Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2023

Gabar ku riyootay iyadoo laba nin guursatay

 Riyada: Asc wll waxan ku riyoday anoo laba nin guursaday marka mid ayaa aroos ii dhigay  kaa arooska ii dhigay wajigiisa ma arkayo kakale wax yar arkayey mesha waxa joogay aros ka hesayey fanaan caana markasta ila socday marka qof wajiisa ma  arkayn lakiin fananka waan arkayey 😢😢 Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrimo dood iyo buuq leh inaad lugaha la gali doonto guud ahaan riyada waa digniin iska jir wixii dhib kuu keeni karo Ilaahay hakaa ilaalisho sharteeda.

Riyada la kala celinayo laba caruur iyo hadalka qofka meydka

Riyada: Asc walaal waxan ku riyooday anoo laba caruura kala celinaya kadibna mid xabaal kujira hadana waaninaya qofkii xabaasha kujiray oo uu ila hadlay  fadlan iiso jawabaab. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa dad inay noloshaada soo faragalin doonaan iyo inaad xallin doonto mashaakil la xiriira qoyskaaga ama noloshaada sidoo kale inaad go'aan fiican qaadan doonto

Riyada dhiiga caadada oo daadanaya iyo labo bisad

Riyada: asc wll waxaa jirto gabar saaxiibtey ah waxay kusoo riyootay iyadoo musqul ama suuli kujirto dhiiga caadada u imaaday zaaid ayuuna usocday dhiiga waxayna kufadhiday tuunjiga fadhiga oo cadaanka eh kadib iyadoo laban dhiiga ayaa tuunjiga laqay waxaa meesha joogay 2bisad mid ayaa gacanta utaagtay way lasoo dhacday mida 2aad ayaa lawada badbaadisay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inay dad u dhow kala kulmayso mashaakil badan iyo dagaal xun iyo cadaawo laakin marka ugu damabayso Ilaahay waa ka badbaadinaa dagalaas iyo  cadaawadaas.

Waxaan ku riyoday anoo dheeman jeebabka iyo gacmaha ka buuxsaday

Riyada: Waxaan ku riyoday anoo dheeman iyo dhagaaxan qaali ah oo jeebabka iyo gacmaha ka buuxsaday. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in Alle hanti badan ku siin doono riyada dheemanka iyo dhagxaanta qaaliga ah waa arsaaq aad u badan oo aan lasoo koobi karin, ku shubitaanka aad ku shubanayso jeebabka waa helitaanka aad helayso hantidaas oo aad gacanta ku dhigi doonto waa laga yaabaa inay ganacsiga kaaga timaado ama dhaxal. The dream indicates that Allah will give you a lot of wealth the dream of diamonds and precious stones is a very large and innumerable sustenance, pouring it into your pockets is getting that property and you will take control of it may come from your business or inheritance.

Riyada qof deyn kugu lahaa oo ku weydiinayo deynta

Riyada: Waxan ku riyoday nin deyn igu leh on wadashaqeysano deyntiisa hada iima heysto imana weydiiyo balse xalay riyadan ku arkay aso idhahayo wexeygii hada isii. Fasirka: Riyada  waxay tilmaamaysaa fikir inuu kulasoo gudboonaanayo oo la xiriira shaqada aad iskula jirtaan  adiga     iyo  ninkaas  oo deynta kugu leh waxaa laga qaadanayaa sidoo kale riyada in Alle kuu fududeyn doono gudidda deyntaas inshaa Allaah. The dream indicates a thought that is going to pass with you in relation to the work you and that man who owes you a debt is also taken away from the dream that Allah will make it easier for you to pay that debt in the hope of Allah.

Waxaan ku riyooday sedex mas oo waaweyn

 Riyada: Waxana jirto Mar an arkey riyo masas jala ah Oo3 xabo wawen ah waxana markan kasoocararo garabkeyga waxaa tagnaa xawaryarteyda o la dhalatey hooyadey iyo sadaxnin wajigoda ma arkin bas hawaryarteyda an arkey wajigeda Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil idinka dhexeeyo oo dad dagaal idin kula jiro habaryartaada ayaana lug kul mashaakilkaas iyo niman qaraabada ah.

