya meel shini ka buuxdo

Riyada: acs walaal waxan kuriyoday  shinida    meel ay kabuuxdo  anigu na  malab safiya an kasoguranayo   waxan dhahaya wa malab qaliya   umacana waan cunay shinidu waxaba imayelin walaal ilahay hakubarakeyo  maxay noqonaysa. Fasirka: Walaal waa wax fiican waxaad helaysaa muraadkaaga waxayna u badan tahay arrintaas inay noqoto hanti iyo mustaqbal fiican oo si sahlan aad ku helayso, sidoo kale malabka saafiga wuxuu noqon karaa guur aad u fiican.

Riyada gabar iyo walaasheeda oo musqusha iskula jiro

Riyada: Asc wallky waxa ifasirta anigo musqul kuwada jiranay walashay igayar baa aniga musqusha ku saxaronaya iska dhaqaya markas kadib iyadu caag be Colgate ku dhijinesa aniga kadib musqusha mesha godka ku dhax dhaca walashay icawi dhaha iyadana wa ika diidesa wadnaha ixanuna Fera ixanuna iledahay kdb aniga xoog uka kacaya godka kdb bananka so aada riyadan ifasir abwe Aniga walashay waan is dagalnay mar hore blse we iga xanaqsan tahy iyadu sakay riyadana arkay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in adiga iyo walaashaada oo wax laydin ka faafin doono oo dadka ay ku sheekeysan doonaan, waayo labadiina oo musqusha iskula jira wax fiican ma ah, marka waxaa fiican inaad iska ilaaliso wixii xumaato ah,  dadka yeysan idinka faa'idaysanin.

Riyada cunitaanka geedka bocorka

 Riyada: Acs sheekh waxan kuriyoday  wiil aan shekaysano intu geedka bocorka intu  beeray  oo geedka midhihisa  isinaya oo macan sheekh  ILAHAY khayr hakusiyo. Fasirka: Riyada waa riyo fiican waxay tilmaamaysaa inaad helayso waxyaalo aad ku faraxado waxaana sabab u noqon kara qofka ku siinaya. Sidoo kale riyada bocorka waxay tilmaamaysaa qofka inuu helayo darajo sare.

Riyada dhul cagaaran geedo leh oo aan ayeeyo la joogo

 Riyada: Asc wr wb walaal. Salaan ka bacdi, waxaan ku riyooday aniga iyo ayeeyo oo marhore dhimatay oo isla joono. Aniga iyo ayeeyadeey waxaan joognay meel beero ah, dhulkiisana mala arkaayo oobeerta geedaha iyo miraha kabaxaayo bes lee loo heeds. wax dhismo ama guryo bad ah aan ku oolin. Oo wada geedo ah beerahaas oo miro nuuckasta kabaxaayaan waxkasta cunto ah la beerto. Aniga iyo ayeeyadeey waxaan saarneen geed korkiisa, geedkaas wuxuu lahaay meel sidii sariirta camal u sameysan oo lajiifan karo ama lagu fadhiisan karo, waxuuna u hagaagsanaa sidii in loogu tala galay jiif iyo fadhi mana lagu caajisaayo mana lagudaalaayo hadaa seexatid ama fadhiisatid. Geedahaas meesha ku yaalay aan korsaarnen beerta ayey ka midtahay oo mirihii ayaan cunaayey oo nuuckasta ku yaalay, marka aniga kor aan saarnaay ayeeyana wey iga hooseesay. Waxaan cuneeynay mirihii geedka kabaxaayey markaas ayaan intan miraha soo gooyo ayeeyo siinaayey oo hoosteyda jiifto. waxaan  siiyo oo Kaliua ayeey cuneeys...

Gabar ku riyootay wiil xiriir ay leeyihiin oo is gubay

Riyada:  acs wll riyadan  inanba isodhibatay waxay kuriyotay  wiil ay xidhidh lahanjiren    oo iyada radinaya    waxay dhahday  iyaduna way diday isaguna u isgubay   waxay dhahday waan naxay  waxay dhahday  dadku way arkayan laakin umaimanayan iyada bakhtisay  waxa lagu dhahay na  wuu waalan yahay       waxay  tagtay guri kale ukabaimid     ilhy hakubarakeyo wll  Fasirka: Walaal riyadan waxay tilmaamaysaa wiilkaas inuu gabadhan aad u rabo oo uusan ka maarmi karin marka waxaa u fiican inay guursato haddii wax reebaya aan jirin.

