Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2023

Riyada tixriga gacmaha iyo lugaha kasoo baxayo

Riyada: A S C, Walaaleyal xaaskayga waxay ku riyootay iyado gacmaheega iyo lugaheega dir'xi fara badan kasoo baxayaan markay iska tirtirto hadana dirxigu wuu kasoo baxayay ee bal inoo fasira mahadsanid? Fasirka: Walaal riyada riyo xun ma aha, riyadan waxay tilmaamaysaa xaaskaaga inay ka bixi doonto dhib ay gudaha ka dareemaysay, walwal iyo qalqal iyada hayay ayay ka raysan doontaa, waxaa kaloo riyada ay tusinaysaa in gacanteeda xoolo aduun soo gali doonaan, tixriga gacmaha kasoo baxayo waa hanti badan oo si sahlan lagu helayo, dhaxal ama hanti kale oo iyada ay heli doonto ayay riyada tilmaamaysaa. Waxaa kaloo riyada la socda inay mashaakil la kulmayso dood ama dagaal taasna waxaa laga fahmayaa tixriga lugaha kasoo baxayo.

Fasirka riyada injir badan oo dhulka socota

Riyada: Asc  wllo waan  ii diin  salammaay  dhamaan  dadiyahaa  fasirka  riyada            waxaan  ahaay  gabadh  carmal  ah  waxaan  ku  riyoodey  anigo  jifa  gogosheyddii  ayaan  arkey  injir socota  dhulka  oo waxan  is i dhi diil  oo waay  soo badatey  oo wan yabaay  oo wan eegay  injir tu  way waweneed   qarnaa   waxaay  ahayeen  qaar  dhaxe  iyo  qin dhiciil  badaan oo  cad oo aad u cad  ii meey gelin aniga  see dhulka  a yey maraysey qolka aan jifey   dabadeed   is  idhi  talo  faraheey  kabaxdee   doono wax aad ku disho  oo so qatey  bac iyo letaar  aan ku dhalaliyo   marka ayan  tosey   imacne  wllo adigo  mahad san. Fasirka: Injirta inta...

Riyada guri weyn aan degayo oo bisad sariirta hooteeda ku dhashay

Riyada: Asc bahda daruuro wll waxan ku  riyooday xili barqadii ilaa3 sac subax nimo seexday waxaan ku riyooday anoo guri quruxbadan qasriya dagay dabaq suga ah daykiisa riinjikala nooc noca marsan yahay oo korna siliga guryaha kuxiran yahay dagnay hortiisa waxaa ku taala meel gawarida lagu sameeyo  wada gaari ah oo rag badan joogaan waxaana dhinaca meesha garaashka mara luuq dhuuban oo school ay qurbajoog ledahay kuyaalaa oo isna quri dabaq suga ah markaa ani  Guriga markaan dagayay waxan haystay cunug ayar ani guri ga markii lay goglayban anicug aanlaha dhay galay iyo midka an hada ahaystoo waynayday iyo gabar iishaqaysa waxaa ilajoogtay walaashay qolka jiif waxuu ahaa waasac markaan cunuga seexiyay ayaan is iri bal guri  fiiri luuqii ayaan maray ruuxbaa igu yiri luuqa duhurarkay caruurtu baxan waalaxiraa si duugada usooarin markaan guriga kabaxay waxan gacanta ku watay sacab cusba aha waana so labatay anoo guriga kayaban quruxdiisa waxan lahaa xiliga kulaylaha korb...

Riyada gabar lagu leeyahay lacagtan kusoo xaji

  Riyada : Asc wlalah daruro gabar reer leh  ayaa ku tiyootay sidan 2 jeer Waxaa lagu yiri sidan  Naa orod waxaad hayso waa laguu dhaamaaye xaj ilaahay  aad Marka 2 Waxaa lagu yiri orad xajkaa aad waxayna tiri lacag ma haysto  Markaa waxaa loo tiriyay lacag caagar waa taase ku aad ba lagu yiri. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa gabadhan inay cibaadada Alle ka gaabinayso riyada waa baraarujin lagu baraarujinayo inay cibaadada ku dadaasho, waa qof Ilaahay khayr siiyay runtii waa naxariis Alle qofka in lagu booriyo inuu xajka aado, marka waxaa laga rabaa inay badiso daacada Alle. Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa in Alle uu u fududeyn doono xajka inay aaddo, marka riyada waa khayr iyo bishaaro.