Waxaan riyo ku arkay anigoo lacag iga dhuntay hadana aan helay

 Riyada: Waxaan riyo ku  arkay anigoo lacag iga dhuntay hadana aan helay Laba habeen  oo isla sidii ah, lacagtana waa lacag Saudi oo shanshan boqol riyal obadan Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ka gaabin doonto cibaadada oo aad dayici doonto waajibaadka salaadda iyo danbiyo badan inaad gali doonto oo la xiriira salaadda iyo cibaadada,  lumitaanka lacagta waa sidaas, helitaankana waa ka towbadkeenka aad ka towbadkeenayso dambiyadaas, guud ahaan riyada waa riyo digniin ah ee iska ilaali dambiyada aad faraha kula jirto. The dream indicates that you will fall short of worship and neglect the obligations of prayer and many sins that you will commit in connection with prayer and worship, the loss of money is so, and getting it is from repenting of these crimes, generally the dream is a warning dream so beware of the crimes you are committing with your fingers.

Waxaan ku riyooday anoo waysaysanayo oo wajiga maraya

  Riyada : Asc riyadan isi fasir wlaal  Waxaan ku riyooday anoo waysaysanayo oo wajiga maraya Ayaan soo kacay gaacntiina wajiga ku haya. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa khayr iyo bishaaro sidoo kale towbad iyo towfiiq, sidoo kale in Ilaahay kaa badbaadin doono arrimo dhib wata, weysada waa wax aad u fiican marka lagu riyoodo. Dreaming describes goodness and good news as well as repentance and repentance, as well as that Allah will save you from difficult things, it is very good when you dream.

Waxaan ku riyooday anoo suugo kaligeeda cunaya

 Riyada: Asc riyadan isi fasir wll  Waxaan  ku riyooday anoo suugo cunayo kaligeed, micnha baasta kuma cunin, roodhina kuma cunynin  Fasirka: Walaal riyada aad cunayso suugada kaligeeda waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto nolol fiican iyo barwaaqo waxaadna ku heli doontaa qaab fudud, waxaa dhici karto inay noqoto nolosha mustaqbalka guurka haddii aad tahay qof wali aan guursanin, haddii aad xaas tahayna waa barwaaqo guud ah ayaad heli doontaa. Brother the dream of eating soup alone indicates that you will have a better life and prosperity and you will get it in a simpler way, it may be the future life of marriage if you are a person who is not yet married, and if you are married it is a general prosperity you will have.

Riyada ayeeyo waa hore dhimatay oo xanuunsan

Riyada: Asc wr wb walaal, salaan kadib waxaan rabaa inaan ku weydiiyo, waxaan ku riyooday ayeeyadeey hooyo dhashay oo dhimatay 2013 ayaan ku riyooday, iyada oo ciyaalkeeda la joogto oo meel fadhiyaan waxaana la fadhiyeen dad kale, gabadheeda iyo naago kale ayaa la fadhiyey wey sheekeysanaayeen oo na qoslaayeen. Ayeeyana wey madluunsan oo sidii qof xanuunsan oo kale meel gooni ah ay fadhiday. Aniga oo socdo ayaa imaaday markaas aan xanaaqay oo ayeeyo sida ay u taalo ayaa I dhibtay, kadib biyo iyo maro aan soo qaatay ayaan ayeeyo u qabeenaayey aniga oo xanaaqsan. Markas qof aa noo imaaday I weydiiyey maxaa u dhacay mamada uu dhahay markas ayaan waxaan u sheegay ineey xanuunsantahay oo gabadheeda meeshaas fadhiso ayaan u tilmaamay qofkii aan ku dhahay fiiri taas waa gabadheeda iyada dhashey mana daryeeleyso hooyadeed oo xanuunsan mana u naaxariisaneeyso hooyadeed, waxaana weydiiyey gabadheedii meeshaas fadhiisan, maxaa tahay adiga ma awoodi weysay inaa hooyada u qabeyso nadiif isoo...