Gabar ku riyootay wiil oo siinaya ubax iyo mobile

 Riyada: walaal labadn riyaba yada isodhibatiy  riyadan waxay dhahday  waxau  i geeyey meel aad quruxbadan   waxau tusaya xidigo ad quruxbadan   waxay dhahday  waxau sinaya ubax  iyo  mobil qaliya  waxau soqaday qalin iyo waraq waxau kuqoriy magaceda walal ilahay hakuxafido  isojawab  wll. Fasirka: Walaal riyadan isla macnihii ayay tilmaamaysaa wiilkaas inuu gabadhan uu rabo oo uu jecel yahay oo uu guur ka rabo, marka sidaan kuusoo sheegnay waxaa habboon inay is guursadaan intay qalad gali lahaayeen.

Riyada mugdiga lagu dhex soconayo

Riyada: Waxa ifaisrta wallkay mugidga badana ku riyooda markastoo aan seexda mugdi le arkaa ano dhaxsocda ifasir. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof aad u fikiro oo la kulmay murugo badan, waxaad dareemaysaa kalinimo waxaad u baahan tahay qof ku dareemo oo qalbiga kuu dejiyo, marka Ilaahay hakuu gargaaro oo khayrka iyo wanaaga ha ku waafajiyo shartana hakaa qabto.

Fasirka riyada dhaqitaanka timaha

Riyada: Anigoo timaheyga dhaqaya ifasir walaal. Fasirka: Riyada dhaqitaanka timaha waxay tilmaamaysaa nolol nadiif ah iyo khayr badan sidoo kale qofka inuu ku toosnaanayo waddada saxda ah waa riyo aad u fiican. Waxaa kaloo ay tusinaysaa qofka inuu ka caafimaadayo wixii jirro uu ka sheeganayo.

Riyada lo' oo qofka kusoo ordayso

Riyada: Asc walal waxa raba Ina ifasirto riyadan lo' ku eeryaneso ama kugu soo ordeso maxey tahy micanheda. Fasirka: Riyada lo'da waxaa lagu fasiraa sanadka, haddii lo'daas oo kugu soo ordeyso ay tahay lo' cayilan oo barwaaqo ka muuqato waxaad helaysaa nolol barwaaqo leh haddii ay tahay lo'daas lo' xayeesi ah oo caato ah waxaad la kulmaysaa sanad xoogaa shiid ah marka riyada lo'da inta badan sidaas ayaa lagu fasiraa.

Riyada qof kuu keenaya macaan iyo dhar cagaaran

Riyada : Acs walaal waxan kuriyody qof aan aqaano  oo iskudhacnay oo ikenaya  macan  iyo dhar cagaran   dharka waan gashaday waan kufaraxsana walal  ilhaay hakuxafido. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa nabad iyo ammaan, qofkaas waad heshiin doontaan wuuna ku raalli galinayaa marka riyada waa khayr inshaa Allaah.

Riyada kursiga cagaaran iyo hagaajinta timaha

Riyada: Waxan kuriyody wiil aan xidhidh leenahay oo kursi cagaran igu fadhisiyay oo timaha ihagajinaya  keeg cad isanaya  timahu way quruxbadnayen  anigu na  waxan kufaraxsana  timaha sidu igu hagajinayo ilahay hakubarakeyo   muqalada wan kalely  wan dhagista  wa Ramadan ne cibada ilhay hainaga aqbalo wll ilhy hakubarakeyo  muradkaga hakufudiiyo isojawab. Fasirka: Walaal riyada waa riyo tilmaamayso inaad heli doonto qof aad kuu daryeelaya oo nolol fiican aad la wadaagayso. waana qof si fiican kuu tixgalin doono, haddii aad doob tahay waa guur haddii aad xaas tahayna ninkaaga ayaa Ilaahay kaaga dhigaya qof aad kuu jecel.