Gabar mar kaste ku riyoota cirkoo wada bil ah

Riyada: Asc wllaha daruuro wll gabar walashay ah ayaa ku riyoota ilaa yaraanteedii ilaa hada cirkoo wada bil kabilatay  Fasirka: Riyada cirka oo wada bil ah waa riyo tilmaamayso nolol farxad leh iyo khayr badan. Marka riyada waa riyo fiican oo bishaaro iyo wanaag xambaarsan. Inshaa Allaah walaashaada waxay noqonaysaa gabar mar kaste ku dhex jirto farxad iyo xasillooni. Fiiro gaar: Fadlan hadda kaddib riyada faahfaahin dheeraad ah kasoo bixi marka aad soo dirayso

Riyada anoo dhoofay oo diyaarad raacay

Riyada: Asc wllaha daruuro wlashey ah waxanku riyooday sidan? Anoo dhoofay oo diyaarad raacay waxaana ila socday nin aad u qurux badan markaan meeshaan usoconay gaarnay diyaaradii way dagtay waxayna isu badashay bur ciid ah marka ninkii waxuu yiri dago waxan dhahay xageen ka baxaa waxuu yiri meeshaas kugu aadan feedh ku dhufo markan ku dhufattayna daaqad baaa iska banaysay waana ka baxay markaa kabahaygii baan ku ilowbay waxuuna igu dhahay iska daa kaba waalagu siine markaa sadex gabdhood oo daash jiifa aragnay waxay iilasoo ordeen 2 beer oo kaba ah micad iyo mid madow wayna qaatay mikii cada waan xirtay kii kala gacantaan ku qaatay waxaana qaadnay wado markan cabar soconay geed wada qudaaran oo cagaran bàn u nimaad nay xagaas ku dhamaatay. Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa dhibaato iyo rafaad aad mari doonto marka ugu dambaysa waad ka badbaadi doontaa, rafaadkaasna waxaa sabab u ah nin xiriir aad la yeelan doonto, haddii aad tahay gabar wali aan la guursanin ama naag garoob ah. ...

Riyada dhimashada aabe oo nool oon xanuunsanayn

Browse through our premium features and pick your favorite plan  â€Œ â€Œ â€Œ  Riyada: scw qof baa wuxuu ku riooyaday aabe oo nool laakin riyada dhexdeeda wuu dhimanaa aabanaha waa qof caafimaad qabo aan xanuunsanayn riyadaas maxaa lagu fasiraa idinkoo mahadsan. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa qofkaas inuu aad u murgi doono, inay lasoo gudboonaan doonaan arrimo laga murgo, riyada toos uma tusinayso dhimashada aabe ee waxay tilmaamaysaa xaalka qofkaas uu gali doono, waliba hadduu si xoog ugu dhex murgo riyada gudaheeda. Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa qofkaas inuu noqon doono qof meel kali ku ah safar ama meel dadka uu jecel yahay ka fog, waayo aabaha wuxuu astaan u yahay tiirka qofka uu cuskanayo, marka meesha aabe uu ka baxo wuxuu dareemayaa qofka firaaqo iyo wehel la'aan. Marka geerida aabaha sidaas ayaa lagu fasiraa markuu xaalkaas ku sugan yahay.