Waxan ku riyooday anigoo laii dhalay laba wiil

Riyada: Asc walaal waxan ku riyooday anigoo laii dhalay laba wiil aniga weligee ma guursan 19 sano ayaan jiraa wiilasha lai dhalayna somali uma ekeen labadoodaba mid gabar somali ayaa iidhashay midna gabar Mexican ah sidoo kale wiilasha mid kamid ahna asigoo ilko badan leh ayuu dhashtay mahadsanid Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay kuu bilaaban doonto nolol cusub oo leh mustaqbal fiican, dhalmada caruurta waa wax fiican marka riyo lagu arko waana mustaqbal wanaagsan iyo nolol fiican. Nambarka labada wuxuu astaan u yahay arrin labalaab ah, taasoo laga wado wax badan ayaad helaysaa oo barwaaqo ah.  Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa inaad dhex gali doonto dad shisheeye ah ama aad dibadda ku noolaan doonto. Dreaming indicates that you will start a new life with a better future, having children is good when you see it in a dream and it is a better future and a better life. The number of the two is a sign of a double thing, which means that you get a lot of prosperity. It is also und...

Waxan ku riyoday libaxyo fara badan oo so weraray xafad

Riyada: Waxan ku riyoday libaxyo fara badan oo so weraray xafad an ku sugnaa dadkii ila jogay iyo aniguba waxan qadanay ulo labada dhinac sakiin uga xirantahay libaxii wuu cararay mid ayaa wuxuu galay guri nag iyo ilmaheda jogan ayadana wey garacday banan ka ayey uso turtay anagoo rabno inan dilno ayuu hadlay ur ayan leyahay ilmo ayaa iijogo ha idilina kadib waxan amray inan la dilin riyo yin kaa hal haben ayan ku riyoday waa maxay Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad kala kulmi doonto dhibaato ama xadgudub dad cadow ah oo adiga dhib kula raba, dadkaas waad ka adkaan doontaa wax dhib kuuma geeysan karaan laakin waxay iska dhigayaan dad dhibban oo u baahan in loo naxariisto waa dad labowejiileyaal ah marka riyada waa digniin. The dream indicates that you will face hardship or abuse from enemies who want you to suffer, you will overcome those people and they cannot cause you harm but they pretend to be victims who need mercy are hypocrites when the dream is a warning.

Waxan ku riyoday anigoo dad la socdo qoryo an wadano

Riyada: Waxan ku riyoday anigoo dad la socdo qoryo an wadano waxan waardiyeyney xafadaha waxan ku so adnay suuq ragii ila socday wexey damcen iney suqa dhacan ana wan ka soo hor jestay wana ka qaday alabtii iyo wexey qadan raben Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil iyo dhibaato iyo mas'uuliyad, waliba dad adiga aad saaxiibo tihiin ay kugu riyadayaan, marka waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka qaarkii oo kuu keeni kara dhib. Dreaming describes a problem and a problem and a responsibility, and people who are your friends dream of you, when you are required to be careful of some people who can cause you problems.

Waxan ku riyoday anigoo dhulka qodayo biyo fara badan ey ka so baxayan

 Riyada: Waxan ku riyoday anigoo dhulka qodayo biyo fara badan ey ka so baxayan fara badan kadib dad ila jogey ey aqrinayan ayadaha idinka alle quseya. Fasirka: Riyada dhulka la qodayo oo ay biya kasoo baxayaan waxay tilmaamaysaa riyadaas qofka arkay inuu helayo hanti badan si sahlanna ku helayo, riyada waa riyo bishaaro ah guud ahaan. Culimada riyada fasiro way isku raacsan yihiin riyada noocaas ah inay tahay hanti fara badan inuu qofka helayo. Aaayadaha idinka Alle waxay calaamad u yihiin inuu Alle ku siinayo deeqdaas ama hantidaas. Ee ku dadaal quraanka iyo cibaadada Alle. The dream of digging the land with water coming out indicates that dream of the person who has seen it will get more wealth and find it easily, the dream is a dream of good news in general. Interpreting dream scholars agree that such a dream is a great wealth that a person gets. The verses of Allah are a sign that Allah will give you that gift or property. So strive for the Qur'an and the worship of Allah.