Riyada canab oo guriga daboolay oo la cunayo

Riyada: Asc wr wb walaal. Salaan ka dib walaal waxaan ku riyooday aniga oo guri joogo guriga wuxuu leeyahay deed ween oo furan. Guriga waxaa ka baxaayo canab, canabkii ayaaba gurigii dhan kor ka daboolay markaan kor fiiriyo ma arkaayo cirka oo geedkii canabka ayaa daboolay aniga canabkaas ayaan iska cunaayey canabka wuxuu ahaa midkaan 🍇  aad ayuuna u macaanaa oo waan iska goostaa oo cunaa ileen guriga dhan buu daboolay we geedka canabka. Fasirka: Walaal waa arsaaq fara badan iyo khayr badan Ilaahay ku siin doono waliba si dhib la'aan ayaad ku heli doontaa, qofkii ku riyoodo asoo canab cunaya Ilaahay wuxuu sahlayaa arrimhiisa oo dhan, gaar ahaan kuwa la xiriira nolosha.

Riyada guri weyn iyo abuuridda geedo miro leh

Riyada: Asc wr wb walaal? Salaan kadib, waxaan ku riyooday aniga oo uur leh guri fillo aad u ween oo aad u qurux badan dhul ween oo banaan heesto dhulkaas oo ah dhul wax lagu beeri karo markaas ayaan waxaan ku abuuray ion ku tijaabiyey Hal miro isla malintii ku xigtay mirahii waaba soo baxay markaas ayaan dhulkii inta badan miro ku abuuray markaas uu mirihii isla markiiba dhalaa dhulkana waxaa uu ahaa dhul aad u nadiifsan oo hagaagsan  sidii in la hagaajiyey oo ladiyaariyey in wax lagu beero lakiin dadkii meesha joogay wax maku abuuran aniga markan bilaabay oo beertii abuuray ayey ayagana igu daysadeen lakiin meeshan miro ku abuura ba horey ayuu kasoo baxaa oo waqti dheer maqaadanaayo Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa camaal suuban iyo barwaaqo inaad isku heli doonto, guriga weyn oo ku yaalla meesha bannaan waa khayr aan lasoo koobi karin miraha aad beerayso waa camal fiican oo ajir aad ka heli doonto, waa riyo aad u wanaagsan, waxaad usii dhowaanaysaa Ilaahay cibaado badan ayuu k...

Riyada booqashada Makka iyo kacbada

Riyada: Asc wr wb walaal? Walaal waxaan ku riyooday aniga oo makkah joogo, waxaana u socday dhinaca kacbada, waxaana u maleeyaa inaa salaada waqtigiisa la joogay oo aan rabay inaan soo tukado. Makka waxaan u maleeyaa inaan cimro u joogay. Jazakallah kheyr walaal. Fasirka: Inshaa Allaah riyada waa riyo bishaaro xambaarsan waxay tilmaamaysaa ammaan iyo nabad iyo guul sidoo kale inaad xajka aadi doonto mustaqbalka. 

Walaashay waxay igu riyootay anigoo sanbuus ibinaya

Riyada: Walaashay waxay igu riyootay anigoo sanbuus ibinaya. Fasirka: Riyada waa riyo tilmaamaysa barwaaqo isbadal lasoo gudboonaanaya noloshaada marka waa khayr riyada ay aragtay walaashaada, maxaayeelay cuntada iyo ganacsiga waa wax fiican marka lagu riyoodo.

Riyada qoraalka wax lagu qorayo warqada cadda

Riyada: Waxa kalo ifasirta riyada waraqada cad aan wax ku qoraya miis ag fadhiya an ku dulqoraa  waan buuxinaa warqada dhan. Fasirka: Riyada qoraalka waa riyo fiican waxay xambaarsan tahay wax aad u qiima badan waxaa ka mid ah guul iyo mustaqbal fiican iyo talo iyo sharaf waayo qalinka iyo warqadda waa furaha aqoonta iyo cilmiga, marka riyada waxay tilmaamaysaa arrimo badan inay kuu furmi doonaan.