Riyada nin naag meel banaan ugu galmoonaya

Riyada: scw walaal waxan donaya in lay fasiro riyadan qofki arko asoo haweeney deriska galmo la sameynaya oo raaxo badan ka dareemaya galmada wuxuuna ku sameyanayaa meel banaan aan dad joogin markaas waxaa kusoo baxayo eey weyn sida maroodiga oo kale kadib wuu ka cararaa naagtii oo qaawan oo dhulka jifto. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa arrin aad adiga raadinayso laakin aad dhib iyo cabsi kala kulmi doontid, guud ahaan galmada waa gaaritaanka danta ama faa'idada aad ka helayso qofka aad u galmoonaysid laakin taas kuuma suurtagalayso waayo dhib iyo rafaad ayaad kala kulmaysaa dantaada ma gaareysid, waxaa laga yaabaa naagtaas inay fadeexo ku dhacdo waayo jidka ayaad uga tagtay iyadoo qaawan. Waxaa kaloo riyada ay noqon kartaa digniin lagaaga digayo naagta deriska aad tihiin. Eeyga wuxuu noqon karaa nin iyada daacad u ah oo ilaalo ku haya.

Riyada safarka dheer oo lugta ah muxuu noqon karaa

Riyada: scw waxaan rabaa inad ii fasirtaan qofkii ku riyoodo asoo jiro safar dheer lug ah maxaa lagu fasiraa. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa isbadal noloshaada la soo gudboonaan doono, riyada safarka dheer waa isbadal aad u weyn oo kula soo xiriiri doono, in kastoo daal culus aad nolosha kala kulmayso hadana waa isbadal fiican, waayo safarka inta badan waxaa loo galaa nolol raadis, qofka marka uu dalkiisa ka tagayo wuxuu u tagaa inuu shaqo raadiyo ama inuu waxbarasho doonto. Marka inshaa Allaah Ilaahay natiijo fiican ayuu kaa siin doonaa.

Riyada naag isu baddalayso bisad madow

Riyada: Wl ilahay ha ku barakeeyo aad ayaan u xanuunsanahay dhaqatar hadan tago waxba kuma ahayn laydhahaa Bishii hor Waxaan ku riyooday gurigayaga dhakadiisa islaan xidh xidhan oo fadhisa markaan fiiriyo bisad madow bay usu badashay waxaana ku aqriayay suuratu baqra isla riyada dhex deeda. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad tahay qof la sixray, waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho quraanka akhriskiisa waxaad badsataa ducada mar kaste oo salaad aad tukato duceyso. Naagtaas xirxiran oo bisad madow isu baddalayso waa shaydaanka sixirka qaabilsan oo adiga lugugu soo diray. Waliba waxaa laga yaabaa inay tahay qofta ku sixirtay naag.

Riyada mas cagaaran oo laga cararayo maxaa lagu fasiraa

Riyada: Asc wll waxaan kuriyooday ani islaan waa hore iigu danbaysay oo isla socona waxayna iiga sheekaysay waagan yaraa anoo meel jida marayna oon garanayo baa waxan ar a gnay mas cagaaran oo kubre ah aad u qurxan waxana ku dhahay maskaas oo kale waaban ku ciyaaray anoo yar waana runtaye waa baa ano yar mas cagaaran aan ku ciyaaaray waxna ima yeelin markii ilaahayba iga aymiyay Markaa kadib maskii waana daba galay aadbana uga cabsanayay waxana iska celinaynay oo wax baan ku tuurtuuraynay si uu nooga haro waan soo laabanay xaga xaafada markaa wali wuuba na  daba socday ani waan ka duulay oo islaantii waan ka dheereyay waxan wadad kusoo maray guri aan laha islàntaas baa lahaydoo wada kamartay oo wada dhexdeeda ku yaalaa markaa god baa ka dhex qodnaa waxaan dhahay yarabi arka godkaaa kurid oo anagana naga reeb umada muslimka aha uusa dhibinuu halkaas ku dhintaa markaa waxan lahaa masoo dhaafi karo halkaas buu ku dhimanayaa maskuanina waanba duulay markaa Xaladayda waxaan aad ii dhi...