Waxan ku riyooday wiil aan xidhiidh lahaan jirnay oo gacmaha iyo lugaha ka xidhan

Riyada: Acs walaal waxan ku riyoody wiil aan xidhiidh lahaan jirnay oo gacmaha iyo lugaha ka xidhan dadku waxay lahaayeen wuu waashay isgu wuxuu ilahaa i caawi wuxuuna i weydiisanayay cafis walaal iisoo jawaab ilaahay haku barakeeyo walaal. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa wiilkaas inuu dhib haysto waliba la xiriira nolosha iyo murugo waxaa laga yaabaa inuu adiga kugu fikirayo oo dan kaa leeyahay oo uu kaaga baahan yahay inaad arrin ku caawiso waxaa kaloo laga fahmayaa riyada ninkaas cudur nasfi uu hayo

Riyada gabar aan la guurasanin oo uur leh

Riyada: Asc  duurweb Alxamdulilah Alle aya mahada leh Waxaan Ku Riyooday saxibtay oo uur leeh waxaan Oo uu ninki qabayna ii leyahay wataas oo waa 9bilood waxaay daba ordaysa itaxano iyo shahado ee maxan siiya waxaan idhi waxaad siisa coloob iyo subag sii tasay cuniye saxiibtayna lamba guursan oo waa gashaanti Riyada ifasir Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas in dadaal culus ay ku jirto oo ay mari doonto dhibaatooyin la xiriira mustaqbalkeeda, rafaad kadib waxay la kulmi doontaa nolol farxad leh iyo khayr badan waliba waxay gaaraysaa waxyaalaha ay raadinayso inshaa Allaah.

Riyada looska ama malmalaadada aan waalid ka qarinayo

Riyada:  Asalamu calaykum walal waxan rajaynayaa inaad caafimaad qabtaan  Waxaan ku riyooday anoo laba bac madow ah oo ay kujiraan laws/ama malmalaado qarinaya oo waalid ka qarinaya gabdho ila dhashayna siinaya  Waad mahadsantihiiin Asalamu calaykum  Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arsaaq iyo hanti inaad heli doonto, laakin dadka qaar oo ciddaada ka mid ah aadan wax ka siin doonin, waxaa laga yaabaa in waalidkaaga ay noqdaan dadka aadan wax ka siinaynin, waliba waad ka qarinaysaa wixii aad hesho oo lacag ah. Walaalaahaaga oo gabdhaha ah ayaad wax ka siin doontaa ama aad u sheegan doontaa wixii aad hesho.

Riyada dhiiga caadada anoo gacanta ku tiraya

 Riyada: Asalamu calaykum walal waxan rajaynayaa inaad caafimaad qabtaan  Wll waxaan wataa laba riyo mid waa anoo dhiiga xaydka ah intaan gacantayda kutiray aan leeyahay waxkalaan sugayay muxuu iigu yimid yacnii dhibsanaya xaas baana ahay hada dhow guursatay afar bil kahor walina wax mayeelan Waad mahadsantihiiin Asalamu calaykum  Fasirka: Riyada dhiiga caadada oo gacanta aad ku tirtay waxay tilmaamaysaan inaad goor dhow uur qaadi doonto, waxaa kaloo laga fahmayaa ninkaaga inaad si fiican isugu dhowaan doontaan inkastoo wax yar mashaakil idin soo dhexgalayaan. Riyada labaad oo tan la socotay halkan ka akhriso

Riyada nin askari ah oo xabbad lagu soo ridayo

Riyada: A S C, walal waxan ku riyooday anigo dad la fadhiya meel waddo laami ah gaadhi weyn taag'na ag'tisa marka anago fadhina ayu nin askari direys sitay o bajaaj saar'na isago nagu soo socdo ayu baas'kolad nagu soo riday lkn qof'na kumeysan dhicin kadib anigu wan ka tagay waxan tagay meel beera o cagaar ah dhinacisana wanan cad cad ay ku daaqayan ayaan ku arkay hadana kadib waxan tagay meel cilaaj ah o dadka mas'kaxda ka xanuunsan la galiyo lkn meshaa cilaaj irida anigo hortaagan wxn arkayay ninka cilaajka o dad xanuunsanaya galinayay e bal riyadan i fasira khayr ale hadin siiyo. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil iyo dhibaato oo aad lugaha la gali doonto, waxayna noqon karaan dood iyo dagaal laakin sida riyada ka muuqata waad ka badbaadi doontaa marka ugu dambeyso, waxaa kaloo riyada ay xambaarsan tahay digniin, waxaa lagaaga digayaa inaad tagto meelaha dhibka kaaga imaan karo, waxayna u badan tahay meelaha ay ku kulmaan dadka laga yaabo inay is da...