Riyada booqashada saaxiibta iyadoo walac ah oo timo dheer leh

Riyada: Asc bahda daruuro  waxaan ku riyooday xalay gabar mar hore iskugu kaaya danbaysay oo dagan guri an lahaa mar hore anaa kiro ku daganaan jiray   oo wan kaguuray  iyadoo dagan baan soo booqday bàn lsleeyahay waxaana u imid iyadoo walaca  xoogaa dhafoor xun walaca dartii markaa waxan ku dhahy qolkan ani jiifkaa ii ooli jiray waayo qolkanaa wayn labada qol waxayna igu tiri kan caruurtaan u bananeeyay kaa yarbaan jiif ka dhigtay markaa tinteeda oo aad u dheeratay lkn intay walacaysay may shan layn  waxan dhahay tinta way kuu baxdee maxaa iskaaga shalayn waysay waxay dhahday waan cajisnaa hadan shalaynaa tinta maday dheer bay ahayd lkn iskau yara maran   Aniga  xaas baan ahay  Gabadhaasna iyadoo xaasa igu dan baysay waa hore Fasirka: Inshaa Allaah waxaad heli doontaa war aad ku faraxdo iyo arrimo  mustaqbalka khuseeya waliba waxay la xiriiraan noloshaada hore marka riyada waa khayr 

Waxaan ku riyooday aniga oo cijiyaha afkeyga ku jaraya

Riyada:  Asc walaal waxa ifasirta riyadan cijiyaha anigo ilkahega ku jarayaMicnaha waxaan ku riyooday aniga oo cijiyaha afkeyga ku jaraya micnaha afkeyga ku gooynaya cijiyaha. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad badan inay ku xasdayaan oo ay kaa maseerayaan, waxaa kaloo ay tilmaamaysaa dadkaas inay ku wareerinayaanm inay hadal kugu wareerinayaan, waxaa laga yaabaa dadkaas inay yihiin dad aad kuugu dhow oo saaxiibo aad tihiin. Riyada waxay wadataa sidoo kale bishaaro oo ah dadkaas inaad ka adkaanayso oo aysan kaa guulaysanaynin, oo noloshaada aad ka saarayso.

Riyada ninkayga oo xabbad ku dhacday

Riyada: Waxan ku riyoday ninkayga xabad kudhacday Waxay igu soo  nuqatay 2mar mar asagoo xabad  kudhacday  oo dhintay marna asagoo xabad kudhaawacmay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad la kulmi doonto arrimo kuu keenaya ciriiri waxaa laga yaabaa inay yihiin walwal iyo fikir badan marka Alle talasaaro oo digriga Alle ku dadaal adkaarta akhriso. Ilaahay sharteeda hakaa qabto

Riyada saaxiibkayga oo sheegaya xaaskayga inuu la raaxaystay

Riyada: A S C, wll xalay waxan ku riyooday anigo qol kula jira wiil an bari hore saaxibo an ahayn iyo gabadha xaaskayga iyo laba gabdhood o kale marka aniga iyo wiilka saaxibka an ahayn dhinac ban isla fadhinay gabadha xaaskayga iyo labada gabdhoodna dhinac bay wada fadhiyeen marka wiilka igu idhi gabadha ma xaaskaga aniguna haa ban ku idhi kadib wuxu igu yidhi gabadha bari hore ayaan xirir wada lahayn o dhawr jeer ban wada raaxaysaney ama galmo na'dhax maray inaan galmono aad bey u jec'laayd marka ana ban u yaabay o waxan ku idhi war maad hubta ma runtaa ba haa wan huba bu igu xita hadaad rabtid ina hor gee o wan kuhor cadeyni ayu yidhi ana haye ina kici ban ku idhi markan kac'nay en dhinacay fadhiday tag'nay gabadhi xaaskayga wan weeynay kaliya labadi gabdhood unba mesha fadhiyay e bal riyada i fasira khayr ale ha idin siiyo? Fasirka:  Walaal riyada waxay tilmaamaysaa gabadha xaaskaaga inay adiga baahi weyn kuu qabto adigana aadan ogeyn baahidaas intay la eg tahay mar...