Riyada maska madow oo sariirta soo fuulaya

The last days countdown has started  â€Œ â€Œ â€Œ  Riyada: SCW sheekhow waxaan rabaa inad i fasirto riyad maska madow oo sariirta soo fuulaya muxuu noqon karaa maska madow marka riyo lagu arko asoo sariirta korkeeda soo koraya mahadsanidiin. Fasirka: Maska madow waxaa lagu fasiraa cadow ama xaasid oo xumaan kula maaggan, wuxuu noqon karaa qof aad kuugu dhow saaxib aad  tihiin ama qaraabo. Guud ahaan riyada waa digniin oo lagaaga digayo waxaa lagaa rabaa inaad iska ilaaliso dadka qaar, waliba dadka qolkaaga soo gali karo oo sirtaada ogaan karo.

Qofkii riyo ku arko asoo u duulaya sida shinbirta

Riyada: Sc maxaa lagu fasiraa qofkii arko asoo magaalada ku dul wareegaya asoo duulaya sida shinbirta oo kale guryaha korkooda iyo geedaha magaalada ku yaalla. Fasirka: Riyada duulitaanka marka ay tahay qaabka aad sheegaty oo ah qofka inuu ku dul wareegsanayo guryaha korkooda waa riyo fiican waxay tusinaysaa qofkaas inuu awood yeelanayo meelo badanna u safrayo. Waxaa laga yaabaa inuu noqdo qof madax ah ama masuul.

Riyada anoo duulaya oo saaxiibkay libaax daba socda

 Riyada: Asc waxaan ku riyooday aniga iyo saxiibkay oo wada socona ayaa waxaan mari kari waynay xidhi ama kayn jiq ah oo dhir qodax leh aad u leh kadib anigu waan duulay oo waan dulmaray saxiibkayna waan ka tagay. Cabaar kadib waxaan ku soo laabtay saxiibkay anigoo u dhawaaqaya waxaan arkay isagoo waddo socda oo libaax daba socdo waliba gool ah, waktigu waa fiid waxaan u sheegay libaaxa daba socda wuu arki waayay kadib waxaan ku shiday toosh aan watay iftiinkii aan ku shiday buu ku arkay. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa in Ilaahay kaa badbaadin doono dhib kaste ku soo maro, sidoo kale inaad yeelan doonto awood ama jago oo lagaaga dambeyn doono, duulitaanka wuxuu wataa astaan tilmaamaysa marka riyo lagu arko qofka inuu magac iyo sharaf yeelan doono. gool libaaxna hadda waxaa lagu fasiraa xaasid, laakin inshaa Allaah adiga waad ka badbaadaysaa dhibka xaasidkaas uu kuu keeni karo.  Sidoo kale qof saaxiibkaaga ama walaalkaaga ayaadna ku baroorujin doontaa wixii dhib u keeni kar...

Riyada geerida walaasha iyo xanuunka hooyo

Hurry - it's our best deal of the year!  â€Œ â€Œ â€Œ  Riyada: Asalamu caleykum shiiq ilahey hakubarakeyo qeyr fara badana allha kusiye ii fasir riyadan iga ohisay shiiq waxan kuriyoday walashey iney dhimatay walalaheyga kalana kama garaneyn tey tahay waxan aday tacsidii waxan ugu tagay gobtii tacsida hoyadey oo xanunsan korkedu gogo an yahay dhimirka ka xanunsaneysa nabro badan jirkeda ka so baxay dharka an ceshaneyn waxan u oyey si saa ida bartii an jogay ayan malkeygii ku xarashay si an ugu daweyo hurdadii waxan ka so kacay anigo aminsan oyinteyda iney dadku maqlayen murugeysan hoyadeyna wey cafimad qabtay markii iigu dan beysay Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa murugo kula soo gudoonaanayaan oo la xiriira mustaqbalka noloshaada, Ilaahay hakaa badbaadiyo wixii dhib ah.