Riyada cabsida iyo culeyska qofka soo fuulaya

Riyada: asc wall waxaan Ku riyoodaa riyo cabsibadan leh taasoo mararka qaar aanqaanliyo mar Marne wax aan arkeynin ayaa korka iiga fadhiisanaayo culeesbadan ayaan dareema mana dhaqdhaqaaqi kari mahadli kari mxaas mexeey yihiin jwb wacan. Fasirka: Riyada cabsida leh inta badan waxay tilmaamaysaa qofka inuu sixran yahay ama il inay hayso, waliba marka qofka ay kusoo noqonoqonayso riyada, marka seexaynayso akhriso adkaarta hurdada maxaayeelay shaydaanka ayaa ku cabsigalinaya marka iska jir inaad seexato weyso la'aan. Marka culeyska iyo cabsida badan waxay astaan u yihiin sixir iyo il ama walal adigoo ku hayo inaad seexato taasna way ka imaan kartaa waa riyada qarawga.

Riyada wiil aan saaxibo ahayn xiliga aan yaraa

Riyada: Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday wiil aanu saxiibo ahayn yaraantii oo ay iigu danbaysay 23 Sano kahor Waalkasi magaciisu waa Mohamed cabdilaahi ayaa la oran jiray Waan isku soo boodnay oo laabta is isgalinay Salan kabacdi ayaa waxuu iisheegay inuu hayo sawiradii yarantii markan dugsiga dhexe ku jirnay waxaanu ii shiday video Kala gadisan gaar aanu anoo Ilaa sadax ah anagoo ciyaarayna anagoo qoslayna anagoo gabdho laqoslayna anagoo magalada socona anagoo xaflado joogna aad ban u ugu faraxsanaa oon raaxaysanayay waqtigii quruxda badnaa een soo wada qaadanay guud ahaan asxaabtaydii Waxaan daawanayay anoo suuqa dhex socda anoo labis qurux badan wata Waxaana la igu lahaa waa sidan Anoo buur saaran ayaa dad igu lahaayeen waasidan awliyadu ama qaabkan ayay awliyadu u shaqaysaa Awliyadasi la ii sheegayo waxay ahayeen kuwo culimo ah oo waa hore dhintay waxaana la ii sheegayay qaabkii ay u shaqayn jireen awliyadu Runtii riyadaasi waan la...

Riyada gabar qubeysanayo oo jirkeeda qeyb ka muuqata

Riyada: Asc Allah mahadleh Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo LA socda gabadh aan aqaano oo jaar nahay, waxa Nala socday wiil Waxaan tagnay iskuul . Iskoollka aantagnay ayaan dayrkiisa fuulay, gabadhasina korban usooqaaday oon soo saaray Halkaasi waxaa ku yaalay hal qol,qolkaasi ayay gabadhi gashay,Ana qolkaasi dushiisa Ayan jooga Waxan arkay iyadoo maydhanaysa dharna xidhay lkn ay muuqdaan naasaheeda iyo jidhkeeda qayb ka mida Waxaan ugu shubayay biyihii waanan u maydhay anoo LA jaaban quruxda gabadhaasi waxay lahayd naaso waawayn oo cadcad iyo jidh aad u qurux badan waanay buuran tahay Waxaan taataabtay jidhkeeda ila badhida ,naasaha iyo xubinka taranka aan xataa fartayda galiyay iyadoo macaansanaysa Waxaanay iga dalabtay galmo lkn waxaan xasuustay Allah oo waan ka joogsaday anagoo wada qoslayna aadna aan u wada faraxsanayn Allah mahadleh Fasirka: Riyada waxaa laga fahmayaa nolol adduun iyo raaxo badan inaad heli doonto, marka...