Riyada saaxiibkayga oo timaha iga xiiraya

Riyada: Asc waan idin salaamay waxan raba fasirka riyadan Waxay u dhacysaaa sidan waxaan kuriyooday saaxibkay oo timaha iga xiiraya. Fasirka: Riyadan waxay tusinaysaa in walwalka iyo fikirka ku hayo ay kaa tagayaan, waxaana sabab u noqonaya qof adiga kuu dhow waxaad helaysaa wax aad ku farxdo oo ku hilmaansiiyo fikirka iyo murugta. Guud ahaan riyada waa riyo fiican. Sidoo kale riyada xiiridda timaha waxaa laga fahmaa qofka inuu ka bixi doono hadduu dhib haysto oo uu noqon doono qof dareemaya xasillooni iyo farxad.

Geel libaax eryanayo maxaa lagu fasiraa

Last 5 days to get Platinum & Diamond at 40% OFF  â€Œ â€Œ â€Œ  Riyada: Geel libaax eryanayo ayaa naga horyimid aniga iyo saxiibkay murkuu geelii na waydaartay waxaa na soo jiidhay libaaxii eryanay geela kadib waxaan ku dhuftay dhagax wuuna naga leexday. Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inay kula soo gudboonaan doonaan dhibaatooyin adag laakin waad u adkaysan doontaa waana ka badbaadi doontaa marka ugu dambayso. Libaaxa wuxuu astaan u yahay hadda dhibka iyo rafaadka iyo cabsida kula soo gudboonaan doonto neefka geelana wuxuu astaan u yahay sabarka iyo adkaysiga sidoo kale leexashada libaaxa waa badbaadada.

Riyada nin aanan garanaynin oo shaadh cusub i siiyay

Riyada: Waxaa  ahay nin dhalinyaro ah oon wali guuursanin waxaan ku riyooday saaxiib aanan garanaynin oo shaadh cad oo cusub isiiyay  Fasirka: Riyada waa bishaaro shaatiga cad waa khayr badan, wuxuuna tilmaamayaa daacadnimo, waliba guur ayuu tilmaamayaa mustaqbalka soo socda, gabadha aad guursan doonto waxay noqon doontaa gabar qalbi nadiif leh oon xaasid ahayn oo daacad kuu ah waliba gabar aan nin kale waligeeda soo shukaansanin oo ku cusub nolosha  shukaansiga, gabadhaasna si sahlan ayaad ku heli doontaa inshaa Allaah.

Riyada anoo jarjarayo faruurtayda hoose

Riyada: Asc bahda daruur media waan idin salaamay wlle yaal xalay waxaan ku riyooday aniga oo faruurteyda hoose ama bishinteyda jarjaraya oo hilib badan ka guray iyo baruur sakiin Ayaan istimaalayaa wax xanuun ah na ma dareeemayo gabadh xaas ayaana ahay isoo fasira jasaakalaah khyr  Fasirka: Riyada waxay tilmaamaysaa inaad iska gooyn doonto dadka garabkaaga ah oo wax kuu qaban karo saaxib ama walaal ama qaraabo, faruuryaha waxay astaan u yihiin waxa aad ku tiirsan tahay oo qiimahaga muujinaya oo nolosha kaa caawinaya. Marka iska jir in dadka wanaagsan lagugu diro oo aad sidaas ku gooyso qaraabo ama saaxiibad wanaagsan ha ahaadaan.

Riyada wiil ii yimid oo liin dhamaan aan siiyay isna lacag i siiyay

Riyada: Asc wllayaal. Wxan xalay ku riyooday anigoo jooga gurigeena ayaa wxaa ii imaaday wiil iska meel dhexaad ah oo waji ahaanna quruxlow ahaa oo mareeykanka iiga yimid iina sheegaya inuu horeyna mar iiso wacay kadib wxaa ooyay wiil yaroo wllkey dhalay markaa buu idhahy adi maa dhalay intuu Yara naxay maya ayaan ku iri kadibna caadi buu iska noqday kadib liin dhanaan meesha saxan yar saarned buu damcay inuu inoo kala jaro kadib ban ku iri iska wada qaado anaga geed liin aa inoo baxooye waana run oo geed liin dhanaan aya guriga inooga baxaya kadib ayuu lacag jeeg ku jirta isiiyay o warqad ku dhex jirto io warqad kle oo wx  ku jiraan iguna yiri sidad doonto u isticmaal. Sidaas ayaana ku kala tagnay oo isu macasalameyny wiilkii.paL lifasira riyadaas wxana ahay gabar aan guur soo marinpa Fasirka: Riyadan waxay tilmaamaysaa inaad guursan doonto nin aad kuugu kalsoon nolol fiican ayaadna la wadaagi doontaa, wax kastana wuu ku siin doonaa oo ay naftaadu jeceshay. Riyada sidoo kale waxay...

Waxaan ku riyooday anoo liin dhanaan iyo toosh lay siiyay

Riyada: Asc dhamaantiinb waan idin salaamay salaam Kabacdi waxaan rabaa fasirka riyoodan Waxaan kuriyooday anoo socda wado kadib inta layimid Ok laysiiay liin dhanaan iyo toosh ayaa lay yidhi adaa masuul Ka ah familkaaga waxna xuman maayane soco. Fasirka: Riyada waa riyo fiican waxay tilmaamaysaa in aad xal u heli doono waxyaabo badan oo noloshaada xiriir la leh, liinta dhanaanka waa geed fiican oo daawo ah marka waa riyo wanaagsan. Teeda kale tooshka wuxuu calaamad u yahay hanuun iyo toosnaaan,marka waa riyo aad u wanaagsan waxaad heli doontaa waxyaalo badan oo nolosha kaa caawinaya.

Riyada anoo dadka ku leh waan tagayaa

Riyada: Walaal waxaan kuriyooda anooo dadka kuleh waan tagayaa 7 bill kadip Mar anoo caadi lay leeyahay waa waqtigaad isbadali lahay Mar anoo gaadhi cad wada Calaaya kuli xaaal waxaa aad iigu soo noqnoqda anoo leh waan tagyaa Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa inaad mustaqbal ka raadsan doonto dalka dibaddiisa, waxaa kaloo laga yaabaa safar inaad gasho guud ahaan waaa riyo wanaagsan oo tilmaamaysa isbadalka noloshaada.

Waxaan ku riyooday hooyo oo qarax ku geeriyootay

Riyada: Walaal waxaan ahay wiil aan wali guursan oo noloshiisa ay wali tahay Sasay tahayna waxaan kuriyoodaa HOOYADAY MACAAN OO MASAJID TAGTAY KADIPNA XAGAA QARAX KULA KULANTAY KADIBNA GEERIYOO TAY WALAAL MARAR BADAN AYAAN KURIYADAY GEERIDA Hooyo Mcn alaha daYe    Fasirka: Walaal riyada geerida noocan ah waxaa laga yaabaa inay tahay walwal aad dareensan tahay, maadaama dalka ay qaraxyo ka jiraan cabsi ayaa laga yaabaa inay kaa keentay inaad ku riyooto hooyadaa oo qarax ku dhimanayso. Waxayna u badan tahay sidaas. Haddii la fasirayo waxaa lagu fasiraa mashaakil iyo murugo kula soo gudboonaanayo.

Riyada ul oo quraan laga dhegaysanayo sidii cajalad oo kale

Riyada: Asc wll waan idin salaamay  dhamaan bahda daruuroweb  walaa hadaan su,aashayda  u dhaadhoco  Waxaan kuriyooday aniga iyo saaxibkay oo marayna dhul cas oo banaan inyaroo tuur tuurah moyee  wll kadip anagoo halkii marayna ayuu zaaxibka iga soo noqday aniguna anoo dhulkii jooga wali ayaaan ul aan haystay dhulka kutaagay kadib ushii aan dhulka kutaagay ayaa waxay kadhawaa qisay Quraan kadib ushii markaaan dhulka kasoo saray waaba ushii oo muday cajalad quraaN  cajalaadsi waxaa kabaxayay quraan uu akhrinayo qaariyada carbeed mid kamida. Fasirka: Walaal riyada waxay tilmaamaysaa inaad guul heli doonto oo aad noqon doonto qof diinta ku xiran oo noloshiisa ay fiicnaan doonto wax kastana loo fududeyn doono.