Riyida xayawaan ii tilmaamayo meel dahab laga qodayo

Riyada: Allah mahadleh Asc Waad mahadsan tihiin webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo jooga meel banaan oo wada ciida Ayaa waxaa agtayda qodayay Ay Madow ama shabeel madow Waxuu qodayay dhulka Wuu ila hadlay waxuu igu yidhi halkan dawladaha ajaanibaa dahab ka qotee oo ku qarsadee kaalay arag oo qaado waa u imid meeshii oo waxaan imid qodan oo dahab ka buuxo waxaan qaatay dhagax aad u wayn oo dahaba oo dhalalaya Hoostan gashaday anoo dadka ka qarsanaya waxaanan fuulay geed wayn oo dheer Allah mahadleh. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa hanti inaad heli doonto waxaad la kulmi doontaa ama aad la shaqayn doontaa dad kala duwan qaar cadow ah qaarna fiican marka waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka qaar oo xaasidka ah. Dreams indicate property that you will get you will meet or work with different people some enemies and some are good when you are required to protect yourself from some jealous people.

Gabar ku riyootay rag kufsan rabo saaxiibteedana la kufsaday

Riyada: wll waxaa jirto gabar saxibtey ah wali lama guursan waxay xalay kusoo riyootay iyada iyo gabar ay ledahay wa saxibtey riyada dhex deeda caadi ahaana qofkay eheed ma xasuusato iyagoo isla socdo ayee meel shirkad hormuud galeen waxaa joogay nin xogaa cayilan kadib ilbaabka ayuu xirtay wuxuu uwacay rag ilaa 3cml garayo iyada wayka soo fakatay lkn miday isla socdeen ayaa lakufsaday kadib guriga ayee imaaday waxay aragtay isla ninkii kasoo baxsatay oo guriga ugu horeeyo oo guriga salaad kutukanaayo way yaabtay waxaa lajogay gabarta wllked waxay ku dhahday abwe ninkan muxuu inta kasamaynaa way kasoo carartay waxaa soo bursaday wllked iyadana waykacarartay Fasirka: Riyada waa digniin gabadha  waxaa laysaga digayaa nin iska dhigaya qof wanaagsan laakin aan wanaagsanayn, marka waxaa laga rabaa inay taxdar ka qabto raga noocaas oo kale ah oo guur kasoo dooni kara. Adiga xataa digniinta waa ku jirtaa iska ilaali nimanka munaafuqa ah oo labada weji leh.

Riyada anoo duulaya oo baqara akhrinaya oo xarig cad iga soo laalaada

Riyada: Asc Allah mahadleh Waad mahadsan tihiin webka daruur Allah macak Waxan ku riyooday anoo habeen magaalada dusheeda duulduulaya Oo akhrinaya suuratul baqara Waxaana iga soo laalaaday xadhig dheer oo cad, oo dhulka usoo dhow Waxaa hoostayda joogay rag askara iyo nimankale oo yaaban waxay isyidhaahdeen xadhigii cadaa iga soo laaladay qabsada waysoo laaceen Ana kor ayaan uga duulay oo imaysoo gaadhin Iyagoo gacmaha kor usoo taagsyan sare u ga duulay Intan ku qoslay Allah mahadleh Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isla  riyadii aan kuu fasiray waana sarrayn iyo awood inaad yeelan doonto. Halkan ayaad ka akhrisan kartaa riyadaas: Riyada qofka oo duulaya asoo suuratu albaqara akhrinaya  Waxaa raacsan riyadan dad inay jiraan oo kula tartamaya oo raba inay kaa sarreeyaan laakin aan ku gaari karin.

Haweeney ku riyootay hooyadeeda oo waqti hore dhimatay

Riyada: Sheekh waan kusaalam sheekh waxad ii fasirtaa habar yartay baa waxay ku riyootay hooyadeed oo dhimatay mar hore iyadoo isu jebinaysa kadib way ka tagtay oo suuqa bay aaday kadibna iyadoo suuqa joogta bay xasuusatay in ay hooyadeed dhimatay kadibna way ka qoomamootay markaasay gurigii usoo carartay gurigii waxay kula kulantay wadaado dhar cad cad iyo walaalkeed oo u xanaaqsan iyo dadkii oo uwada xanaaqsan, iisoo fasir inshallah. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa habaryartaada inay ka gaabaisay xaqa hooyadeeda, waxaa laga rabaa hooyadeeda inay u duceyso oo ay sadaqo u bixiso oo dadka masaakiinta ay wax siiso shardi ma aha inay neef u qasho ee waxaa laga rabaa inay markay salaad tukato u duceyso hooyadeeda, haddii ay jiraan dad ay ka tagtay oo hooyadeeda jecalayd qaraabada ama dersika inay xiriiriso.